Wararka

Maqaal: Cidla Buuq ah.  Qallinkii Mubaarak Qoorubaxay

Maqaal.JPG
Cali guray ma soomaa
Ramadaantu curataye
Mise cayda odaygiyo
Ciidankeena qarankaa
Isaga u cibaado ah?

Waxa lagu jiraa bisha ugu xurmada iyo barakada badan billaha dadka islaamka ahi leeyihiin, waxaana dadka wanaagsani inta badan ku foogan yihiin, cibaadaysi iyo Alle ka cabsi balaadhan oo uu weheliyo isa saamax qofku meel iska dhigayo cadhadii iyo xumaan wixii uurkiisa uu ugu hayey qof kale oo Islaam ah. 
Illaaha awooda weyn lihi ha inaga aqbalee fadliga bishan leedahay aawadeed, Shaqsiyan tusaale ahaan waxaan saamaxay qof kasta oo aan is lahaa malaa waxbaa idin dhex maray, caawana hadaan dhinto ma garanayo qof aan wax caloosha ugu hayo. Sidaas oo kale dadka reer Soomaliland ee weliba ili qabatayga ah waxaan is lahaa bishan shaydaankii iyo albaabada naarta la xidhay iyaguna ummada waxay ka shaqayanayaan isu soo jiidisteeda iyo walaalaynteeda, laakiin taas bedelkeedii rag siyaasiyiin ah oo ay ugu horeeyaan Cali Guray iyo Saaxiibadii waxay sii laban laabeen kala firdhintii shacabka xalaasha ah, waxayna arintoodu noqotay afkaa furan.

Haddaba mar aan shalay isha mariyey mareegaha qoraalada lagu xardho ee  barkulanka hawada waxaa igu soo dhacday oon is idhi malaa odayaasha bishii Ramadaanba  xagooda iyaga umay bilanin , waxaanan naftayda iyo shacabka reer somaliland labadaba waydiiyey.

Cali guray ma soomaa 
Ramadaantu curataye
Mise cayda odaygiyo
Ciidankeena qarankaa
Isaga u cibaado ah?


Illaahayoow bishan bararkadeeda nasii waxay ka qayr badan tahay 1000 bilood sida quraanku sheegaye, oo arintayada sida dadka qaar ha ka dhigin Cidla Buuq ah, A A M I I N.

Mubarak Qoorubaxay
Sweden.
Be Sociable, Share!

The Latest

To Top