Wararka

Wasiirkii hore Madaxtooyadda oo Xil-wareejintiisii qoraal ka sameeyey.

Qaybta Koobaad ee Warbixintii Xil Wareejinta
“Maadama Madaxtooyadu tahay muraayada qaranka waxaa waajib naga saarnaa; kor u qaadida bilicdeeda , isku haynta guud ahaanba qaybaha kala duwan ee Shacabka JSL iyo xidhiidhinta laamaha kala duwan ee Dawlada”
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

xirsi iyo xaashi
Salaan idiin qalanta kadib, waan uga mahadcelinayaa akhyaarta xilalka kala duwan haysa ee wakhtigooda qiimaha badan noo huray in ay kasoo qaybgalaan xil wareejinta Wasaarada Madaxtooyada iyo sidoo kale cid walba oo shaashadaha ka daawan doonta.
Waxaan jecelahay in aan ugu horayn xuso caqabadihii iga soo wajahay markii aan la wareegay xilka Wasaarada Madaxtooyada oo maalintaas aniga dhib igu ahayd lakiin maanta aan filayo in aanay qabsan doonin Wasiirka cusub ee Madaxtooyada Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi.
1- May jirin markii aan imid wax aan la wareegay iyo wasiir igu wareejiyey toona oo Wasiirkii iga horeeyey dawladii hore waxaan ku soo beegmay wakhti uu is casilay kadib maan helin tixraac iyo meel aan ka bilaabo balse maanta nasiib wanaag waxaan ku wareejinayaa Wasiirka Cusub qoraalo diyaarsan, habraac habaysan iyo nidaam dhamaystiran oo meel loo raaco leh walaw aanan anigu intaasba helin waxaan Illaahay ku mahadinayaa in uu nagu guuleeyey mahadaas Alle kadibna waxaan bogaadinayaa shaqaalaha qaaliga ah ee Madaxtooyada ee igu caawiyey in aan guushaas gaadhno.
2- Caqabada kale ee iyadna I soo foodsaartay ayaa ahayd Xisbigii waynaa ee Kulmiye oo markaa guulaystay oo inta xilka heshay ay ka badan yihiin inta wayday oo iska daa inta xilka wayday ee cabanaysee waxaa badnaa inta islahayd bal markaliya uun Madaxtooyada gaadh oo gal ee ay askarta isku dhacayaan taasi oo keentay in ay qaylo dheer ka baxdo isla markaana wax walba oo xumaada la yidhaa Xirsi baa xumeeyey! “Hadii xataa Cadceedu kululaato Xirsi baa Xumeeyey baa iga soo raacday” .. caqabad adag bay ahayd lakiin maanta aanu la kulmayn Wasiirka Cusub ee Madaxtooyadu Illahay Idankii
3- Caqabada kale ayaa iyadna ahayd ; xanuunka isbadalku leeyahay oo isbadal walba si fudud kuma dhaco “Every change has a pain” , hadaba maadama dawlad cusub dhalatay oo inta badan dadkii xilka markaas qabtay kuwada cusbaayeen nidaamka, meel walba waxaa kaaga soo yeedhaysa qaylo oo ka sakow intii dawlada aan xilalka ka helin ee cabanayey waxaa iyadna soo baxaysay intii xilalka heshay oo xanuunkii is badalku soo gaadheyey, taasi oo sidii aad uga dabaalan lahayd iyo sidii aad isugu xidhi lahaydba ay aad iyo aad u hawl badan tahay.
4- Sidoo kale la shaqaynta iyo ka hoos shaqaynta Madaxweyne wakhti badan kahor caan baxay “Popular President” maaha hawl sahlan oo waxaa la rabaa inaad isku wado saxiibadii uu ilaa wakhtigii Siyaad Bare lasoo shaqeeyey iyo kuwii uu wakhtigii dawlada Somaliland uu xilalka kala duwan ka qabtay la shaqeeyey iyo intii uu Xisbiga kulmiye kula shaqeeyey iyo kuwii intuu dawlada gadhwadeenka ka ahaa la shaqeeyeyba ay hareeraha ka taagan yihiin madaxweyne sidaas oo kale ah in aad la shaqaysana ma ahayn shaqo hawl yar waxaanse Illaahay ugu mahadinayaa in uu nagu asturay oo aan shan sano iyo siyaado lasoo shaqeeyey walaw guul walba qof uun sheegto hadana waxaan marwalba carabka ku adkaynayaa in aan amaan iyo bogaadin u soo jeediyo team-kii ila shaqaynayey oo guushaas dhaliyey oo ahaa koox aad iyo aad u qaaliya oo aan Wasiirka Cusubna u dardaarmayo in uu ilaaliyo, horumariyo oo uu dhinacyadiisa keeno, kulama aanan shaqayn jirin oo maan ahayn Wasiir iyo Masuul amar bixiya uune waxay ahayeen saxiibo ii dhaw oo aan dhagaysto oo aan ku kalsoonahay ayey ahaayeen.
Intaas kadib waxaan rabaa in aan halkan ku wareejiyo qalabka, agabka , gadiidka iyo dhismeyaasha ay Wasaaradu leedahay iyo sidoo kale shaqaalaha wasaarada oo aan ku koobnayn oo kaliya inta Wasaarada Madaxtooyada ka hawl gala ee ay isugu jiraan ilaa kuwa Waddooyinka ka hawlgala oo isugu jira kuwa xarunta jooga iyo kuwo goobta shaqada joogaba.
Ka sakow shaqaalaha sida tooska ah u hoos yimaada Wasaarada Madaxtooyada waxaa jira iyaguna xafiisyo ay wada shaqayn ka dhaxayso Wasaarada oo ay kamid yihiin Xafiiska Afhayeenka waxaa sidoo kale jira golihii Wasiirada oo marwalba u baahan diyaarinta macluumaadkooda , ururinta xogtooda iyo qaadida minutes-ka golaha oo xoghayihii hawshaas u igmanaana joogo oo aan Wasiirka cusub ku wareejin doono dhamaan macluumadkii laga diyaariyey shirarkii golaha Wasiirada iyo intii xeer kasoo gudbay golaha oo dhan 48 xeer
Sida aynu ognahay golaha wasiiradu wuxuu gudbiyaa xeerar, budget-ka iyo qorshayaasha ama siyaasada intaba , hadaba, waxaan halkan kugu wareejiyanayaa dhamaan intii golahu gudbiyey , maaha oo kaliya wixii uu gudbiyey ee sidoo kale maadama caqabadaasi anaga na qabsatay waxaanu diyaarinay habraac la raaco oo kala ah; – qaabkii iyo qorshihii loo raacayey “Handbook” iyo hab-maamuuskii “Protocol” oo aanu golaha wasiirada ka ansixinay waayo sidaynu ognahay dawladnimadu waa Protocol iyo nidaam “System”
Sidoo kale maadama aynu dedaal ugu jirno in aynu dinuda ka mid noqono isla markaana aynu baahi u qabno in aynu ardaayada ay dunidu ku kulmaan “Forum” ka mid noqono waxaanu qayb ka noqonay barnaamij la yidhaa “African Government Network” halkaas oo ay kulmaan badi dawladaha Afrikaan-ku isla markaana dawladeenu si rasmi ah uga mid tahay calankeenuna kamid yahay kuwa ka dhex babada calaamada dawladaha Afrikaanka ah “ waxaan si gaar ah ugu amaanayaa Agaasimaha guud ee Wasaarada Madaxtooyada iyo xoghaye-yaasha golaha wasiirada oo shaqo fiican ka qabtay kamid noqoshada golahaas.
Waxaanu sidoo kale diyaarinay tilmaamaha “Handbook” ay kamid yihiin :
• Tilmaamaha dib u habaynta nidaamka Xisaabaha “Finance policy and procedure”
• Tilmaamaha golaha wasiirada “Cabinet handbook”
• Tilmaamaha hab-maamuuska “ Protocol handbook”
Sidoo kale maadama himilada qaranka ay kow ka tahay helitaanka ictiraaf caalami ah waxaa in badan Madaxweynaha u yimaada wufuud iyo khubaro dedaalo ugu jira sidii Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalami ah sidaas darteed waxaanu wasaarada Arrimaha debada wadaagnaa wada shaqayn dhanka ictiraaf raadinta ah waxaanan Wasiirka cusub ku wareejiynayaa ilaa lix file oo arimahaas arimaha ah oo ay kamid yihiin xogta ilaa shantii jeer ee aynu wada hadalnay dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya
Waxaan sidoo kale aanan faahfaahin ka bixinayn oo aan ku wareejiyey Wasiirka File-ka nabadgalyada oo ah xog sirdoon oo walaw ay cid gaara ka shaqayso hadana markay soo ururto soo gaadha Madaxweynaha
Waxaan halkaas ku soo ururinayaa guud ahaan warbixintii dhanka Wasaarada Madaxtooyada ee aan xilkeeda hayey mudada ku siman shanta sano iyo dheeraadka
Waxaan aaminsahay in aanu dedaal dheeraad ah ku bixinay horumarinta wasaarada Madaxtooyada walaw marwalba jidka guushu yahay mid aan dhamaad lahayn
Waxaan qaybta dambe idiinku soo gudbin doonaa:
• Hoos keenidii la I hoos keenay Wakaalada horumarinta wadooyinka , caqabadihii igala soo darsay, guulihii laga gaadhay dhanka waddooyinka iyo nidaamka xisaabeed ee Wakaalada
La soco…
Wa Bilaahi Tawfiiq

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top