Heestii Caanka ahayd:Dalkayaga ninkii doonayayoow, inuu duudsiyo raboow, anagu diidnaye ogoow
Hargeysa(saraarnews) waxaanu idiin dooray hadana Heestii Caanka ahayd ee Dalkayaga ninkii doonayayoow, inuu duudsiyo raboow, anagu diidnaye ogoow. heestan oo loo yaqaan afrikaay daya heestan oo ka mid ahayd heesihii Idaacada Radio Hargaysa u duubnaan jiray , waxa imika inoo qaadaya ardayda dugsiyada oo radio Muqdisho u duubay waxana u tumaya Siciid maxamed xarawo iyo koox [...]
Heesta Maanta: Jabaabiirta Somaliland Jihaad gala
Hargeysa(saraarnews) ku soo dhowaada Heestan adaniga ah oo halkudhigeeda la yidhaaho Jabaabiirta Somalilaaneey jihaad Gala kooxda Heegan erayadii cabdi bashiir indhobuur (AHUN) , heestani waxay soo baxday sanadkii 1977 dhegaysi haboon.
Dagaal Ka Qarxay Deegaanka Higlada iyo Tukaraq oo Maxaabiis lagu qabtay.
Higlada (saraarnews) Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Maxaabiis doora oo la sheegay inay ku jiraan saraakiil ka socotay Puntland iyo kooxda nabadiidka ah ee SSC la magac baxay. warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay maxaaabiistaas ka mid yihiin Axmed Karaash iyo Cali Sabarey oo la qabtay Dagaalkan oo ahaa mid xoog leh oo [...]
Hees ku socota kooxaha nabadiidka SSC ee qaraxyada ka wada Laascaanood Codkii M.C.Timajilic
Laascaanood(saraarnews) Heestan oo halkudhigeeda la yidhaaho waa la doon doonayaa waxaanu u dooray kooxaha nabadiidka ah ee gobolada barriga somaliland rabshada ka wada ee la baxay SSC, kooxan oo mudooyinkii u danbeeyey qaraxyo ka geystay Magaalada Laascaanood ayna ku dileen Masuuliyiin u dhalatay degaankaas, heesta waxaa inoogu luuqaynayaa fanaankii weynaa ee reer Somaliland Maxamuud Ciise [...]
27 May 1988 iyo Dagaalkii Burco Qallinkii Sulayman yusuf dhakhtar
Maalmo ka hor 27 may 1988 waxay ahayd wakhti aad iyo aad ugu adag jabhadii S.N.M iyo taageerayaasheediiba, waayo waayo waxaa heshiiyay labadii hogaamiye ee Somalia iyo Ethiopia, Siyad barre iyo Mengistu,waxaa dallow ka dhacday rejadii shacabka,waxkastana waxay ka fisheen dhinaca guuldarada,werwerka,malo awaalka,anfariirka iyo rajo xumadu waxay noqdeen kuwo wehel u ah dadkii ku noolaa [...]
Madaxweyne Siilaanyo iyo Somaliland oo si weyn loogu soo qaaday Shirkii Golaha wasiirada Kuweyd ee maanta
Kuwait (saraarnews) kulankii Golaha wasiirada ee wadanka Kuweyd oo galabta ku qabsoomay Qasriga SEIF iyada oo uu Shir gudoominayey Ra'iisal wasaaraha wadanka kuweyd Sheikh Nasser Al-Mohammad Al-Ahmad Al-Sabah ayaa maanta lagu xusay Somaliland iyo Madaxweyneheeda. Hadaba intii aan kulankaasi bilaabanin ayaa wasiirka arimaha golaha wasiirada Ali Fahad Al-Rashed Al-Rashed ayaa golaha ka hor akhriyey warqadihii [...]
Widhwidh oo Noqon doonta Xarunta Gobolka Buuhoodle
Widhwidh(saraarnews) Xukuumadda Somaliland ayaa lagu wadaa maashaariic badan oo loogu talo galay Gobolka Buuhoodle inay imika u wareejiso Deegaanka widhwidh oo la Filayo inay Noqoto Caasimada gobolka Buuhoodle oo ah mid ku yaala meel xuduud ah, waxaana durbaba la bilaabay dhismayaasha xarumaha maamulka dawliga ah, sida badhashaabka , maayarka, Cusbitaal iyo laamaha Dawlada ee Kale. [...]
Foreign Ministry: Kenya ready to recognize Somaliland
Kenyan Assistant Minister for Foreign Affairs Richard Onyonka The Kenyan government has expressed support for the recognition of Somaliland, which is an autonomous region of Somalia. Kenyan Assistant Minister for Foreign Affairs Richard Onyonka said that Nairobi supports the recognition of Somaliland as an independent state and Kenya will encourage the countries [...]
Dhegaysso: Dood BBC Africa qabatay oo si xun loogu bahdilay bahal la daaqa Cabdi Ismaaciil Samatar
Halkan ka dhegayso doodaas: Barnaamijkii Xalay ee ka baxay Laanta Afka Ingiriisiga ee BBC Africa Have Your Say oo soo galay Xalay 7dii ilaa 8dii Fiidnimo ayaa cashar lama ilaawaana loogu dhigay mid ka mid ah Labada nin ee Xaasidnimadu madax martay ee Ilma Samatar gaar ahaan Cabdi Ismaciil Samatar oo si idho [...]

