Xil daryeel: Maanso cusub oo uu tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay

Qoorubaxay.JPG

Dhegayso /akhriso maansadii Xil Daryeel oo ah maansadii labaad ee Abwaan Mubarak Qoorubaxay oo daba socota silsiladii Garbadiir ee Axmed Aw Geedi. waana jawaab celintii Danan.
Maansadani waxay difaacaysaa waxqabadka muuqda ee dalkeena ka jira, waxayna u caqli celinaysaa kooxaha talladoodu noqotay sidii dibbigii Doollood ee la yidhi; Dibbiga Doollood indhihiisu waxsan ma arkaan, Dhegihiisuna waxsan ma maqlaan. Maansadu waxay ku billaabatay.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Duulduul ma talax gabin
Tixda deedankeedii
Caaradhuub ma deyn weli
Aniguna docdaydii
Debed aan ku sheelmee
Ma da’ furayo waayahan

Dabuubtaydu kala qalan,

Midi waa dareen celin
deeladayda socotiyo
Deelqaafka hadalkiyo
Sheekadii la dawdabay,

Hadda doodu waa laba
Waa daljiriyo Duuflaal
Damdamliyo nin dooje ah
Daacad iyo Afmiinshaar
Dawladnimiyo duurjoog
Dal-dhisiyo nin dumiye ah
Dayday iyo Nin daa ku leh
Derbiliqiyo deeq side
Daryeele iyo Dayn qabe
U dacwiyiyo uga dude
Dawiyiyo u degel qabad
Dumiyiyo darka u gale
Dejiye iyo diirtaha
Dugsiyiyo Daah jare
Derma dhigiyo duubtaha
Dalaayad iyo dan u roor
dabxeere iyo duur gube
Daweeye iyo uga dare

Geesiga u dagaalama
iyo fullaha duudsiya

Dibnayohow halaanhalay
Carabyohow dalbaha lihi
Indhayohow daraandaray
Dhegayahow daboolmee
Warku aanu deeqini
Caqliyohow dawaarsamay

Suugaanta doorka
Maahmaahyo duurxula
Murtidii ku duugnayd
Xigmadii dalaysnayd
Arartaan ku daabacay
Malaa kuuma daadegin
Hiyigaaga kuma duxin.
Waase daniyo yeelkaa

Cida iyo danaanigu
Hadday daaran tahay taas

Sengahayga Doolaal
Dabra weerar celintiyo
Dirirtiyo rogaalada
Col kastoo la soo dummo
Duulaan cusbaadiyo
Dardar buu ka qaadaa

Halka fule ka daqaqamo
Dabka iyo hubkaba dhigo
Nin ku diirsadaan ahay
Dig-digtaada beentii
Dalaw yaanay kaa ridin

Afartaa dur ma u dhigay
oo daabac ma u rogay
Ma dalbaday hubka is wada
Halkaan diirada u sudhay
Isagaan ka danab kicin
Ma ka dhigay digaagaha

=&&=&&=&&=&&=&&=

Ilko daatay caliyoow
Cirid diirmay sababsade

Xumbo daad wadaa timi
Hargab baa daf soo yidhi
iyo duray hurgumo sida
Darato iyo caal wade,
Inta uu dac dhaansaday
baqalay danbaabidhay

Dogobyohow hagoogani
Inaad saa’il doon tahay
Horaa laygu sii digay
Doc ka yeedhka kama naxo
Inaad dooyo qaad tahay
Waaba kuu dareen qabay

Adigiyo dangalada
Dakharkaydin wada helay
Dawo tolow ma leeyahay?

Dir cuniyo hudhmo u DIRIR
Iyo Magaca loo deday
Ninka loogu duur xulay
Haduu daadku hoos maray
Isagiyo demenidii

Ninka doqonka lagu yidhi
Halkuu dood ka celin laa
Haduu dabarka qaayibay
Garba-diir ku diirsaday
Dad kalena haraatiyey
Danbas jiifta nacasta ah
Wixii lagu duraa jira.

Cid intaanad daawayn
Duumada iyo qaaxiyo
Daaf adaa la liitee
Ka dawoow bakoorada

Dayo weerarkeedii
Daayeerka loo dilay
Waadigan u doodaye
Inta diinta lagu xaqo
Diyadiisa ii sheeg.
Haddaad dooyo qaad tahay

Afartaa dur ma u dhigay
oo daabac ma u rogay
Ma dalbaday hubka is wada
Halkaan diirada u su dhay
Isagaan ka danab kicin
Ma ka dhigay digaagaha

=&&=&&=&&=&&=&&=

Midina dawladnimadiyo
Dalka aynu leeniyo
Qarankiyo difaacii

Runta dabar ma celiyaa
Beentu daw ma leedahay

Miyaa doorkan ka hortoow
Diyaaradaha air buss
Ka degeen madaaraha

Miyaa doorkan ka hortoow
Dekedeena laga Raray
Markab doonyo raran sidan
Daabulaha konteerrada

Miyaad doorkan ka hortoow
Dugsiyada waxbarashada
Dadkoon bixin caantayn
Loogu dhigay duruustii

Miyaa doorkan ka hortoow
Askarteena derajada
Dalacsiinta lagu tolay

Miyaa doorkan ka hortoow
Jiidadkiyo dariiqyada
Wada daamur laga dhigay
Dila iyo berb era qabo
Salaxleey u daanshood

Daallo iyo laasqoray
In dalxiiska lagu tago
Oo dariiqyo loo furo
Qorshaheeda lagu daray.

Miyaa doorkan ka hortoow
Mushahaarka dawliga
Daryeelkii shaqaalaha
Sadex laabna lagu daray

Miyaa doorkan ka hortoow
David Ina Cameron
Dooda la isku waajahay

Miyaa doorkan ka hortoow
Calankeena dunidii
Ka hilaacay dacalada
Atlas-kiina lagu daray

Miyaa doorkan ka hortoow
Giimbaarta doqoshka ah
Dalka dhinaca barriga
Loogu doorshay laantii

Miyaa doorkan ka hortoow
Miisaaniyada daalacu
Afar laab dulmaray shalay

Miyaa doorkan ka hortoow
Durdurada shidaallka ah
Ama gaas dabiiciya
Do oxyadeena laga qoday

Miyaa doorkan ka hortoow
Telefiishan debedaha
Qurbajoogu daawado
Radiyowga lagu daray

Miyaa doorkan ka hortoow
Dadka ururo loo furay
Qofba doortay kuu rabay

Miyaa doorkan ka hortoow
Madaxweyne daacadi
Dawladeena maamulay

Miyaa doorkan ka hortoow
Niman wada digtooro ah
Dawladeena lagu daray

Miyaa doorkan ka hortoow
Ganacsade dulsaar helay
Wershedana la soo degay

Miyaa doorkan ka hortoow
Daadadkii abaaraha
Jaarka deeqda loo diray

Miyaa doorkan ka hortoow
Boqolaal kaloo dedan
Dunta xadhiga laga jaray

Miyay doorkan ka hortoow
Dedaalkiyo waxqabadkaas
Waadiga dafirayee
< div>nacabkii damaaciyey
Indhahoodu diideen

Miyaa doorkan ka hortoow
Kuwa dawladnimaduba
Waxa daan la geliyiyo
Dalqádooda leegtahay
Dir oonta jeceshii
Iska soo daldalantoo
Geeraar duryamayaan

Waxa dawlad lagu yahay
Calankan dul shudhaniyo
Garsoor uunka deeqiyo
Cadligiyo daryeelkee

Gadhka oo la deystiyo
Dibahoo la xiirtaa
Dulmi ruuxa soo falay
Damal uu ka hoos galo
Denbiyada ma noqotee
Daayin waan ogsoon yahay
Waxa duugan laabaha

Dirindiir sideedii
Dibba wax uma dhigatada
hadba dooga soo baxay
Dhulka diiranayse
Degelada aradisee
Hadba dhan u dulaantaa
Ma daaq bay ku reebeen
Dalka guban ilaa hawd?

Niman kaa dudubiyee
Dalqadoodu baratee
Durujaa ku koriyee
Digsigeeda heenshee
Markay doorkan waayeen
Wixii daahir uu baray
Duqa sida xilkeenii
Soorta ugu dudayoow,
Dig waxaad ka siisaan
Dib wataad u eedaan

Ana wayga doofaar
Shilimada dadweynuhu
Daayinkaan ku dhaartaye
Ma dacaamin weligay.

Arartiina diifta leh
Daalkiyo tabcaankaa
Dad u hiilin maahee
Deeradaad ku gaadaan
Sambabkaad ku dubataan

Dacartii dhex jiiftiyo
Ma dilaacshay mililkii
Ma ka dooxay malaxdii
Feedhaha ku daahnayd

Afartaa dur ma u dhigay
oo daabac ma u rogay
Ma dalbaday hubka is wada
Halkaan diirada u sudhay
Isagaan ka danab kicin
Ma ka dhigay digaagaha

=&&=&&=&&=&&=&&=

Gudcur damma habeen dumay
Mugdi daaha soo rogay
Cirku wada daruur yahay
Dayax iyo xidigo jirin
Degmadii iyo ooshii
Mayay dabarka goostiyo
Waqalku isu daba maray
Qof haduu dayoobiyo
Dembi malaha ruux lumay

Awgaa degdegayaa
Cidla hayska deedamo
Sheekada darjiidhka ah
Weligi ha dawdabo
Doogaha nin kale qabo
Hadba boog ha daawado.

Taariikhda duugaa
dib usoo noqnoqotee
Waaba sheekadii Durra
Duumaale ka hortii
Markii doonantiisiyo
Duunyo iska raaceen
Nabadshii la duudsiyey
Markuu Aadan soo diley
Gabaygii dufka lahaa
Wadaadkii la daakirey
Hiilka uu ka deydeyey.

Dayo Faarax waxay tidhi
Boraanta dedanee
Dusha sare caleentiyo
Ubax lagaga daadshaye
Manka laygu dagagaray

Maanaa caws Dameeraad
Muuska laygu duubaa
Maanaa digada oo nool
danbays laygu qariyaa?

Duuf inuu xalaal yahay
Ka daneeya waydii

Inay Duunyo wehel tahay
Nin dibooday waydii

Nin haduu dakano qabo
Didmo waayi maayee
Dhirtu waw dad iyo bahal
Dadqal maysa soo shubay

Hadba baal ma daydayey
Ninka duubka yaw xidhay
Yaa ku daray kan guurtida
Garta yaa ninkan u diray

Afartaa dur ma u dhigay
oo daabac ma u rogay
Ma dalbaday hubka is wada
Halkaan diirada u sudhay
Isagaan ka danab kicin
Ma ka dhigay digaagaha

=&&=&&=&&=&&3 D&&=

Midina waa dantay hadal

Dudo reer kumaan korin
Dabatona ma noqon weli
Deleb Canaheedaan
labadeeda dararood
Doobtaha ku dhami jiray
Daayinkaana ma hadale

Waadse iga dul badan tahay
dadna waad is barateen
Hadaad Durraha Jiilaal
dewersiga ku noolayd

Cirku kuguma soo dumin
Dhulku qaybi may degin
Baddu daafad may kicin
Dirqi adigu maad gelin
Ragu waa dulqaataa
Dugayeydu waa maxay

Haddaan didibso kugu idhi
Dabarbaaba kuu xigi

Anigoon dareen qabin
Baqashiyo dameeraha
igu dururufleeyiyo
docosha iyo kaymaha
Dawac igaga qayshiyo
Doc kayeedhku waan nacay

Ka ducayso mooyee
Weligay ducaadiyo
Culimada ma daakhilo

Adigaa daftoodiyo
Xerta kaga dayaanshiyo
U yaqaan Durbaankee
Ha danbaajin ruux kale

Dikri waa xuska ilaah
Hafarka iga kala daa?

Daaciyiinta socotee
Dar illaahay gaystiyo
Mustafiyo dirkiisiyo
Sheekheena diririyo
Duq cali Warsame iyo
Inta daacad lagu hubo
Dooda uma jeedee

halkay daaran tahay waa
Dufanka u hamuuntada
Duulaanka kicisee
Kutubtoodii daadshee
Degta qoriga saartiyo
Adigiyo dirkaaga ah
Al-Shabaab ma diin baa?

Dawlad maamulkeediyo
Bulshadiyo daryeelkeed
In miskiinka loo dilo
Duunyadiisa laga dhaco
Xukunkaa ku doonteen
Ma daliil banaan baa

Dar horaad ku layseen
Xam ar daafaheedoo
Dumar iyo caruur baa
Dhiigoodu daatoo
Ducufaa ku le,atoo
Dar sujuudsanaabaa
Dumbukhiinu leefee
Cara edeg dusheedii
Dadka yaad xurmaysaan

Miyaad maalinta u daran
Iyo daarta aakhiro
Aanu ruux dafiri Karin
Allaha daayinkeena ah
Eraygiyo dabuubtaa
Adoo taada la ildaran
Dusha saari doontaa

Duubkiyo khamiiskiyo
Koofiyad ah deyn baa
Dadka lagu khaldaayaye
Show waa dadqalatiyo
Daydaygii magaalee
Awgu diinba ma aqoon

Dhanka kale hadaan dayo
Duulashii maxkamada
Subaxda iyo duhurkii
Hor tubnaa docdoodee
Inta dollar loo qabo
Dadka kii muraad lihi
Maraga u dalbanayoo
Dalka weli kusii hadhay
Ninka lagu daniyayaa
Sidee iila doodaa

Daayin kama xishoodaha
Dambabeer ma xeershaha
Iyo duudsi jeceshaay
Maxaad caydi dubateen

Nin haween dalbanayiyo
Ileen dooha dooh wado
Durduradda hedoodiyo
Ma arkaan daluumaha

Afartaa dur ma u dhigay
oo daabac ma u rogay
Ma dalbaday hubka is wada
Halkaan diirada u sudhay
Isagaan ka danab kicin
Ma ka dhigay digaagaha

=&&=&&=&&=&&=&&=

Midina waa dadweynaha

Dulmi waa ninkii falay
Duunyo waa ninkii jira
Danni waa seeto weeyee

Taajkaaga dahabka ah
Haddaan doorashadu siin
Dunqulaal ma faaqido,

Dawlad baydun haysaan
Dalka horumarkiisiyo
Lagu hubo daryeelkee

K a hadhgala dadqalatada
Dibna yay idiin celin
Hadba dhan u dulaantadu
Xisbiyada danaystiyo
Kuwa Xamar u daaq tegay.

Nin dan iyo ujeedo leh
Dubka adiga kuu eeg
Dumistaada kii jecel
Daleel yaanu kaa helin
Ka gufaysta doocyada

Afartaa dur ma u dhigay
oo daabac ma u rogay
Ma dalbaday hubka is wada
Halkaan diirada u sudhay
Isagaan ka danab kicin
Ma ka dhigay digaagaha

=&&=&&=&&=&&=&&=

Midina waa duciyo khayr
Dooda aan ku soo xidhay

Allahayoow inta u darran
Inta noogu sii darran
Nabad lagu dagiigsado
citiraaf dalkayga ah
Nimcadiisa dihinoo
Debed loola soo baxo
iyo qaran dadkiisii
Denigii wax haystiyo
Ducufiyo masaakiin
Dumariyo caruuriyo
doobkiisa muruqsaday
Cadli looga deyr dhigay
Ducadeeda yeedhoo
Aamiin ku dalabnaye
Dacwadeeda noo yeel.
xil_daryeel.mp3

Be Sociable, Share!

4 Responses to Xil daryeel: Maanso cusub oo uu tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay

  1. Pingback: Xil Daryeel: Maanso Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay. | somaliland24.com

  2. jamaal March 15, 2014 at 1:58 pm

    ku dalbo hubkaa is wadaa mr qoor ubaxay

  3. aadn siciid March 20, 2014 at 6:31 am

    aad iyo aad baan u hambalyeynayaa abwaanka weyn mubaarik
    maxamed nuur waxaan leeyahay halkaa ka sii wad

  4. H Elmi April 12, 2014 at 6:44 am

    Maansadii xil daryeel

Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12