Wararka

Diiradaanu Saaraynaayo Dersaynaa Sida Degaanadu iyo Beelahu Ugu Kala Codeeyaan Jaalle Riyaale

Afeef: Iyadoo aanu degaan iyo reer gaar ah aanu u jeedin ayaa waxaanu leenahay, kuwa dhuumanaye dhabarku muuqdoow ee moodaya inaan codbixintooda Faqasheysan aan la fahmi doonin ama la iskaga daba iman doonin, waxa soo dhow fashilkaagii iyo xiligii aanu si cad kugu tirin lahayn ka mid ahaanshaha cadowga sokeeye ee cadowga shisheeye gacan saarka la leh ee ka soo horjeeda qadyada iyo jiritaanka Somaliland; waaanu kugula xisaabtami doona!  
 

Intaas ka dib, sida aad uula wada socotaan wixii dhiig, hoog iyo halaag ahi ee loo soo maray halgankii dheeraa ee qadhaadha ee kumanaanku inagaga shihiideen kumanaanka kalena ku dhaawacmeen in badanina ku naafoobeen ee kuwo kale oo badanina ku maan beeleen iyo kumanaanka kalena ku agoomeen ee la xidhiidhay badbaadinta ummadan, xoriyada, qarannimada iyo jiritaanka Somaliland soona jiitameysay tan iyo xoriyadeeni hore ee inaga luntay ee 1960 ee aanu aakhirkii ku guuleysanay inaanu dib uula soo noqono kuna suntan maalinta weyn ee 18 May 1991 kuna dheeraan maayo oo waanu wada og nahay halkii shalay la inala gaadhay iyo halka aanu maanta taaganahay. Mida kale, waad la socotaan, wixii ka dambeeyey mudadaas dambe ee ku dhowaadka labatanka sannadood ahi (1991 – 2009) ee aanu haysanay xornimada kuna jirnay geedi socodka aaya ka tashigeena ee sida nacabnimada iyo cadownimada leh ee la inoogu fulinayey hagardaamooyinka, shirqoolada, minjoxaabinta, dulmiga, cadaalad darada, bahdilaada, xadhiga, dilka, boobka, iyo dhaca joogtada ahi ee lagu doonayey in mar kale la inagu baabi’iyo ummad ahaan, qoomiyad ahaan, isir ahaan, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo militari ahaanba ee aanu u dhabar adaygnay Eebena inagu garab galay ee aanu wada garanayno shaqsiyaadka, kooxaha, reeeraha, iyo degaanada inagu fulinayey xumahaas oo dhami kana mas’uulka ah ilaa iyo maantadan ama ha ahaadaan cadow sokeeye ama cadow shisheeye’e, iyana waanu ka wada dheregsanahay xisaabina waa inoo dambeysa haatana waxa la jooga xili la is bartay oo xasaasi ah oo kala guur ah oo uu baadilku iyo xaqu ku kala baxi doono dalka Somaliland; hadal dambe oo la is yidhaahdaana ma hadhine fiiro gaar ah u yeelo oo dhugo oo dhuux waxa aanu maanta idiin soo jeedinayno.  
 

Sidaas daraadeed, fursada keliya ee maanta aanu haysano marka laga reebo fowdo, dagaal sokeeye iyo halgan dambe oo hubeysan oo ummada iyo dalka ka dhex dhaca, Eebe inaguma keene—waa doorashadaas madaxtooyada ah ee qabsoomideeda dhowrka jeer sida uula kaca ah loo minjoxaabiyey welina ay socoto curyaaminteeda ee aanu ku soo afjari lahayn geedi socodkeena dimoqraadiyeed ee caalamkana kula gorgortami lahayn waxna aanu ku noqon lahayn taasoo la inooga wada baahan yahay inaanu markan kaga dhabeeyno oo ay xiligeedii ku dhacda oo si xor ah oo xalaal oo nabadgelyo iyo xarago lehi oo bilaa muran ah inoogu qabsoonta hogaankana si wadaninimo, walaaltinimo, wadajir iyo qadarin lehna la isugu hibeeyo si loo badbaadiyo masiirka iyo rabitaanka ummada loogana midho dhaliyo qadyada iyo jiritaanka xaqa ahi ee ummadeena iyo dalkena hoyo ee Somaliland sidaasna loogu quus gooyo guud ahaan cadowgeena gude iyo debedba. 
 

Hadaba, waxaan ugu baaqaya guud ahaan ummada Reer Somaliland, gude iyo debedba, ee danta guud ka shaqeeysa ee lexejeclona ka qabta ummada, qadyada iyo jiritaanka Somaliland, inay ka waantoobaan u sii hiilinta iyo garabsiinta baadilka iyo dulmiga la inagu hayo una wada hiiliyaan xaqa oo ay xil gaar ahna iska saaraan sidii looga samatabixi lahaa waqiiciga jira, marxaladan adag ee ina soo food saartay, iyo khataraha halista ah ee hareeraheena ka socda ee saameyta weyna inagu yeelan kara kuwaasoo ka taagan guud ahaan qaaradan iyo geyigan Geeska Afrika ee xasili la’ kuna noolahay gaar ahaan khataraha iyo burburka ka iman kara hagardaamooyinkan, minjoxaabintan iyo shirqooladan kala duwan ee joogtada ah ee inagu socda ee sida badheedhka ah loogu hayo masiirkeena, rabitaankeena, xoriyadeena qiimaha weyn inagu fadhida, nabadgelyadeena, xasiloonideena, midnimada iyo wadajirka ummadeena,  nidaamka dimoqraadiyada ee aanu qaadanay iyo geedi socodkeena dimoqraadiyadeed, horumarkeena, iyo guud ahaan qadyada iyo jiritaanka Somaliland taasoo aanu idiinka digeyno inaydun dhayalsan ee waxka qabashadeeda iyo xaqiijinteedaba uu waajib idinku yahay waxyaabahaasoo aad ku difaaci kartaan cod bixintiina doorashadan madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa ee muhiimada gaarka ah inoo wada leh taasoo samabixinteena ama badbaadadena ah loona baahan yahay inaydun ka fiirsataan cida iyo xisbiga xaqa idinku leh ee idiin soo halgamay ahna Muj. Ahmed Silanyo iyo Xisbiga KULMIYE ee u taagan midnimadiina, wadajirkiina iyo horumarintiina ee iskuna keen wadi kara inana gaadhsiin kara halka aanu hiigsanayno ee guushu ku jirto oo aad markan si wadaniyadinimo iyo daacadnimo ku jirto oo hagar la’I ah oo aanu madmadow ku jirin aad ugu codeysaan maadama aaney markan idinka socon doonin cadiifadii xumeyd, xin baaniyaalkii, xasad Yahuudkii, xafiiltan foodleydii beeleed ee hore ee loo adeegsaday boobkii doorashadii madaxtooyada hore ee sannadkii 2003 dalka ka dhacday ee ahayd shaqsi hebel, xisbi hebel, reer hebel, iyo degaan hebel ku xume ee la xidhiidhay qabyaalada sumeysan iyo arrimaha goboleysiga ah ee raqiiska ah sida mida Reer Bari iyo Reer Galbeedka ah ee la guracay waayo maanta xaalku halkii horey ma taagna ee meel kale oo halis inoo wada ah ayuu maraya ee hadaba indhaha kala fur xumahana ka waantow si aadan beri isugu qoomameyn shaqsi ahaan iyo beel ahaanba waayo—Diiradaanu saaraynaayo derseyna sida degmooyinku, goboladu, iyo beelahu ugu kala codeeyaan Jaalle Riyaale, Xisbiga UDUB, NSS-ta, Hangashta, iyo guud ahaan Hadhaaga Faqash ee isu habar wacday ee si walba u fashilmay halkaa guul darada ahna ina dhigay fadhi dambena u oolin taasoo xisaab iyo gar cadaaweedba ka dambeyn doontoo taariikh ma hadho ahina yeelan doonta lana isku shaabadeyn doono mustaqbalka dhow iyo midka fogba ee hadaba ka fiirso codka degaankaaga iyo codka beeshaadaba.  
 

Hadal iyo dhamaantii, hadii aanu hadalka idiin yara qalo, waxaanu diirada saareyna oo dersaynaa halka uu kala maro foodka, cadadka foodka, natiijada codbixintaasi, iyo ujeedadii laga kala lahaa ee ka soo baxday tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobolada dalka ee aydun kala siiseen Muj. Ahmed Silanyo iyo Jaalle Riyaale taasoo iyana la isu barbar dhigi doono codbixiyeyaasha beelaha iyo degaanada Isaaq, Harti, Samaroon, Ciise, iyo Gabooye sidaasina waa sida ugu fudud ee aadan ku qarsoomi karin ee lagula xisaabtami doono taasoo ama aad taarikhda baal dahab ah kaga geli doontaan kuna caano maali doontaan ama aad taarikhda baal madow oo ma hadho ah kaga geli doontaan kuna takoormi doontaan mustaqbalka dhow iyo midka fogba.  
 

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada. 
 

Farah.jama@alumni.uottawa.ca

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top