Wararka

Isha Caynaba Hotel oo orodyahanka Jaamac karaaciin Caynaba ka furay

Caynaba(saraarnews)  Magalo Madaxda Gobalka Sarar ee Caynabo Ayaa Guud
Ahaan waxaa si wayn looga dareemayaa udiyaargarawga furitaanka Hoteelka
Isha Caynaba.

caynaba

 

 

 

 

Waxaa Siwayn Looga Dareemayaa Somaliland Wufuud kala duwan oo ka baxaya
gobalada dalka kuna sii jeeda magalada caynaba sidii ay uga qayb
galilahaayeen hotel casriya oo laga furayo magalada caynaba.

Hotelkan ayaa noqonaya hotelkii ugu waynaa ee abid laga furo gobolada bari ee
somalland hoteelkan ayaa noociisan oo kale aanu ka furnayn gobolada bari
ee Somaliland Magalooyinka Hargaysa Burco Ayaa si Xawliya Looga dareemayaa sida
dadku ugu sii qulqulayaan magalada caynaba sidii ay uga qayib gali
lahayeen hoteelka cusub ee loogu magic daray ISHA CAYNABA HOTEL mulkiila
hotelka Jaamac Mxamuud Aadan (JAAMAC KARACIIN) oo qaar kamida Warbaahinta uga
waramaya dadka lagu casuumay ee ka soo qayb galaya furitaanka HOTELKA
ISHACAYANABA ayaa noo xaqiijiyay in dhamaan caalamka dafahiisa la isaga
kala imanayo yada oo mudo furitaanka hotelka qabanqabadiisu socotay
mulkiilaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu noo sheegay in hotelka
isha caynaba waxbadan ku soo kordhinayo Somaliland iyo guud ahaan
gobolada bari ee dalka
Hotelkan Ayaa Qalabkiisa Waxaa Laga Keenaya Dalalka Yurub iyo ameerika
waa hubaal ah in hoteelka cusub ee isha caynaba uu noqon doono hotel ay
ku xisaabtamaan khaasatan qurba jooga iyo cidkasta oo dalka dalxiisa ama
booqasho ku timaado ay ku raaxaysan doonan mudada ay joogaan
Hoteelkan Ayaa Waxaa aad Loo Adkeeyay Dhanka Amaankiisa yada oo ay ku
xidhanyihiin dhamanaan gidaaradiisa qalab sheegaya wax kasta oo halisku
ah amaanka hoteelka.
Sikastaba ha ahatee beri oo jimcaa ayaa waxaa xadhiga laga jari doonaa
hoteelka ISHA CAYNABA
Intii aan ka warhayn waxaa la ogaysiinayaa in ay ka soo qayb galaan
furitaanka hoteelka.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top