Burco (Saraarnews), Jamacadda Gollis oo ka mida jaamacadaha ugu faca wayn dhinaca waxbarashadda ee ka jira somaliland ayaa laanteedii saddexaad ka furatay magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Xafladda furitaanka jamacadda Gollis ayaa lagu qabtay Hotel City Plaza oo ee ku yaala magaaladda Burco, xaflada furitaanka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday jamacadda Golisa qaybteedda Hargaysa, Wasiiro, xildhibaano, Salaadiin iyo noocyadda kala duwan ee bulshadda rayid ka ah.

Guddoomiyaha guud ee jamacadda Gollis Dr. Siciid Axmed Xasan ayaa ka warbixiyay sababaha kaliifay inay jamacadda Gollis laamo ku yeelato Jaamacado badan iyo tan magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer .

“Waxaanu xidhiidh la leenahay Jamacaddaha Kenya University, Sweden (Kth) Royal Institute Of Technology, Hargeisa University, Makala University .Malaysia University iyo tan Burco oo aanu hada furti taankeeda halkan u joogno, waxaana nagu kalifay sidii aan Gobolka Togdheer qayb uu ka qaadan lahaa dar dar galinta aqoonta tayeysan.

Waxaanna uu sheegay inay dhigayaan fakaladda injineerinka iyo beeraha .shareecadda, iyo fakalyo kale oo fara badan, Waana jamacaddii labaad ee laga furo magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer  taasi oo ah fursad ay heleen ardayda ka baxay dugsiyadda sare ee Gobolka Togdheer, ardayda Reer Burco oo markii hore waxbarashada jaamacadah waxay u doonan jireen magaalooyinka Boorma iyo Hargeysa, taasna way ka raysan doonaan”

Sidoo kalenna waxaa isla madasha ka hadlay guddoomiyaha jamacadda Gollis ee magaaladda Burco oo sheegay inay wax badan u qaban doonaan kuna soo kordhin doonaan gobolka .

Dhinaca kalenna guddoomiyaha jamacadda Burco ayaa isna si diiran u soo dhaweyay furitaanka jamacadda Gollis isaga oo sheegay inay u noqon doonto garab ay weheshadaan, waxaanna guddoomiyaha jamacadda burco ugu baaqay jamacadda Gollis inay soo saaraan arday illaahay yaqiinsan kanna madhan qabyaaladda iyo reer reer oo buu yidhi tusaale u noqda dadka kale .

Waxaa sidoo kalenna halkaasi ka hadlay xildhibaan Nasir X.Cali Shire oo ka mid ahaa xildhibaanadda ka soo baxay Gobolka Togdheer isaga oo ku canaantay dawlada in aanay waxba qaban, waxaanu xusay inuu xidhmay airport-kii magaaladda Burco taasi oo kicisay xamaasad cirka isku shareertay.

Guud ahaan dadweynihii reer Burco ka soo qayb galay daah furka jaamacada Gollis qaybteeda cusub ee Gobolka Togdheer ayaa si weyn u soo dhaweeyey furitaanka qaybta Burco.

Reported by:- Saleebaan Sahal

Salosahal@hotmail.com

Popularity: 3% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: