Doobir Badanleey: maanso cusub oo uu tiriyey Abwaan Mubarak qoorubaxay

Qoorubaxay.JPGDoobir badanleey: Dhegayso/akhriso  maaso cusub oo  soo baxday  3.02.2014 oo uu tiriyey Abwaan Mubarak qoorubaxay ,maansadan oo la hadlaysa axmed awgeedi, xildhibaan qabile iyo dhowr kale oo hadalo mudaro ku ah dawladnimadaba somaliland iyo qabiilooyin gaara oo reer somaliland ah ay ku durayaan soo tiriyey, maansadu waxay tidhi:

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

 

Taariikhda duugga ah
Dib inaan u celiniyo
Koley anigu deelkaas
Iyo daalka hoos dhaban
Haddii uu dihnaa shalay
Doodii Abwaan xidhay
Iyadaan la daw marin
In dabuubta lagu furo
Danigaygu ma ahayn,
Kase dayrin maayee
Laye daayinkeedleey
Iyo doobir badanleey
Maantana maxaw daran?

Ninka deeqda Eebbiyo
Siduu dad ugu qaybshiyo
Derajada qof haystiyo
Diirkiisa muuqiyo
Duubkiisa suufee
Quruxda ugu dudayoow,
Xilliyada degdegayiyo
Haddii ay dabayluhu
Isba doorin waayaan
Billaayaad dilaacdaa.

Cidna lama ducuuntee
Daantaydun joogtaan
Haddii ay daruuruhu
Ku daroori waayaan
Billaayaad is dabartaa

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Waxa dood la celiyaa
Markaad daw u leedahay

Waxa dirir la oogaa
Ergadaad u diratiyo
Mar xaqii la duudsiyay

Waxa lala dawaystaa
Dal nimaad la leedahay
Danna aad wadaagtaan

Waxaa laga ducaystaa
nin karaamo laga deyey

Waxa loo dansheegtaa
Allaheena daayin ah.

Waxay caano daataan
Marka doobi buuxsamo

Dayac wuxuu biloowdaa
Marka diin la caasiyo

Waxa Nabad la dayrshaa
Mar colaadu door tahay.

Inta ay dednayd bay
Is dugaashanaysaye
Hadii daaha laga rogo
Dabbar beeshay sheekadu

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Murti baa ku duugane
Dunta boqor nin haystiyo
Duqa reer u weyn baa
Daruu eedadood qabay
Beryo loogu daw galay

Maray daba galaanoo
Digadiisa faadhaan
Sidii Dahab ku hoos jiro,

Maray dacalka gurigiyo
Duddada u fadhiistaan,
Maray hadal ah deelqaaf
Degmadii u xuliyaan,

Markii toban diraacood
Odaygii dulqaataye
Dibnaa juuq ka odhanine
Nimankii dan uga baxay,

Ayaa Ina digaaloow
Daacad iilan maayee
Nin dawaafi soo maray
Ooshiyo degaankii
Markaasay dudubintiyo
Sheekadii la doonteen,

Ninkii doolka ku ahaa
Xaajadii markuu deyey
Wuxu yidhi dardaariyo
Arin daawo loo filay,
Nafluhuna ku diirsay,

Kuye daan gaslaydaa
Dooyaysanaysaay.

Deriska iyo xididkiyo
Tolka lama dacweeyoo
Isha laguma diimoo
Seedi lama danqaabee
Ninka cawro kuu deday
Marna lama dagaalee,

Haddaad inanta dahabo ah
Labadeeda dararood
Mid u deysan waydeen,

Haddaa idina damacdeen
Duhurkiyo habeenkii
Midka odaygu dayn baxo
Ama duubka soo dhigo
Kala doorta godollada.

Arinkii dam buu yidhi

Kaftan buu ku sii daray
Wuxu yidhi dabuub kale

Hayska daba casaadee
Cooflahan dadka u eeg
Heeliyada diranuu
Ku daboolo dhooboo
Il dulbaadsho mooyee,
Dirka Habar dugaagiyo
Duunyada midkuu yee
Liiska loogu darayaa
Aniga wayga maan dedan.

Dameer ma ah la dhaansado
Dacawada sideediyo
Duquslaha dhurwaagiyo
Aarka uma duuloo
Daribta uma soo helo,
Sida dibiga lama qalo
Dalagana ma soo qodo.

Ma dabbaasho webiyada
Dalqadii yaxaas ma leh

Haddaanu duugagii tegay
Intuu raacay duulaan
Deeble Geella soo helin,

Dixidii nabaadliyo
Buuraha duljooguhu
Daandaansi badanaa,

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Caloolyahay dibira weyn
Wuxuun lagugu diisood
Ka digsiisid mooyoo
Dib u saydhid mooyee,
Dalandoolka Adigoon
Nafta lugaha daashiyo
Madaxaa dareenkiyo
Garashada la derisee
Doociisa dhegahiyo
Daalaca indhaha iyo
Carabkaa dudubiya leh
Dar alle midna ahayn
Doobta yaad u ridataa?

Dunni baynu joognaa
Dulmanuhu gardaran yahay

Duni baynu joognaa
Kii wax dilay diyadda rabo

Dunni baynu joognaa
Ka dibiray wan loo qalo

Duni baynu joognaa
Shaashadaa la daawado
Kii dumarka soo tubay
Welibana dafta u tumay
Aheeyda daba dhigay
Misna daacigeed yahay

Dunni baynu joognaa
Nin qabiil Dawo u yahay
Duumadduu la liitiyo
Tiisa isagoo Deyin
Ummada u digtoor yahay

Duni baynu joognaa
Dibigiyo sacuu waday
Dalaguu qodaayiyo
Mindidiiba diidoo,
Dahab laga samaystoo
Isagii la daaawado
Hindiyana u yahay Diin

Duni baynu joognaa
Daacadnimo ka suushoo
Dibnahoo qoslaysaa
Dakhar laysa gaadaa.

Haddii aan daluumaha
Axmedoow ul lagu deyin
Dalaq inaad tidhaahday
Dar allee udhowdee
Ma danbaabtay maantana?

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Dalawada irmaanta ah
Iyo dayrcadkii dhalay
Anigoo dix cawsliyo
Doogiyo cagaarkiyo
Hadba doox intaan furay
Casar soo dabbaaloo
Ishinkii ku daaqsaday,
Inta aan darka u galay
Biyahana ku dawdabay
Dabeed mayraciisii
Doobigii la hoos galay
Martidii duljoogtiyo
Dumarkiyo caruurtii
La durduurtay caanii

Ninka dixida daajaye
Dureen ugu luqluqay baa
Darmaan iga yaqaanee
Adoo doonbir soo hudhay
Maxaad digirinyow baas
Hadba ii hor duushaa
Iigu dururflaysaa
Nirgaa iiga didisaa?

Ma dakanada beeshiyo
Dakhar loo dhiteeyiyo
Daannada qarsooniyo
Doogahaad u xilataa?

Isku wada dir weeyee
Maxaa laba docoodiyo
Deyr u yeedhadkeediyo
Daammo iiga kala dhigay?

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Waxa ay u daran tahay
Dayntiyo xilkeedii
Daalaca ninkii qabay
Marka uu dulmane yahay.

Dalbataye ilaaqaha
Adigaw durbaan tumay
Hadii aqalku kugu dumo
Ama hawsar kula dego
U lahaw dusheedii

Adigaa qabiil duray
Midna haatan daafacay
Dawladnima ka carartada
Raaska dabada gelisiyo
Durujaa u yeedhyeedh
Diigaanyo soo kici,
Iyo diibkii soo ciyey

Haddaan diiradlii jaan
Dumbukhaan lahaan jiray
Miskaa digada kaga dhigay
Iyagaa dubaar tegay,
Murtidaan duxda lahayn
Afkoodii daldalayiyo
Dibnihiina eersada.

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Hadba kii dumaaluun
Daramal u garaacoo
doc fadhiiso mooyee,
Hadba kii u dadab gala
U dabaaldeg mooyee

Dunta shaalka quruxda leh
Sowtii dawaarluhu
Daaqaha ka toli jiray

Hablaa inanta diibka leh
Dahab siiso mooyee
Sowtaan dukaanluhu
Deebla Geel ka bixin jirin.

Maantana dareenkii
Dookhaaga caashaqay
Doolaalo kicintii
Hadduu daad-madheedh yidhi
Waa diradirayntaan
Durra kugu iqiinaye
Debcigii ma doorsamin

Sidaadaan dugaashiga
Tolnimada dunteediyo
Derisnimo wadaagnaa,
Haduu doorashada helo
Uba diidi maayee,
Markuu dawliska u rido
Sidaadii ha dalandalin
Dugayeeyna hay odhan.

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Sheeko duurxulaa tidhi
Dibigaal abeesada
Dusha inuu ka qabi jiray
Murti baa ku duugnayd

Qaar kala ku sii daray
Hadii aanu dibigani
Xaajada dantiisa ah
Saca ugu dul-laalayn
Dinaahyeyntu waa been
Iyo daal la korodhsaday.

Cid danqaabid maahee
Waxaan uga danleeyahay
Ninka Dugullo caashaqay
Looga dayrin maayee
Diin hadaanu ugu xilan
Aanay maal duduucayn
Digrii iyo aqoon wadan
Quruxdana far loo darin
Debcigana dhurwaa tahay

Rag wuxuu ku dayrshaye
Uu ku doortay yaab lehe
Miyaa lagu dirqiyey tolow
Mise wuu ku dayn baxay?
Mise dookhu sebenkiyo
Doogihii Jacaylkiyo
Waa dakharadiisii

Tolka lama danbaajee
Hadaan cidi la doonayn
Hayin biyo ma daadshe ah
Muu dameer yar dhaansado.

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Niman yohow dareenkaa
Garashadayga damqaayoo
Dibnahayga uun baa
Caqligii dalbanayee
Gabayada dux kala helo
Misna waanan dayn karin

Haddii daawo necebtiyo
dabin dhawrta wada taal
Iyo daw ma garatada
Siinkiyo dareerka leh
Dunta aan u simanahay
Dar illaahay weeyaan

Maansada dirkeedii
Nimankaa dirqiyayee
Ducashada ku keenoow

Dalku wuxu u baahnaa
Isku duubni wadareed,
Madaxdaad u diratiyo
Hogaan Daacad loo yahay
Aniguba doraatadan
Waxaan diidanaa saxe
Waanigan ku diirsaday

Shacbigaygu dala’siga
Dagaal buu xigi jiray
Maantana Daryeelkii
Waxa loogu dawgalay
Dib u soo dhiskeedii
Ardi ninaan ku soo darin
Dibnahana Libaax ka ah

Waxa loogu dawgalay
Danwadaagta wada taal
Degmada u dhaxaysiyo
Dekedda reero sheegtaan

Waxa loogu dawgalay
Deeqda eebbe keeniyo
Dalka horumarkiisiyo
Wershedii diyaaraba
Siduu qaatay dahabshiil
Marka beelo loo dudo

Waxa loogu dawgalay
Marka daafac ay tahay
Nimaan nacabka didin karin
Misna nabad la doonayn
Degelkuu ku noolaa

Waxa loogu dawgalay
Hadii roobku soo da,o
Ama daad berbera galo
Waan naloo dan leeyahay
Nimay tahay dabuubtii

Waxa loogu dawgalay
Dad nimaan ku korinayn
Dirham aan ka dhiganayn
Waxa daarta yaalana
Sida daaniga u cuna

Waxa loogu dawgalay
Dushu miday basaas tahay
Darayadu u kow tahay
Digsi aan hambaynayn
Dibna aan waxba u dhigan
Oo toban daraan dhama.

Waxa loogu dawgalay
Danta qaranku leeyahay
Dubur nin ugu soo shira
Duco iyo wax kula baxay
Iyo Kooxda Aw dalab

Waxa loogu dawgalay
Mid debciga bisaas ka ah
Dibigaal hankiisa leh
Jeenyaha dalaca oo
Hadba kor isu daawada

Waxa loogu dawgalay
Ninka derajadii tiil
Dacalada ka buuxsaday
Misna damacu yaablehe
Inta uu ka dabo tegay
Duul mid helay eryanayee
Saakana ku diil baxan

Waxa loogu dawgalay
Culimada la doorsaday
Beydgaab diciifoo
Isagoon daliil hayn
Yidhi lama digriyi karo
Caamadiina duufsaday.

Waxa loogu dawgalay
Xisbiyada dan guud nacay
Dumarkiyo caruurtii
Hadba dooxa soo tuba
Diridiyo garoomada

Waxa loogu dawgalay
Xildhibaan Darreero leh
Ilkihiina daateen
Markuu dadarta soo liqo
Duhurkii ku caytama.

Waxa loogu dawgalay
Sida Dacawgii gaabnaa
Miduu uurku daban yahay
Xantu daawadii tahay
Xasadkuna la deras yahay
Doodana halyay ku ah
Sidaan aabbihii dilay
Dadna aniga ii neceb.

Waxa loogu dawgalay
Sida Meesha loo degay
Dadku waa ogsoonyee
Daamiyoo warmaqabto ah
Ninka duulashii yiil
Intuu doolka ugu tegay
Duulaan ku kiciyeye
Daarrad isku haystaan
Cadligiina daydaya.

Waxa loogu dawgalay
Mid dumaasha ciil baday.

Afartaa duruusta ah
Meel ma kuugu daabacay
Arartiyo digteedii
Sida danabka maw riday
Dulucdaa abaarta leh
Ma ku duugay qallinkii
Dardartiyo carcarihii
Doobtii laygu garan jiray
Weli kuuma dacal dhebin.

Dabar aan ku giijoo
Sheekada dabaalee

Ninka delebka dheelaye
Labadiisa dacaliyo
Daamanka iyo dhabanada
Nuurad lagaga duugaye
Weli sii duryamayoow
Ma dumaalo naaguhu
Nimay nolol ku dayrsheen

Waqaa Ina ducaaloow
Iska duud madooboow
Demene iska yeelyeel
Dulin hoosta ka ahoow
Deebaaqda mililka leh
Dab Munaafaq faadhfaadh
Hafarka ila doondoon
Digadaad shidayseey
Huriyeen dabayluhu
Danbarkeeda way dhami
Adiyiyo dayacantuba
Iyo dabadhahdiinii,

Runtaad daaha saarteen
Xaqii baa ka daahiray
Waagu waa ka daalacay
Beentuna durduur ma leh

Be Sociable, Share!

One Response to Doobir Badanleey: maanso cusub oo uu tiriyey Abwaan Mubarak qoorubaxay

  1. Pingback: Waa Maanso Cusub Oo La Magac Baxday Doobir Badanleey, Waxaana Tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay. | somaliland24.com

Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12