Wararka

TAAGEERAYASHA XISBIGA KULMIYE EE NORTH AMERICA OO DOORTAY HOGAAN.

kulmiye astaan

 

 

 

Shalay oo taariikhdu ahayd 11/02/2013 ayaa shir teleconference ah oo ay ka soo qayb galeen gudidii hore ee North Ameerica iyo laamaha xisbiga Kulmiye ee wadamada Canada iyo USA layskula qaatay in boodhka laga jafo taageeradii xisbiga ee North America.

Shirkan oo uu gudoominaayey kuxigeenkii hore north America ahna xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Mudane Maxamed ismail Beergeel, ayaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah iya kadibna Gudoomiyuhu ka waramay waxqabadkoodii intii halganka doorashada lagu jiray iyo sidii looga midha dhaliyay guushii la rabay in xisbigu gaadho.

Gudoomiye Beergeel kadib wuxuu soo jeediyay sadex qodob oo ahaa agendaha shirka.

In maanta la activate gareeyo laamihii Kulmiye ee North America.

In la doorto gudoomiye cusub.

Iyo Balan shirweyne danbe ee lagu soo dhaweynayo laamaha cusub iyo taageerayaasha Kulmiye ee North America.

Xisbiga oo taageerayaashiisu aad u badan yihiin laguna yaqaanay firfircoonaan iyo waxqabad ayaa laysku afgartay in dib loo soo celiyo.

Waxaana halkaa lagu doortay Guddi cusub oo udhignaa sidan:

MUSTAFE ABDI ARTAN (Gudoomiye)

MAHDI OMAR QAADI (Gudoomiye ku xigeen)

SAAMIYA MOHAMED ISMAIL FISHER (Secretery)

Doorashada ka dib waxaa la cayimay shir danbe oo 11/16/2013 in lagu soo casumo dhamaan taageerayaashii xisbiga lana soo dhaweeyo taageerayaasha cusub.

Waxaa halkaa mahadnaq ka soo jeediyay Gudoomiyaha cusub Mustafe Abdi Artan oo u mahad naqay golaha iyo gudida cusuba isagoo balan qaaday inay hawsha halkii ka wadi lahaayeen.

Waxaa soo gunaanaday DUALE MOHAMED oo ah ruugcadaa wax badan la soo shaqeeyay dawladihii hore iyo dawladan KULMIYE oo uu taageeraba.

Waxaanu ku waaniyay xisbiga in ay dhawraan wadajirka, waxna u qabtaan wadanka.

 

ALAA MAHAD LEH.

Dr: JAMA HIIRAD

MINNEAPOLIS.

 

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top