Wararka

Caruurta Riyaale qaarkood oo qaxootinimo isaga Dhiibay Manchester ,UK

Manchester(saraarnews) Qaar ka mid ah caruurta uu dhalay Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin ayaa lagu soo waramayaa inay qaxootinimo isaga dhiibeen Wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Manchester ee wadanka ingiriiska waxaa halkaas iska dhiibay imikana ku jira xarun qaxooti oo u dhow degaankaas mid ka mid ah caruurta madaxweynaha oo magaciisa la yidhaaho C/RISAAQ DAAHIR RIYAALE , waxaana la sheegay inuu isku dhiibay  qabiilada laga tirada badan yahay ee Soomaliya, gaar ahaan qabiilka loo yaqaano BANDHABOOW. Waaxda socdaalka ee wadankaasi ayaa la sheegay inay arintaas ogaadeen imikana baadhitaan ku hayaan.

Dad arintaas ka faalooday ayaa ku tilmaamay in xoolihii umada iyo cashuurtii laga qaaday dadka masaakiinta ah uu  ku soo dhoofiyo caruurtiisa  halka kuwii kale ee la midka ahaana wadanka ku dhibaataysan yihiin, waxayna arintaasi ku tahay ceeb iyo wax laga xishoodo mansakabka madaxweyne ee uu Riyaale ku fadhiyo iyo Qaranka somaliland Guud ahaan.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top