Wararka

Kulmiye oo Hayiyo, Siilaanyoo Hagay, ku Hagaagsantee, Awrka Hinjiyaay

Kulmiye oo hayiyo
Siilaanyoo hagoo
Na hogaamiyay
Ku hagaagsantee
Awka hinjiyaay !

sawiradii baarlamaanka sweden ee siilaanyo 099

Geerida Madaxweyne Siilaanyo uun sugi maysee waa loo siman yahay, Imisa mucaarada baa dhintay iyagoo leh wuu bukaa, Hogaaminta Somaliland cid Mucaaradka ka muuqata oo aan ku aaminaa iima muuqato maanta, Maanta waxaan idiin doorayaa heestan

1-
Hilaac baw baxoo
Hayaan bay gashoo
Waa hir iyo doog
Nolol horumar loo
Bulsho haybsatee
Haween iyo rageen
Halgan baan galoo
Hanadaw dhintoo
Hooyooyin baa
Ubadkay habeen
Haad loo wadhoo
Hanti baa luntoo
Dalka lagu hantee

“””””””””””””””””
Hireey iyo wireey
Hayaay iyo kacaay
Aan ku hawl galee
Kulmiyoo hayiyo
Axmedoo hagoo
Na hogaamiyay
Ku hagaagsantee
Awka hinjiyaay

2-
Wax habsaamiyiyo
Hiirtaanyo culus
Hayb iyo qabiil
Ha inaga hadhee
Hororkaad ogayd
Halacdheerihii
Aan hanbayn aqoon
Haaneedadii
Hasha kama dhergine
Wuu haybiyaa
Aynu ka hiroo
Hilinkii wacnaa
Ku haloosinee

“””””””””””””””””
Hireey iyo wireey
Hayaay iyo kacaay
Aan ku hawl galee
Kulmiyoo hayiyo
Axmedoo hagoo
Na hogaamiyay
Ku hagaagsantee
Awka hinjiyaay.

Erayadii: Abwaan  Mubarak qoorubaxay

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top