Wararka

Xaflada 24 Guurada qaranimada Somaliland iyo Göteborg, Sweden.

image-f68a35e6ab4aed132233bb0a2d72ac2b55444885a93bcd0ca0540486f4bc84b1-V

 

 

 

 

 

 

 

Dhamaan Jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaallada Göteborg iyo nawaaxigeeda waxaa la ogaysiinayaa in la qaban doono xaflada Sannadguurada 24’aad ee qaranimada Somaliland.
Xaflada oo ay ka soo qayb geli doonaan masuuliyiin kala duwan oo Reer Somaliland iyo ajaanib kaleba leh, waxaa jira barnaamij maaweelo ah oo caruuraha loogu talo galay galabnimada.
Waxa kale oo xaflada ka soo qayb geli doona, Fanaaniin caana oo ay ka mid yihiin, Nimco Degan, Maxamuud Halwad iyo Axmed Budul oo caan ku ah heesaha dhaantada, Waxaan ka maqnayn ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka aynu u leenahay oo la soo bandhigi doono.

Munaasabada waxaa lagu daawan doonaa oo kale film gaaban oo ka sheekaynaya taariikhdii somaliland , madaxweynayaashii soo maray iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay ka soo gudubtay.

Goobta xaflada:

Axeldahlstömstorg
Markmyntsgatan 3
41480
Göteborg.

Ha moogaan oo ha ka maqnaan.
Guddoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee Goteborg.

Mubarak Qoorubaxay

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top