Suugaanta

BURCO waa maanso cusub oo uu dhowaan tiriyey Abwaan Mubarak qoorubaxay

qoorubaxay1Sweden(saraarnews) Heestan ama maansadan soo socota waxaa tiriyey Abwaan Mubaarak qoorubaxay wuxuuna ku sifaynayaa bilicda iyo quruxda magaalada burco ilaahay ugu deeqay ee ay dheertahay degaamada kale ee dadka afsoomaaliga ku hadlaa ku noolyihiin.  Waxayna ku bilaabatay sidan

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Akhriso qoraal ahaan

Faraskii baxdoowiyo
Geenyada baroorkaa
Baqalkiyo dameeraha
Lama beretansiiyee,
Nin kastaa ha baanee
Marka buunka loo tumo
Ama bigilka loo rido
Runtu baaqan maysee

Dhulka waxa u bilic weyn
Burco degeladeedoo

Waa meel badhaadhiyo
Nabad lagu bariistoo

Waa meel bogaygiyo
beerka igaga taaloo

Waa meel buruudkii
Rabi burro u siiyoo

Baahanaha waa meel
Gaajada ka biisoo,

Waa bartii Hadraawiba
Boholyohow u heesoo

Waa halkii bashiiriyo
Oomaar ka baaqoo

Waa halkuu ka soo baxay
Barrihii tacliintee
Buugga u horseedoo

Waa halkii ku tidhi baggi
Nimankii is bidayoo

Waa meel bilaawiyo
Birta lagu xoreeyoo
Boqolaalo geesaa
Xinjirtood ku bururtoo

Waa halkii bishii May
Calan laga bineeyoo

Waa meel bukaankiyo
Cudurada bogsiisoo

Waa halkii barbaarnimo
Jacayl igaga beermoo.

Waxay ii bidhaantaa
Biligtiyo hilaacoo

Waa halkaan badheedhaa
Dunida ugu baanee

Togoo baaxadiisii
Buuraha ka soo rogay
Dhirta wada bustaantee
Baalaha ku taalee
Biinaysa daalkaa
Kuu baadi soocee

Hablaheeda billiga leh
Sadex-qayd bafta ahiyo
Boqorkiyo dhaclaa xidhan
Halkii ay ka bogashada
Ishu baafinaysaay

Batarkiyo ciyaaraha
Halka laga bilaabee
Jaandheerta Boodada
Lagu jalabuteeyaay !

Barriyo Galbeedkeed
Bah-wadaagta wada taal
Balankiyo ujeedada
Halkii ay ka buuxeen
Bulsho siman dareenkaay

Booqashada ku wacaneey
Baro lama huraanaay

Biyo Lagu qaboobaay
Dawo laysku baantaay
Benderkii Aftahankaay

Xeer lagu hal beegaay
Belledkii Sanwaynee
Garta lagu bardaanshaay.

Xilligoo Barwaaqo ah
Meel baadka xoolaa
Banka loogu foofshaay

Badhax laguma sooree
Meeshii bishoo idil
Burcadka iyo sixinkii
Dhiilaha ka buuxaay

Nin kastoo ka baadiyo
Ruuxii ka bixitimay
Halka uu baxnaanshee
uu beegso leeyee
Dadku uu u bu’ayaay

Meeshaan buseelkii
Badhtamaa habeenkii
Anoo soo baraarugay
Riyo aan ku booqdaay

Baradayda dhaqankaay
Murti baaxad wayneey
Suugaanta baarka ah
Rugta lagu barbaarshaay

Allahay wax baasliyo
Ka hay bellaayada !

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top