Wararka

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud xaashi oo Xilkii Wasaaradda Duulista ku wareejiyey Wasiirka cusub

Hargeysa(saraarnews) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi cabdi ayaa maanta si rasmi ah xilkii wasaarada duulista hawada ku wareejiyey, wasiirka cusub ee wasaarada dhowaan loo magacabay Cismaan saxardiid Caddaani, haddaba hadal qoraala oo wasiir Maxmuud xaashi baahiyey ayaa u dhignaa sidan,   “Maanta oo ay Tarikhdu tahay 08/11/2015 Waxaan si rasmi ah u Wareejiyay Xilkii iyo Waajibadkii gaarka ahaa ee wasaaradda duulista hawadda iyo Gaadiidka Cirka somaliland oo madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamud ii igmaday 28 July 2010 .

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha somaliland JSL oo Wasaaraddan usoo magacaabay masuul xilkas ah oo gudan kara waajibaadka iyo shaqooyinka wasaaradda Duulistu u xisaarantahay Qaranka somaliland isla markaasna ah muraayaddii Dalka .

Muddo shan sano iyo badh ah oo aan Wasaaradaasi ka shaqaynayay runtii waxa Illaahay nagu guuleeyay, naguna asturay xilkii umadda somaliland , aniga iyo shaqaalaha wasaaradda duulista hawadda iyo Xukumadda somaliland .

Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhamaan shaqaalaha iyo Hawl-wadeenadda Wasaaradda duulista Hawadda iyo guud ahaan shacabka somaliland ee ila shaqeeyay mudadaasi dheer.

Insha allaah waxaan u rajaynayaa Wasiirka Cusub guul iyo horumarka oo halkaasi laga sii ambaqaado, waxaan u rajaynaa in Illaahay ku guuleeyo hawlaha horyaala iyo qorshayaasha Wasaaradda duulista iyo qaranka somalilandba.”

https://www.youtube.com/watch?v=LpxC-TGLB5k

 

Taageerayaasha Wasiir Maxamud Xashi's photo.
Taageerayaasha Wasiir Maxamud Xashi's photo.
Taageerayaasha Wasiir Maxamud Xashi's photo.
Taageerayaasha Wasiir Maxamud Xashi's photo.
Be Sociable, Share!

The Latest

To Top