Wararka

Warsaxaafadeed: Madaxweyne xigeenkii ma dhimanin , Afhayeenka Madaxtooyada

Hargeysa(saraarnews) Iyadoo Dubaba ay bilaabatay Loolanka loogu jiro Buuxinta Jagada madaxweyne xigeenka oo xaalad caafimaad u jooga wadanka Faransiiska oo la sheegayo inay dadka loolanka adag ku jira ugu horeeyaan , Xubno ay isku beel ka soo jeedaan Madaxweyne Kuxigeenka Buka oo baarlamaanka ku jira oo qaarkood ka soo baxeen xisbiga UCID Maadaama Sharcigu Dhigayo in Baarlamaanka laga qaato Madaxweynaha Iyo ku xigeenkiisa Hadii mid ka mid ahi Xilka baneeyo sababo jira awgood, Warancade iyo Cawil cali ducaale  oo aan iyagu ka mid ahayn Baarlamaanka laakiin doonaya in laga Guuro Distoorkaba Arintana laga Dhigo Shirbeeleed, arintaas oo Riyaalena Aad ugu guuxay, taas Ifafaalaheediina ka bilowday Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Hadaba iyadoo ilaa shalayto la isla dhexmarayey Magaaloyinka somaliland gudaheeda iyo debedaba in Xaaladii Madaxweyne ku xigeenku Geeri qarka u saarantahay ama uu Geeriyooday, ayaa saaka waxaa warsaxaafadeed uu ku beeninayo ka soo xaaray xarunta Madaxtooyada Afhayeenka Riyaale Kaahin, Mudane siciid cadaani, Warsaxaafadeedkaasina  wuxuu u dhignaa sidan:

25/02/2010
Warsaxaafadeed 

Annaga oo tix raacayna wararka beenta ee ku saabsan in Madaxweyne ku xigeenkii JSL , Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin uu Geeriyooday, Waxa aanu u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland dibad iyo gudaba in wararkaasi ay yihiin Been aan sal iyo raad toona lahayn oo ujeedada ka danbaysaana aytahay in fidmo iyo khal khal lagu abuuro ummada reer Somaliland.

Waxa kale oo aanu ummada u sheegaynaa in Madaxweyne ku xigeenka oo caafimaad u tegay dalka Faransiiska ay hadda u socoto daawooyinkii, caafimaadkiisuna aad u fiican yahay, iyadoo aanu uga digayno dadweynaha in aanay u dhag taagin beenaha noocaas oo kale ah.

Allaa Mahad leh,

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top