Wararka

Xildhibaanadii Denbiga Faraha la galay oo cafis madaxweyne lagu sii daayey

Hargeysa (saraarnews) sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno  magaalada Hargeysa,  Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa fiidkii amar Madaxweyne ku sii daayay, shan Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Xisbiga WADANI oo maanta la xidhay, ka dib markii la arkay iyagoo bastoolado sharci daro ciidamada nabadgelyada ula baxaya, sidaana loogu dhaadhiciyey Xarunta denbi baadhista ee CID -da.

Madaxwaynaha1

Xildhibaanadan oo Wasiir ku-xigeenka Amnigu ku eedeeyay inay nabaro gadhsiyeen Ciidamadda ammaanka waxay kala ahayeen,

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaan Xuseen Cigge.
Xildhibaan Maxamed Saalax, .
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Xildhibanadan ayaa hadda xorriyadoodi dib u helay kadib markii Madaxweyne Axmed Silaanyo amray in ooda laga qaado. waxaanse war loo haynin inay halkoodii ka sii wadi doonaan talaabooyinkii fadqalalada amniga ku ahaa iyo in kale.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top