Articles

Xukunkii Caddaalad darada ahaa.

Siyaad carte Ismacil

Midig ka bilow, Ismaciil Cali Abokor, Siyad Bare,Iyo Cumar Carte

Hargeysa(saraarnews)Maalinnimadii 09-June-1982-kii waxaa la qabqabtay oo Xabsiga loo taxaabay koox isugu jirta Siyaasiyiin iyo Saraakiil, uuna hogaaminaayay Gen.Ismaciil Cali Abokor oo markaas ahaa Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Somalia.Kooxdaas oo lagu soo eedeeyay Shirqool iyo qaran dumisnimo, waxay Xabsiga ku jireen lix-sanadood oo dhow dhow. Lixda sano oo ay Xabsiga ku soo muteen nooc kasta oo Ciqaab ah.

Haddaba Kooxdaas Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha isugu jirtay ayaa loo asteeyay in Maxkamada lasoo taagayaa bilaabanto 01-Feb-1988-kii. Todoba maalmood oo ay Maxkamad ku sheegtaasi socotay ayaa Waxay 07-Feb-1988-kii ku dhawaaqday Go,aanadii ay Gaadhay, wuxuuna u dhacay Go,aankeedii Sida tan.

Magaca eedaysanaha. Xukunka ku dhacay. Qabiilka uu ka soo jeedo.

1. Ismaciil Cali Abokor Dil Toogasha Isaaq
2. Cumar Carte Qaalib Dil Toogasha Isaaq
3. Axmed Maxamed Hallac Dil Toogasha Isaaq
4. Cabdi Ismaciil Yonis(Duse) Dil Toogasha Isaaq
5. Suleyman Nuux Cabdi Dil Toogasha Isaaq
6. C/laahi Jaamac Galaal Dil Toogasha Isaaq
7. Axmed Cumar Cabdalla (Qawdhan) Dil Toogasha Isaaq
8. Cabdilaahi Cabdalla Madar (Hoos-ujeed) Dil Toogasha Isaaq
9. Aadan Maxamed Samakaab Xabsi daa’in Isaaq
10. Xuseen Ismaaciil Cabdi (Karaash) Xabsi daa’in Isaaq
11. Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) 24 Sano Xadhiga Isaaq
12. C/laahi Jaamac Samatar 24 Sano Xadhiga Isaaq
13. Max’med Suleyman 24 Sano Xadhiga Isaaq
14. Ismacil Hurre La,sii daayay Isaaq
15. Max’med Hassan Dallab La,sii daayay Isaaq
16. Jamac Cisman Ismaciil La,sii daayay Isaaq
17. Eng.Farax Xussen La,sii daayay Isaaq

Waxay Maxkamadu Isla Maalintaas Xukuntay Afar Siyaasi oo reer Koonfur ah.

1. Gen. Cumar X.Massale La,sii daayay Mareexaan
2. Dr. Maxamed Aadan Shiikh La,sii daayay Mareexaan
3. Cisman Maxamed Jeelle La,sii daayay Hawiye (Xawaadle)
4. Maxamed Yuusuf Wayrax La,sii daayay Majeerteen

Markii ay maxkamaddii bad-baadadu ku dhawaaqday xukunka kooxdaa, waxay arintaasi keentay dareen baroor-diiq leh, kaas oo saamay weyn ku yeeshay ra’yul-caamka siyaasaddii dunida, waxaana markiiba ka qayliyey ururo iyo dawladdo badan oo caalamka ah, kuwaas oo xukuumaddii Siyaad Barre ka dalbaday inaanay raggaa layn. Waxaana dhacdadaa aad uga qayliyay dawladaha USA, UK, France, Canada, dhamaan dalalkii la odhanjiray urubta galbeed (western Europe), Egypt, UAE, Saudi Arabia, Kuwait, iyo dawlado badan oo carab ah. Waxa ay dalalkaasi si toosa ula xidhiidheen Siyaad Barre isla markaana ka codsadeen in uu si dhaqso ah uga tanaasulo xukunkaa dilka ah ee uu ku xukumay siyaasiyiintaa caanka ahayd.

Waxaa iyaguna markiiba aad xukunkaas uga qayliyay Saxaafadii aduunka Kuwaas oo si weyn uga hadlay
Tixraac: wargeysyada kala ahaa: The Independent, The Guardian, The Observer, The Daily Telegraph,The Times ee dhamaantood ka soo baxa dalka UK cadadkoodii Tuseday 9th February 1988 ( National security court has sentenced death by firing squad). Al-arab, AL alam iyo Sharqal-awsat cadadkoodii salaasa 9th February 1988 (xukumul icdaam a- soomaal).L’ESPRESSO oo ka soo baxda dalka Italy cadadkeedii 14th February 1988 (in cella a Mogadiscio) Amnesty International 8th February 1988 Ref: AI Index: AFR 52/WU 03/88 (Amnesty Internatioal says trial of condemned Somalis `Gross miscarriage of justice).

BBC: African sevice news talks: Somalia death sentence; by Peter Murray: Waxa manta maxkamada sare ee badbaadada soomaliya dil ku xukuntay sideed ka mid ah labaatankii eedaysane ee todobaadkan dacwadoodu ka socotay magaalada Muqudisho. Waxa kaloo la sii daayay afar ka mid ah siyaasiyiintii la xidhnaa oo loo malaynayo in si gooniya maxkamad gaar ahi u xukuntay.

Waxa Siyaad Barre si shaqsi ah ula xidhiidhay madaxweynayaal badan, waxaana cadaadis lagu saaray inaanu fulin xukunka caynkaas ah, taasina waxay keentay inay xukuumaddii Siyaad Barre xammili kariwayday cadaadiskii caalamiga ahaa ee fuulay sidaa darteed waxay sheekadu ku dambaysay in 10.Feb.1988-kii, oo ahayd Saddex Cisho uun ka dib markii xukunku dhacay , Idaacadii Radio Muqdisho laga siidaayo warsaxaafadeed uu soo saaray Siyaad Barre, kuna cadaynaayo inuu Xukunkii dilka ahaa ugu bedelay Xadhig.

Go,aanka Maxkamadaasi wuxuu caalamka u iftiimayay, Siyaad Barre, Nacaybka uu u qabo qayb ka mida dadkii uu Xukumaayay, kuwaas oo ahaa Isaaqa, waxay kaloo Caalamka tustay in Somalia wax cadaalad la yidhaahdaa ayna oolin Xiligaas. Go,aankaasise wuxuu ku danbeeyay BIYO COL-DHAANSHAY.

intii ay xidhnayeen nimankaasi Waxaa la mariyay Ciqaab aad u adag oo bini aadamnimada ka baxsan xogo u dhuun-daloolay xadhigii nimankaa ayaa sheegay in ragga ciqaabta ugu xun la markiyey uu ka mid ahaa C/laahi Jaamac Galaal oo markaa lagu tuhmayey inuu xogaha ugu badan hayo, wuxuuna sida ay xogahaasi tibaaxeen C/laahi ka mid ahaa ragga xiniinyaha laga naafeeyey.

Raad-raac
Some Footnotes of the SNM struggle by Cabdiraxmaan Cawlo ( Baqdaadi )
Asraartii Ku Xeernayd Xukunkii Kooxdii
Ismaaciil Cali Abokor Iyo Cumar Carte Qaalib by Wargeyska Haatuf 2004.

Suleyman Yusufdhakhtar

Facebook.com/Suleymanyusufdhakhtar
Baynani@hotmail.com

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top