Wararka

Dilkii culimada iyo khudbaddii Afweyne Barre uu jeediyay

culimo2_thumb
Halkan waxaan idiin kusoo gudbinayaa sawiro aad u xanuun badan oo laga qaaday tobankii caalim ee dilka uu ku xukumay keligii taliyihii  Maxamed Siyaad  Barre bishii January 1975.

 

 

Dhegayso khudabadii Afweyne Barre

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

10-ka wadaad oo kaliya dambigoodu ahaa inay ku adkaysteen in Ilaahay (SW) uunan xagga DHAXALKA ka simin ragga iyo dumarka, ayaa 17kii bishii January 1975 laga qabqabtay masaajiddada magaalada Muqdishu salaaddii Jimcada ka dib.

Lix cisho kadib, 23kii January 1975 ayaa culumadaa lagu laayey meel fagaaro ah.

Waxayna kala ahaayeen:

1 – Sheekh Axmed Sh. Maxamed

2 – Sheekh Muuse Yuusuf

3 – Sheekh Axmed Iimaan

4 – Cali Xasan Warsame

5 – Xasan Ciise Iley

6 – Maxamed Siyaad Xirsi

7 – Cali Jaamac Xirsi

8 – Aadan Cali Xirsi

9 – Saleebaan Jaamac Maxamed

10- Yaasiin Cilmi Cawil

(taabo sawirka si’aad u weyneyso)

  • Culimadii oo gacmaha gadaal laga xidhayo

 

  • Askar sii waddaa wadaad dhalin yar

 

  • ..

 

  • Indhaha ayaa loo duubayaa..

 

  • Qoraxdu weysii dhaceysaa..

 

 

  • Shahiidkan oo weli xarigii ku xidhan ayuu dhakhtarku hubinayaa inuu meyd yahay

 

  • Waxaad moodaa inuu shaatiga & sarwaalka cad uga baqayo inuu dhiigu ka gaadho!

 

waa la idinku shubay, waa la idinku shubay, waa la idinku shubay.. haddana anaa idinka shubaya.. wallee.. [Siyaad]

Halkan hoose waxaad ka dhegeysan kadhaa khudbaddii uu jeediyay Siyaad Barre kadib markii culumadii la laayey… dadna way sacbinayaan, dadna way qoslayaan..

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top