Wararka

Faallo: waxaan soo arkay, Tuska 4’aad.

Dhibaatada soo galootiga iyo halista uu ku hayo Somaliland.

Halista soo galootigu ku hayo magaalooyinka somaliland waxay sare ugu kacday 100% ha ugu sii daraadeen labada magaalo ee kala ah Hargeysa iyo Burco, magaalooyinkaa sidan haday ku socoto waxaa shaki la’aana in laga bara bixin doono dadkii u dhashay ee asalka u lahaa tusaale ahaan:image

Caasimada Hargeysa

Caasimada Hargeysa iyo Borama waxaa la wareegay soo galootiga ka soo jeeda dalka Itoobiya, waxay qabsadeen shaqooyinkii hoose oo dhan, guryaha iyaga ayaa waardiye looga dhigay, jaariyadaha , nadiifiyayaasha, dareewalada gawaadhida,  shaqaalaha hoteelada iyo makhaayadaha, macalimiinta Jaamacadaha iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, ganacsiga wareega ee gacanta lagu qaato, meheradaha laga cabo bunka iyo shaaha, shirkadaha isgaadhsiinta , dewersedayaasha meel aad istaagto aanad helaynin magaalada Hargeysa.

Isumana haystaan inay yihiin qaxooti, afsoomaaliga way kaa badiyaan qaarkoodna gabayadii Salaan carabay, Cabdi Gahayr, Timacade, Cabdi Iidaan iyo Cali dhuux bay kaaga sheekaynayaan, halka dadkii magaalada u dhashay ku fekerayo inuu ka shaqeeyo xafiis qalabaysan , gaadhi wanaagsan iyo  inuu guri fiican ka soo tooso haduu waayana dalkaba ka tahriibo oo ka dhoofo isagoo ku sababaynaya inaan shaqo dalka ka jirin. Shaqo dalka way ka jirtaa fursadaha dadku haystaana dadka Europe ku nool qaarkood baan haysan hase yeeshee cirkaa lagu faruur xidhan yahay.

Arintaas oo jirta oo magaaladiiba lagala wareegayo ayaa dadkii Hargeysa hormuudka u ahaa ku qarwayaan magaalada anagaa leh, ninka bari ka yimi hanaga baxo  waxaana suuragala dhowaan in Oromo kala wareegto intay gurigiisa kadinka iska taagto.

Waxa kale oo la ii sheegay inay qayb aad u balaadhan ka yihiin nabadgelyo darada caasimada Hargeysa ayna qayb ka yihiin ama ugu badan yihiin dadka habeenkii wadooyinka dadka isu taaga ee ka qaata mobile-lada gacanta, ama dhibaatooyinka kufsiga hablaha aad u geysta.

Soo galootiga kale caasimada aad ku arkaysaa waa dadka reer Soomaaliya meelaha qaarkoodna meherado jilib jiliba ka samaystay oo lagu odhanayo makhaaxidii mushunguliga Dukaanka Raxanweynta ama bakhaarka  Dudublaha ayaan tegayaa, waxaanay u muuqataa inaanay jirin qadiyad lagu kala duwan yahay. Muuqaalkay bixinaysana waa dalku waa midaysan yahay.

Magaallada Burco.

Meermeer waa jiraa mooryaana ma leh !

Sida Hargeysa oo kale magaallada Burco oo caasimada labaad ee Somaliland ahaydna halkii lagaga dhawaaqay gooni isutaaga somaliland 18.05.1991 xaalkeedu waabuu ka sii liitaa ta Hargeysa ka taagan.image

Magaalladu waxay u dhowdahay inay dhowaan codsato in dastuurka loogu daro in afafka lagaga hadlo laga dhigo May iyo Maxaa tiri  , waxaa la wareegay badankeedii ganacsigii hoose dad ka hoo haajiray gobollada koonfurta ee soomaaliya.
Waxa magaalada Burco is dhaafaya macasaro iyo makaalkii laga shiiday, waxay soo kordhiyeen sixir, waxay guursadeen dumar badan oo degaanka ah, xafiisyo intooda aan lacagta haysanin laga siiyo caawimo ayaa laga furay oo meelo bakhaaro oo ay raashinka ka qaataan ku yaalaan, waxay la wareegeen ganacsigii hoose badankiisa, waxaa meesha maraya dhalinyaro xoogan oo aan is idhi ugu yaraan waxay ka tirsan yihiin kooxaha alshabaab ee soomaaliya ka dagaalama ama waa Askar si hoose loo soo geliyey oo marka loo baahdo qoriga iyo tuutaha uun xidhanaya.

Markaad soo gasho goobaha telefoonada laga dirto ama Rakaalada oo ay aad u isticmaalaan waxaa dhegahaaga ku soo dhacaysa kelmeda ah: Meermeer waa jiraa mooryaana ma leh, taas oo macnaheedu  noqonayo inaan meeshan dhibaatadii daydayga iyo shuftada ee nabadgelyada darada ahayd ka jirin kiishadahana lacag laga buuxsanayo nin dewersada iyo mid shaqaystaba. Waxaad arkaysaa qof dewersanaya oo telefoonka uu sitaa aanu kala go’aynin intuu kula taagan yahay iyo siduu u lebisan yahay iyo dhalanka iyo quruxda ka muuqato.  Sidii rag horeba sheegeena waxabaa igu cusbayd qaarkood inay sarifka kuu soo celinayaan hadaad u dhiibto Boqol dollar.

 

image

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadaad eegto meheradaha yaryar ee ku wareegsan xarumaha waaweyn ee Dahabshiil, Telesom, Somtel , African Online iyo meelaha caanka ahba iyagaa leh 65%.  Waxay u muuqdaan qaar dardaaran qaba oo jooga meel la dhaxlay magaca ay ula baxeen Burco waa Dal la helay. Burco dadkeedu  waxay ka sheekaynayaan dhoof,   doonidii uu la socday way gashay iyo tahriib.

Hadaad eegto sida ay ku socoto dalka Somaliland 10 sanno ee  socda hadaan dadkeedu waxka bedelin wuxuu noqon doonaa mid dad kale oo soo galooti ahi bedelaan oo 1960-kii dal guur baa dhacaye imika ay dhacdo dhul, dhaqan iyo dhaqaal guur wada socdaa

Talo ahaan waa:

  • In dalka degdeg looga saaro dadka soo-galootiga ah inta la ogolaadayna laoo sameeyo hab   lagula socon karo ama lagu ogaan karo xaaladahooda nabadgelyo iyo nololeed, si aanay u noqonin wada halaq mareen. Ugu yaraana waaxda socdaalka, wasaarada arimaha guduha iyo laanta qaxootiga qaabilsani u diyaariyaan in cid kasta oo aan Somaliland u dhalani haysto warqad cadaynaysa sharciga uu wadanka ku joogo meel kasta oo uu marayana uu sitaa.
  • In la na xoojiyo inaan muwaadiniinta iyo shirkadaha ganacsiga laga ogolaanin inay  shaqo qof wadanka u dhashaay qaban karo  siiyaan qof aan dalka u dhalanin, Ruqsadna ay wasaarada shaqada iyo laanta socdaalka uga qaaataan intaanay shaqo gelinin qofkaas, cidii arintaas lagu qabtona ee sharciga khilaaftana talaabo laga qaado.
  • In hay,adaha ajaanibka ah lagu wargeliyo inaanay shaqo gelin karin qof ajaaniba oo lagu shaqaalaynayo shaqo muwaadin wadanka u dhashay qaban karayo.
  • In diiwaan gelin lagu sameeyo dhamaan dadka aan Somaliland u dhalan ee wadanka jooga lana helo cinwaan iyo meel loogu soo hagaago.
  • In aad loola socdo dhaqdhaqaaqa dadka soo galootiga ah ee wadanka jooga iyo hawlaha ay ku foogan yihiin si aaanay u noqonin qaar wax u dhimi kara amniga qaranka oo aanay ugu soo dhex dhuuman kooxaha la bartilmaameeedsanayaa.
  • In wacyi gelin balaadhan loo sameeyo dadkeena inay qabtaan shaqooyinka ay ka xarooganayaan ee dalka ka jira, waayo dadkeena mooyaane ma jiraan cid shaqo ka xaragootaa.

 

La soco tuska 5’aad

 

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top