Faallo: Sidee ba xal loogu heli kara dhismaha Warshada Sibidhka Berbera Qalinkii Adan Jama Kahin
Waxan halkan marka hore ka salaamaya dhamaan akhristayaashii sida fiican ugaga hadlay labadaydii maqaal ee kala ah (Maxa hortaagan maalgashiga dalkeena , Qaytii 1aad iyo Qaybtii labaadba). Kuwaasoo dhamaantood soo dhaweeyay ra’yigii ahaa Somaliand Hantiilayashoodu iyaga hagraday inay wadanka warshada ka sameeyan mudadii dheerayd ay Somaliland nabad ku naaloonaysay. Maqaaladihi aan qoray waxad markhaati ka [...]
Faallo: Maxa hortaagan maalgashiga warshadaha ee dalkeena (qaybtii 2aad)
Cadadkii 6aad , Taarikh 24/7/201 Waxan marka hore halkan uga mahadinaya dhamaan dadkii ila soo xidhiidhay igana codsaday inan qoraalka sii wado, taasaana imika igu dhiiri gelisay inan qoraalkan qaybtiisii labaad aan soo qoro. Waxan kale oo aan halkan uga mahadcelinaya warbaahintii qaadatay qoraalkayga kaasoo uu ugu horeyo wargeska Haatif, iyo websityada kale ee kala [...]
Faallo: Dahabshiil Waanu Difaacaynaa !
Inkastuu dhabcaal gudhanyahoo dhadhabo kuu diido Isagoo dharaar maqan koluu dumar wax kuu dhiibo Dhanaad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye Waa dhaawac kugu yaal xigtada dhaqasho diidaa. Gabayaa hore Nimcooyinka Ilaahay Aadmigiisa ku galadaystay cidina ma soo koobi karto waxaynuse ka xusi karnaa: Diinta islaamka, Maalka , Ubadka , Caafimaadka, Quruxda, madaxnimada, Aqoonta [...]
Faallo: Taariikhda Qalcada Taleex iyo caashaqa beesha Khaatumo Qallinkii Rashid Cabdiraxmaan Jaamac
Taariikhda Qalcada Taleex iyo caashaqa beesha Khaatumo Kooxdii Khaatumo ee qalcada iyo qabiilku iskaga qaldamay Qalcada Taleex waxa dhismaheeda la dhameeyay 1913kii waxana dhisay niman Carab ah oo sancadaas ayagu soomaalida ku dhaama Jidali iyo Midhishana ayaguun baa dhisay, qeybe ka mid ah Taleex weli dhismaheedu waa socdey marku dagaalkii Dayuuradaa bilaabay 1919kii. Daraawiish qalcada [...]
Faallo: Arinta Kooxda Khaatumo seeg waa Maxaan Daaco Habareedeey ku maqlay !
DR Cali Khaliif Galaydh wuxuu ka mid ahaa Aqoonyahanadii Beesha Dhulbahante ee uu Hogaaminayey Garaad Cabdi qani Garaad Jaamac (AHUN) ee 18 .05. 1991 Seeska u dhigay Gooni isu taagii Somaliland, wuxuuna dhawr goor holiyey inuu Somaliland ka noqdo Madaxweyne ku xigeen ama Ra’iisal wasaare. Dr Cali khaliif galaydh wuxuu ka mid aha [...]
Faallo: Wershada Sibidhka ee Berbera (Berbera Cement Factory) By Eng. Mohamud Qoorubaxay
Waxaan salaam qiimo iyo qaayo badan u dirayaa dhammaanba shacabka reer SL ee akhriyey maqaalkaygii ku saabsanaa cinwaanka sare. Waxaan mid gaar ah u dirayaa dhalinyaro badan oo xiisanaysay maqaalkaas oo ila soo xidhiidhay ina waydiistay inaan warar mugleh uga soo diro sida sibdihka loo sameeyo iyo qalabka lagu sameeyoba. Waxaan salaam aad iyo aad [...]
Faallo: Hadda saadooy Ana goobta waa joogay !
Hadii lagu sheego waa la is sheelaa hadii lagu sheelana waa la is sheegaa ! waxaan idiinku soo gudbinayaa qiso suugaaneed. Qisadaas oo ku saabsan Heesta Saado Cali ka dhigtay inay Isaaq u dooday oo ay u heestay "Ileen hadal oo ma yidhaaho " Heestaa Waxaa la yidhaahaa Dhawaaq murugo waxaana Midhaheeda sameeyey horaantii sanadkii 1989-kii Abwaan Axmed [...]
Faallo: Qurbajoogta Dhulbahante ee Khaatumo 2, Ma Urur Siyaasadeed oo Cusub Baa. Afhayeenka Beesha Fiqishini ee Yurub
Waxaa beryahan soo baxaya oon la soconaa in dhalinyaro qurbo-joog dhulbahante ahi ku sugan yihiin gudaha wadanka, kuwaas oo maraya tuulooyin iyo degmooyin badan oo deegaanka ka tirsan, iyogoo halku-dhegoodu yahay Midayn Dhulbahante, hadaba waxaa fiiro iyo xusidba u baahan qorshaha ay dhalinyaradani wadaan, kaasoo ay ugu yeereen midayn dhulbahante haday noqon lahayd xaga horumarinta [...]
CIIDANKA QARANKA SOMALILAND ,MA SAMI QAYBSI BEELAHA DHULKA DAGAA MA LA HAYAA TIRADIISA GUUD MA XISAABTANTAY BEEL WALIBA INTA TIKNIKO KAGA JIRTA IYO RAG,
AKHRISTAYAAL WAXAA MUGDI IYO SHAKI KU JIRAA 1994 ILAA 1997 MARKII MAHOMAMED HAJI IBRAAHIN CIGAAL CIIDAMADA QARAMEYEY SOMALILAND EE BEELUHU HESHIIYEEN CIIDANKA QARANKA MA WAXAA LAGU HESHIIYEY IN HADII LA KORDHINAYO AMA LA DHIMAYO MA WAXAA LAGU SALEEYA SAAMI BEELAHA WADANKA DEGA LOOGU QAYBIYE OO LA YIRAAH BEEL KASTAY 1000 ASKARI KEEN MISE KOLBA CIDA [...]
Salaan diiran Saraar news
Asc aad baan idiin salaamayaa guud ahaanba shaqaalahaa kalagedisan ee shabakada wararka ee saraar news markaas waxaan rabaa in aan waydiiyo maaxakudhacay hada shebekadu masoo gud biso wararkii ? aadbaan ugu mahadsantihiin isbedelka wayn ee aad kusamayseen bga here ee ee shebekada halakaas kasiiwada ad baan idiin salaamayaa g ahaanba Saraar news sidaas iyo Ramadaankariim [...]
Faallo:Dahabshiil iyo Saamaynteeda Somaliland.
Guudmar kooban Shirkada Dahabshiil waxaa aasaasay Mudane Maxamed Siciid Ducaale horaantii sanadihii 1970-yadii, waxayna ku bilaabatay Dukaan yar iyo xawilaad fudud oo laga soo qaadi jiray wadamada Carabta isla markaana la keeni jiray Magaalada Burco. Shirkada Dahabshiil ayaa waxay laamo farabadan ku leedahay 144 dal oo caalamka ka tirsan waxayna ku leedahay [...]

