Qabiilka iyo Qabyaalada Qallinkii Maxamuud Ismaaciil Barre

Qabiilka iyo qabyaaladda
Anigoo tix raacaya dood cilmiyaysan oo xamabaarsan cinwaanka kor ku qeexan oo ay soo abaabuleen abwaanno iyo aqoonyahanno, kana soo qayb gashay bulsho farabadani. Doodda oo lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka UK Jimcihii ay taariikhdu ahayd 08/02/2014 oo runtii la is weydaarsaday fikrado wax ku ool leh iyo maansoonyin iyo gabayo qiimo leh oo arrintaas khuseeya , iyadoo horeba ay iiga guuxayeen inaan baadhitaan ku sameeyo sababaha ay qabyaaladdu ugu soo badatay bulshada Soomaliyeed gebi ahaanba ilaa iyo intii dhibaatoyinku dhaceen muddo haddeer laga joogo ilaa 30 sano, ayaa dooddani igu dhalisay bal inaan akhristayaasha sharafta leh la wadaago arrimahan aan maqaalkan ku tilmaamayo oo aan ku arkay nolol maalmeedka bulshada Soomaliyeed sida ay qabyaaladdu u saamaysay.
Arrimaha badankooda waxaan si qotto dheer baadhitaan ka dib (research) ugu soo bandhigi doonaa dhowaan haddii Illaahay idmo qoraal aan ugu magac dari doono:
Arrimaha qabyaaladda suurta geliya ( ama sahla) bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda oo leh turjumad Ingiriisa ah: The factors that help tribalism to sustain within the Somali Society iyo mid Carabi ah :
العوامل التى تساعد على ترسيخ القبلية فى المجتمع الصومالي
Badhitaanka oo ku salaysan is weyddiin (hypothesis فرضية) bal arrimahan aan qaarkood halkan ku tilmaamay sida ay xaqiiq ahaa u jiraan , ayaan la rumaysan karin ama si cilmiyaysan loo soo bandhigi karin ilaa si qotto dheer loo baadho oo la sameeyo (field research بحث ميداني ). Hawshaas ( baadhitaanka) oo dhowaan Inshallah aan guda geli doono.
Maxay horta kala yihiin qabiilka iyo qabyaaladdu?
Waa maxay dadka Soomaaliyeed iyada oo aan weli baadhitaankeeda ku jiro bal waxay ku qeexaan (definition تعريف) qabiilka iyo qabyaaladda?
Qabiilka sida Quraanku inoo caddaynayoba :
يا أيها الناس إنا خلقناكم من ذكر وأُنثى وجعلناكم شعوباً وقبائل لتعارفوا إن أكرمكم عند اللّه أتقاكم إن اللّه عليم خبير
Waxaad mooddaa inay Soomaalidu u fahansantahay sidaas Quraanku inoo sheegay oo ah in la isku aqoonsado oo la isku garto. Hadaba waa maxay qabyaaladdu? Ra’yiga ugu badan ee bulshada Soomaaliyeed isla dhex martaa waxa weeye qabyaaladdu , qabiilkii oo six un loo adeegsado! Hadaba waxaa is weyddiin leh waa maxay xadka ‘si xun u adeegsiga qabyaaladdu? Maxaa qabiil qabyaalad ka dhigaya maxaanse ka dhigayn?
Weli ma arag si cilmiyaysan oo Soomaalidu u qeexday labada kelmadood ee ah qabiilka iyo qabyaaladda marka laga reebo aqoonta guud ee loo yaqaanno ee aynu kor ku tilmaannay. Waa sax oo Quraanka Kariimka ah wuu inoo cadeeyey in qabiilka la isku garto, laakiin ujeedadu waxa weeye, waa maxay kelmad cilmiyeedka qabiilku iyo qabyaaladdu?
Waxaad mooddaa Carabta oo qabiilku aad ugu xoog weynyahay taariikh ahaanna ay kaba soo jeeddo inay si cilmiyaysan u qeexeen ama u tacriifiyeenba iyada iyo qabyaaladda.

Qaamuska la yidhaahdo قاموس المعاني wuxuu ku sheegay qabiilka :
’ الجماعةُ من الناس تنتسب إِلى أَبٍ أو جَدٍّ واحد’oo micnaheedu yahay dad ku abtirsada aabbe iyo awoow qudha wuxuu ku sii daray و القَبِيلَةُ من الحيوان والنبات : الصِّنف oo qabiilkiiba uu ku nisbeeyey nooca xayawaanku yahay oo u jeedadu tahay in la odhan karo قبيلة من الفيلة inkasta oo aan sidaas caadatan loo istacmaalin oo loo isticmaalo sidatan قطيع من الفيلة (raxan maroodiyaal ah).
Qaamuuska la yidhaahdo المعجم الوسيط wuxuu isna ku sheegay (tacriifiyey) qabiilka sidatan: ‘كيان اجتماعي اقتصادي سياسي يضم عائلات تجمع بينها روابط القربى ‘ oo micnaheedu yahay: bulsho ay ka dhaxayso arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale ka koobanna qoysas ay ka dhaxayso qaraabo (tolnimo). Tan oo aad moodid inay u dhowdahay nidaamka bulshada Soomaaliyeed u nooshahay.
Ta qabyaaladda lama yidhaahdo (القبيالة) ee waxaa la yidhaahdaa: العصبية القبلية qaamuusyada kala duwani waxay ku macneeyeen: العصبية في اللغة
مشتقة من ((العَصْبِ))، وهو: الطَّيُّ والشَّدُّ. وعََصَبَ الشيءَ يَعْصِبُهُ عَصْبًا: طَوَاه ولَوَاه، وقيل: شدَّه. والتَّعَصُّب: المحاماة والمدافعة. Marka la soo koobo waxaa lagu macneeyey wax la maroojiyay ama si adag loo la jiiday . iyo التعصب oo lagu macneeyey wax la difaacayo ama qareen loo samaynayo. Waxaa iyana la xidhiidha عصبة oo ah jamaacad sida سورة اليوسف ay tilmaamayso
’’ قَالُوا لَئِنْ أَكَلَهُ الذِّئْبُ وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّا إِذًا لَخَاسِرُون ‘’
Waxa loo yaqaanno القبلية ma aha mar walba inay tilmaamayso qabyaaladdii ama sifo xun ee waa sifadii (adjective) ee magaca (noun) القبيلة waxaa la odhan karaa : الشؤون القبلية yacni arrimihii qabiiladda.
Arrimahaas la xidhiidha qabyaaladda iyo xag jirnimadeeda ( casabiya) waxa dadka Carbeed ee wax ka qoray ku nisbaynayaan waqtigii Casrul Jaahiliga oo waxay leeyihiin qabyaaladda waxaa suuliyey islaamka ama siday uga jiri jirtay qabaab’ilka Carabta waqtigii Casrul Jaahiliga ugama jirto waqtigan iyo ilaa intii islaamku yimi dhulka Carabta. Nebigu صلى الله عليه وسلم wuu ka digay arrimaha la xidhiidhi qabyaaladda oo wuxuu xadiis laga soo weriyey yidhi:
(ومَنْ قَاتَلَ تَحْتَ رَايَةٍ عِمِّيَّةٍ؛ يَغْضبُ لعَصَبَةٍ، أو يَدْعُو إلَى عَصَبَةٍ، أو يَنْصُرُ عَصَبَةً، فَقُتِلَ؛ فَقِتْلَةٌ جَاهِلِيَّةٌ))
Xadiiska oo tilmaamaya qofkii xagjirnimo qabiil ugu dagaallama ama ugu cadhooda ama ugu gargaara ama ku dooda, kadibna arrimahaas awgood u dhinta wuxuu dhintay dhimasha la mid ah tii Casrul jaahiligii.
Waa maxay sababaha qabyaaladda sahlay waqtiyadan dambe bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda?
Waxaa la moodaa qabiilkii iyo qabyaaladdii inay bulshada Soomaaliyeed ku faafeen 30 sano ee igu dambeeyey oo ay ka mid nooqdeenba hab dhaqanka iyo nolol maalmeedka bulshada soomaaliyeed.
Waxay u egtahay kadib markii burburkii dhacay meeshana ay ka bexeen dawlado ama kayaanno tayo leh oo bulshada u adeega ama ka kaba kaabihii ay dawladi yeelan lahayd ha ahaato mid dhaqaale mid siyaasadeed iyo mid bulshoba in dadkii Soommaaliyeed adeegsadeen qabiilka si ay isu kaalmeeyaan. Kalmadaas oo sifoyooyin badan yeelan karta ama ahaato mid dagaal meelaha rabshaduhu ka jiraan ama ha ahaadeen ku wax qabad meelaha ay nabad gelyadu ka jirto.
Sifahaha loo adeegsado qabiilka waqtiyadan dambe ayay adkaanaysaa in lakala saaro iyada iyo qabyaaladda oo sidii aan kor ku tilmaanayba loo baahnaan karo in la ogaado waxa xad u yeeli kara qabyaaladda. Arrimahan hoos ku tilmaaman ayaa kuu caddayn kara in qabyaaladdu ka mid noqotay nolol maalmeeka Soomaalida, adagtahayna in laga bixi karo mustaqabalka muuqda ilaa la helo adeegyadii ay dawladuhu samayn jireen.
Waxayaala qabiilkii sahla waxaa ka mid ah:
– Wax wada qabsigii iyo mashaariicdii oo sife qabiilk xambaarsan
– Qaadhaan ururin reeraysan oo lagu hor marinayo degaano ama dagaaloba lagu gelayo
– Dhacdooyinka dhaca sida magaha oo kale oo qabiilka saaran
Tusaale: waxa ugu badan ee dadka dilaa Somaliland waa baabuurta, darawaliinta intaas shilalka dhimashada iyo dhaawaca leh gala, xagee ayay biime kaga jiraan (insurance) yaase bixiynaya haddii ay gaadhi ku dhintaan 10 qof? Qaadhaanka tolku miyuuna u dhigmin biimahii (insurance)?
– Haddii qof xanuunsado ama cudur halis ahi ku yimaaddo oo ay noqoto in dibedda loo qaado , yaa ka msa’uul ah , hadduuna isagu kari karayn?
– Bulshadii oo ku doodaysa saami qaybsi siyaasadeed iyadaan markaba horeba lagu heshiin sifo beeleed in wax lagu qaybsado iyo dawladihii oo u jilcay oo la garan karaba mas’uulka wasaarad ama jago sare imanaya beesha uu ka soo jeedo!
– Salaaddiintii iyo cuqaashii oo ka tegey madax dhaqmeedkii lagu yaqaanay oo siyaasadda ku milmay.
– Wasiiradii iyo madaxda xilalka qabta oo noqday kuwa beeluhu tirsdaan iyagaan waxba u qaban beesha ay ka soo jeedaan oo beeluhu u arkaan siyaasigooda hormoodka, magaca iyo sharafta beesha, malaa waa waxa saamiga loogu dawakhay?
Arrimaah oo aan baadhitaan ka samaynayo ayaan dhowaan soo bandhi doonaa haddii Illaahay idmo.
Ra’yi ahaan : waxaa qabyaaladda lagu wiiqi karaa in mashaariicda si guud ahaaneed loo wada qabsado,madaama aan laga maarmayn mashaariicdii xambaarsanayd sifo beeled baahiyaha jira awgood misna in la xoojiyo wax wada qabsi guud oo xambaarsan sifo qaran . In tusaale ahaan la sameeyo hay’ado samafal ah oo bulshadu lacag ku deeqdo oo qof waliba xubin ka noqdo kadibna bulshada inta danyarta ah u adeegta.
Waxaan ka afeefanayaa inaanan qoraalkan cid gaar ah ula jeedin ee uu yahay qoraal guud oo khuseeya buslshada Soomaaliyeed.
Wabillaahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barreh
UK

 

Be Sociable, Share!

One Response to Qabiilka iyo Qabyaalada Qallinkii Maxamuud Ismaaciil Barre

  1. Cadde April 12, 2014 at 12:30 pm

    Masha allah … maqaal wanaagsan, waan dooneynaa wax ka hadla qabiilkan Nolosheena ka mid noqday … well done