Wararka

Xil ka qaadis lahayne, Malaa waad Riyootaye Akhriso qodobka 96’aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland

Hargeysa(saraarnews) awooda ugu danbaysa ee maamuus ka xayuubinta Madaxweyne ama Madaxweyne ku xigeen waxaa iska leh Gollaha Guurtida oo saddex meeloodoow labo meelood  (2/3) ku ansixiya, gollaha wakiiladduna waxay noqon karaan eedeeyayaal cod hal dheeri ah ama 43 cod ku horgeynaya  dacwada Masuulkaas Gollaha guurtida.

Haddaba haddii madmadoow kaaga jiro akhriso qodobka 96’aad ee dastuurka qaranka Somaliland oo sheegaya sidan:
dastuurka

 

 

 

QODOBKA 96AAD

EEDEYNTA IYO MMMUUS-KA-XAYUUBINTA

MADAXWEYNAHA, KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA

IYO WASIIRADA

 

1.            Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Mad axweynaha lagu 800 oogo dembiyada kala ah:­

b.            Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t.             Ku xad gudub Dastuurka.

Waxa ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dembiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).

2.            Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax­bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3.            Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca.  Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

4.            Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.

5.            Waxaa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda  (High  Court of Justice),  Maxkamadaas  oo  ka  kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top