Hargeysa (Saraarnews)- Munaasibad ballaadhan oo lagu maamuusayey dufcaddii ugu horreysay ee ka qallin-jebiyey mac-hadka nabadda iyo xallinta khilaafaadka Jaamacadda Hargeysa, ayaa xalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.
Ardayda ka qalin-jabisay mac-hadka nabada iyo xallinta khilaafaadka oo tiradoodu ahayd 33 oo 3-ka mid ahi dumar yihiin, oo ay ku jiraan masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku-xigeenkiisa Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye-ku-xigenka 1aad ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, madax kale iyo dhallinyaro.
Munaasibadda loo qabtay qallin-jabinta ardayda dhammaysatay nabadda iyo xallinta khilaafaadka oo ka qaybgalkeedu koobsatay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horreeyaan inta ugu magacadheer reer Somaliland, siyaasi, Sheekh, abwaan iyo ganacsataba, ayaa ahayd mid aad uga jawi duwanayn xafladaha qallin-jabinta ah ee loo sameeyo dadka wax bartay.
Agaasimaha mac-hadka nabadda iyo xallinta khilaafaadka oo halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mac-hadku tan iyo wakhitigii la aasaasay sannadkii 2008, isaga oo xusay in mac-hadkani noqday kii ugu horreeyey ee Somaliland laga hirgeliyey, kaasi oo uu sheegay inuu wax weyn ka tari doono xallinta khilaafaadka iyo adkaynta nabadda.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Xuseen Cabdillaahi Buxlan iyo guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Mr. Mubaarik Ibraahim Aar oo iyaguna munaasibaddaa ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey waxyaabaha aasaaska u ah khilaafaadka iyo siyaabaha loo xallin karo, iyaga oo tilmaamay in mac-hadkani noqon doono mid mandaqadda Geeska oo dhan laga barto xallinta khilaafaadka.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlayey afka ardayda ka qallin-jabiyey mac-hadka nabadda iyo xallinta khilaafaadka, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey maamulka Jaamacadda Hargeysa iyo aqoonyahanadii waxbaray, waxayna shahaado sharaf guddoonsiiyeen mac-hadka xallinta khilaafaadka iyo guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo uu sheegay inay qayb libaax ka qaateen aqoonta ay barteen.
Popularity: 1% [?]
You Should Also Check Out This Post:
- Heesaha Ciida: Alla Maanta ayaanta codkii Maxamed S. Tubeec
- Waraysi qaybtii 1'aad Ali Mahdi Hussen xubin Xisbiga Ucid
- Zakat Al-Fitr and Eid By Ahmed Arwo
- Heestii Madax-Weynoow Waa Qalinkii:Abwan Baruud
- Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah




