Wararka

Dareewalkii Marwada madaxtooyadu suuftay oo maalintii sadexaad xabsiga Ku jira

Hargeysa(saraarnews)  Waxa Maalintii sadexaad ku jira xarunta Dhexe ee saldhiga Booliska Magaalada hargeysa Mudane Abshir Xasan Xaashi oo ahaa Dareewalkii gaarka hore ee gaarka u ahaa Marwada Madaxweynaha oo dhawr goor xabsiga loo taxaabay, Mudane Abshir Xasan Xaashi oo Ka tirsan golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa la qabtay isagoo ka mid ah dadkii soo dhoweynayey Gudoomiyaha xisbiga UCID  Faysal Cali waraabe.

Darwalka ayaa waxa la sheegay inuu u xidhan yahay Marwada Madaxweynaha  iyadoo dhawr goor oo horena loo garaacay si dadnimada ka baxsan.

Xadhigan soo noqnoqday ayaa la sheegay inuu la xidhiidho aargudasho ka socota xaga Marwada koobaad, Ka dib markii Abshir Xasan Xaashi diiday inuu khiyaameeyo madaxweynihiisa , uuna cadeeyey inuu yahay Nin iimaan leh oo aanay ka suuroobin  inuu Khiyaameeyo madaxweynihii Umada madaxda u ahaa!.

taasi waxay keentay baa la leeyahay inay Marwadu ku dhaqaaqdo aargudasho ay shaqadii kaga saartay uu ka hayey madaxtooyada oo dhan, Kuna qancisay Madaxweynaha Laftiisa Ninkani inuu la yimi ficilo aan qoyska Munaasib ku ahayn.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in halkii Ninkaa u hiiliyey uu u hiilin lahaa uu Rumaystay eedaymo beenaadkii Loo sameeyey, Taasina ay keentay in abshir xasan Xaashi oo is  difaacayaa uu soo bandhigo Dhaliilaha musuqmaasuq ee maamulka iyo qoyska Madaxtooyadu ku kaceen isagoo aan marna ka tegin dhaqanka asluubaysan oo aan si toos ah marna daaha uga qaadin sababta shaqada looga eryay inay ka durugsan tahay Arimo siyaasadeed oo ay tahay Hab dhaqan kale oo ka Aradan Milgaha Qoys dhan oo qaranka halkii ugu mudnayd jooga.

Intii uu ku xidhnaa Saldhiga dhexe waxaa Booqasho ugu tegay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah.

Cabdiraxmaan Aadan hooshaar

Hargeysa/Saraarnews

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top