Articles

Muuse waa Muusihiisii !

Aniga oo ka mid ahaa raga u ololaynaya inuu muj. Muuse Biixi madaxweyne noqdo, jacayl kasta oo taas loo qabo waxa xukumaya hab-dhaqanka gudoomiyaha xisbiga oo ah ka dadka codka loo doonanayaa wax ku qaybsan doonaan.

Markaa Muuse Biixi musharaxa KULMIYE wuu noqon doonaa laakiin Madaxweyne-nimadiisu waxay ku xidhan tahay, hab-dhaqanka siyaasadeed iyo ficilka odaytimo ee uu sameeyo 10-ka Maalmood ee ka hadhay shirka gollaha dhexe ee xisbiga.

Waayo awooda dhaqaale iyo dawladeed ee maanta daba-taagani ma noqon doonto mid sii waarta ee waxa codaynayaa waa dadkii hore xisbiga ugu codeeyey oo 3 qaybood maanta u kala fadhiya.

Wasiiradda is casilay waxay lahaayeen han iyo hogaamin, waxayna ka doorbideen inaan la curdaduubin tagoogahana looga xidhin nin ay siyaasada iskaga soo horjeedeen, xaq bay u lahaayeen inay is casilaan, eray Aflagaado ah oo laga daba yidhaahaa, garoonka ciyaarta waxaan nactooyo ahayn iyo taageero lagu waayo ugama soo kordhin doonaan intayada la jeclayd in gudoomiye Biixi musharaxa xisbiga noqdo.

1- Madaxweyne xigeenka KULMIYE in Garab kale looga tanaasulo !

Ninka looga baahan yahay inuu u tago oo heshiis la galo, oo wax uga tago oo labada kursi ee Madaxweynaha iyo ku xigeenka haduu doono yidhaaho, idina Madaxweyne xigeenka aan idiinku codayno, anigana musharax Madaxweyne ii daaya, waa Muuse Biixi iyo kooxdayada taageersan. taas oo laga yaabo inay keento wadajirkii xisbiga KULMIYE iyo siduu mar kale talada wadanka ku qaban lahaa, ileen waa cudud taageero iyo dhaqaale iyo laxaad aqooneed meesha kaala tegaya , welibana kaala soo horjeesanaya markaad kala dhaqaaqdaane.

Xasuuso intii qaybood ee xisbigu u kala socday xilligii Siilaanyo Musharaxa doonayey haddana uu odaynimada isugu waday si xisbigu guul u keeno.

2- Guddoomiya KULMIYE oo looga tanaansulo Garabka wayda Musharaxa madaxweynaha !

Xal labaad ayaa noqon kara in Guddoomiye Muuse Biixi iyo garabkiisu uga tanaasulaan dhinaca kale ee ay fikrada isku diidan yihiin Guddoomiye-nimada xisbiga kulmiye oo uu yidhaaho, haddaan Musharaxii qaatay idinkuna la wareega Guddoomiye-nimada xisbiga, arintaasi waxay ilaalin kartaa wadajirka Xisbiga KULMIYE, iyo sidii la isugu soo dhowaan lahaa.

3-Gacantaad goyn kari waydo waa la dhunkadaa !

Gudoomiye Muuse waxaa looga baahan yahay inuu sidii Siilaanyo yidhaaho Walaalayaal, weliba dhinaca galbeedkana u raaciyo AADDO iyo HUUNAYAAL doorkan igula tuntuunsada.

Gudoomiye Muuse waxa looga baahan yahay xubnaha gudiga fulinta, cida u hadlaysa iyo xilalka xisbiga badankooda inuu ka fogeeyo cid laga akhrisan karo inay reerkiisa yihiin, sidii Siilaanyo oo kale.

Gudoomiye Muuse oo salaadiintii beesha Subeer Awal iyo Somaliland cod dheer ku cadeeyeen inaanu musharax u ahayni, ha ogaado inaanu haddaanu nahay reer Somaliland cidla lagu tuuray ka qaadanay, ha u dhaqmo sidii oday reer Somaliland ah oo wasiirada xilka ka tegay halkooda ha ugu tago, haday kelifaysana isagaa dan lehe qaarkood gacantooda ha dhunkado, hana u cadeeyo inaanu cadaawad u qabine xifaaltankan xilku leeyahay.

Haddii tallooyinkaas iyo qaar badan oo la mida aanu Gudoomiye Muuse samaynin oo ragii lugta loo qabtay is yidhaaho waad ka libaysatay, arintiisu waxay ku koobmi doontaa, Musharaxa KULMIYE ee madaxweyne Somaliland ah ma noqon doono.

Dadkuna waxay odhan doonaan: “Muuse waa Muusihiisii”

Faallooyin badan oo aan qoray oo siday ahaayeen u dhacay baad usoo joogteen tanina maalintay timaado ayaad markhaati ka noqon doontaan.

Nin la tolay bay tallo la jirtaa !

Mubarak Qoorubaxay

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top