Wararka

Faallo: Xukuumadii ugu waxqabad badnayd ee Somaliland soo marta. Qaybta 1’aad

Dadkaagoo Nabad ku seexday
Dabuubtii nacabka sheegoow
Dareen dhiilaad sidaaye

Shalayto adaa i doortay
Xilkii dumadayda saaray
Hadana adigaa i diidan

Adaa qarankii difaac leh
Hadana cadawgii la duuban

Qabyaalad adaa dawee leh
Qabiila adaw dudaaya

==””==””==””==

Wixii aad dood ku weydo
Dagaal kuma soo helaysid
Tan waa  laga doogayaaye
Ha dumin ciidiyo dalkaaga.

Hargeysa(saraarnews) Yagleelidii qaranimada Somaliland waxaa loo soo maray hawl adag iyo halgan dheer, maalin kastana heer bay joogtay oo wax baa lagu soo kordhinayey, Madaxweyne kasta oo soo maraana wax lagu xasuusto ayaa taariikhda u gelayey oo uu ku biirinayey geediga horumarka iyo dib u dhiska Somaliland.

siilaanyoxaglo

 

 

 

 

 

 

 

  • Tusaale ahaan hadaynu usoo qaadano xukuummadii Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHUN) waxaa lagu xasuusan doonaa sida iyadoo waqti adag  lagu jiro talada la isugu wareejiyo ama la isugu tanaasulo, inkasta oo markii danbe siyaasadiisii noqotay mabd’a aan waxba lagu helaynin oo Federaalka loo yaqaano, hadana waxaa markii tiisii timi si sharafle loogu aasay dalkiisii hooyo iyadoo lagu jeeni qaaray calanka tawxiidku ku xardhan yahay ee Somaliland.
  • Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AHUN) oo ahaa madaxweynihii labaad ee Somaliland waxaa lagu xasuusan doonaa, sees u dhigidii iyo unkidii nidaamka dawladnimo ee  Somaliland iyo hirgelinta nidaamka dawliga ah oo uu juhdi weyn geliyey.                                     Waxa kale oo lagu xasuusan doonaa samaynta baasaboorka , calanka, lacagta  iyo gobol ka dhigistii Saaxil oo markii hore ahayd degmo Gobolkii Waqooyi galbeed ee Hargeysa caasimada u ahayd  ka tirsan.
  • Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale Kaahin waxaa lagu xasuusan doonaa, qabashadii doorashooyinkii is xigey ee dalka ka dhacay iyo wareejintii talada dalka markii laga guulaystay xisbigiisii UDUB.
  • Madaxweynaha xilligan ee qaranka Somaliland waxaa lagu xasuusan doonaa dib udhiska iyo horumarinta Adeegyada Bulshada iyo dhisitaanka  dalka iyo dadkaba, waxaynu tusaaleyaal doora usoo qaadan doonaa.
  1. Bedelaadii lacagtii hore ee Soomaaliya laga bedelay gobolada barriga Somaliland , gaar ahaan gobolada Togdheer iyo Sanaag , taasoo dhibaato ku ahayd bulshada degaamadaasi.
  2. Barnaamijka waxbarashada bilaashka ee dalka laga hirgeliyey taas oo fursad u siisay dad badan oo awoodi kari la’aa  in caruurtooda ay waxbarashada ka bixiyaan inay nasiib u heleen waxbarasho bilaash ah.
  3. Maamul fidinta gobollada dalka iyadoo ciidamada Somaliland ku sugan yihiin degmooyin iyo deegaano aanay joogin markii talada Madaxweyne Siilaanyo  xukuumadiisu qabatay sida degmooyinka Laasqoray iyo Xudun oo kale.
  4. Dhismaha xafiisyada maamulka wasaaradaha oo noqday mid isugu faan ah, wasaarad kastana loo dhisay xafiisyo bilicdoodu kusoo jiidanayso oo leh meeqaamka dalalka citiraafka haysta xafiisyadooda oo kale.
  5. Dib u heshiisiinta qaranka dhinaca kooxihii ka soo horjeeday oo maamulka dalka laga qayb geliyey haday tahay, kooxihii dalka ka soo horjeeday ee SSC iyo Awdal state la baxay.
  6. Ka qayb gelinta Dhalinyarada ee Maamulka iyo hogaaminta dalka oo aad arkayso inta talada wadanka hormoodka ka ihiba inay u badan yihiin niman dhalinyaro ah.
  7. Bixinta derajada Ciidamada kala duwan ee qalabka sida oo noqotay astaanta dhamaystirka nidaamka dawliga ah ee ciidamada.
  8. Dibudhiska madaarada iyo wadooyinka ee dalka ka socda oo mid kasta ay ku biirisay wixii awoodeedu siinaysay iyo dibudhiska kuwii hore ee jiray, maantana ishii aragtaa markhaati ka noqonayso sida ummada looga yareeyey shilalkii badnaa ee wadooyinka ka dhici jiray.       Waxase waxaan la ilaawi doonin noqotay ku dhiirashada dhismaha wadada Ceerigaabo oo aanay jirin xukuumad kudhaceeda yeelatay ha noqoto, markii xornimada la qaatay maamuladii wadanka qabtayna’e.
  9. Dhiirigelinta maalgashiga shisheeye ee dalka taas oo keentay in maanta gaadiidka cusub Somaliland gudaheeda lagu xidhxidho, oo ay weheliso maalgashiga khayraadka dabiiciga ee  wadanka ku jiro , oo meelo badan oo wadanka ka mida ka socda taas oo shaqo abuurid u noqotay dad badan oo reer somaliland ah.
  10. Kordhinta miisaaniyada dalka oo la sheego in lagala wareegay xukuumadii ka horeeyey wax aan gaadhaynin 47 milyan oo dollar sanadkii oo qoirshe odoros miisaaniyadeed ah, maantana waxaa la sheegay inay dhaaftay ilaa 200 milyan oo dollar, taasina waxay ku tusaysaa dedaalka balaadhan ee Xukuumadani ka samaysay.
  11. Furistii Ururada siyaasiga ah oo ka mid ahayd siyaasadii iyo barnaamijkii xisbiga KULMIYE ee waqtigii ololaha doorashooyinka.
  12. Muujinta meeqaamka dawladnimo ee Somaliland oo markii ugu horeysay la arkay madaxweyne Somaliland leedahay oo dhinaca dhinaca ugu haya , Madaxweynayaasha iyo hogaamiyayaasha caalamka, meelo badan iyo shirar caalami ah oo la isku arkay.
  13. Tallo wadaaga iyo tallo qaadashada oo xukuumadani kaga duwan tahay xukuumadii ka horeysay ee odhan jirtay dalka anigaa la ii doortay, sababtoo ah anigaygan imika faallada qoraya waxaan aad ugu dhaliili jiray  xukuumada siyaasad arimaha gudaha iyo debeda shaqsiyaadkii hogaaminayey ee markii hore loo doortay, taasi waxay keentay in dad badani ka soo noqdaan mucaaradadii markii la keenay labo masuul oo  ku haboon xilalka loo magacaabay ee arimaha Gudaha iyo Debeda, taasina waxay ku tusaysaa in xukuumadu tixgelin siinayso tallooyinka caafimaadka qaba ee dadka ay masuulka u tahay.
  14. Qorshaynta iyo diyaarinta qorshaha horumarineed ee Somaliland 50 sanno ee soo socda oo ay diyaarisay wasaarada qorshaynta qaranku,  iyadoo buug laga qoray oo arintaas ka hadlayana lagu soo bandhigay goobo badan oo caalamka shirarkooda ka mida , waxayna soo jiidatahay daneenayaasha horumarka Somaliland.
  15. Dib u dejinta Barakacayaasha oo aad arkayso magaalooyinka waaweyn ee Somaliland in Guryo bilaash ah loo dhisayo qoysaska danyarta ah iyadoo lala kaashanayo, Hay’adaha caalamka iyo wadamada aynu saaxiibka nahay.
  16. Bilicda Magaalooyinka oo isbedelay maantana ay adagtahay inaad garato magaalooyinkii Somaliland oo la muuqaala dalalka horumaray kuwooda oo kale, taasina waxay ku timi siyaasada hogaaminta ee Madaxweyne Siilaanyo iyo tilmaamaha la siinayo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka , bal is weydii maxaa iska bedelay wadooyinka farsamagaalaha ee Burco, Boorama iyo Hargeysa tusaale ahaan sadexdii sanno ee kuugu danbaysay.

 

La soco qaybta labaaad….

Qallinkii Jawaab-daarka is diray
Mubarak qoorubaxay

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top