Articles

Geeridu waa xaq Qarannews nacaybka dawladu waxay la gaadhay in tacsidii. By M Faarax.

Waxaa sharaf leh bahwaynta warbaahinta Somaliland oo dhan, kuma jiraan Qaran news oo aan filaayo inay yihiin qudhun news, ay baal martay inay sii dayn waydo tacsida,umada S/land madax iyo shacaba u dirayaan madax wayaha Ahmed siilaanyo oo uu walaalkii ku geeriyooday magaalada Liverpool ee wadanka Uk. Maamulka qaran news wuxuu degan yahay magaalada liverpool. marxuunka iyo ehelkiisana ay degen yihiin macrufadna la yahay, waxaase nasiib daro ah nacaybka xukuumada ay u hayaan bahda qudhun news inay baal mareen wanaagii umada iyagoo isku sheegay warbaahin madax banaan. warbaahintu inay wax saxaan oo xukuumada ilaaliyaan waa sax, oo khaladka la ilaaliyo ee maaha in nacayb iyo been joogta oo ku salaysan qabiil ay mar kasta qoraan. waa ceeb waxaanan leeyahay qaran news ha ka tagina wanaaga islaamka ee dhaha INAA LI LAAHU WAA INAA ILAYHU RAAJICUUN. umada waa isku wada mid ee ka daaya xumaanta aad habeen iyo maalin walba taagan xukuumadu wanaag waa leeday xumaana waa leedayay ee wanaagana sheega sidaad xumaanuun qoraysaan. Waxaad u baahan tihiin inaad ka barataan liverpool warbaahinteedu siday u shaqayso ee aad joojisaan qabyaaladan farsamaysan ee adna aad is del deshay umadiina galaafanayso.

Alaa mahad leh

m. farah

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top