Suugaanta

Digniin (gabayga 1’aad ee silsilad gabayo ah oo tahriibka ku saabsan) abwaan Maxamed Xasan Dhaglas

DhaglasAbwaan Mohamed Xasan dhaglas oo tiriyey tix gabaya oo tahriibka ku saabsan. Wuxuuna kula hadlayaa kuna waaninayaa inan doonaysa inay soo tahriibto. Gabaygan oo soo baxay 22.08.2015. wuxuu ku bilaabay.

Damqashada dareenkiyo jidhkaa laygu soo degaye
Dahrigiyo xiskaa gabay ka yimi daaray feedhaha’e
Sidii roob daruur soo kacshoo dunida maansheeyay
Inaan da’o dantaa iigu wacan doorkan maanta ahe
Xoolahaa dudada lagu ceshaa daaqa kaymaha’e
Geel baad dabaashaa haduu kaa dabayshado’e
Dad miyaa la raacaa sidii duunyadiyo maalka
Aduunyadan durkii loo rogee daabacii qarisay
Rabibaa wanaag laga dalbaa doorsha noolaha’e
Anigoon ku daalayn waqtigan dunida yaab keeda
Wuxu maanta iga daaranyahay waa digniin culuse
Adigoon ku dayan doobir xumo qolo ku daaduumay
Dad baad tahaye sida ruux delegan diiqad hays geline
Inanyahay qurbaa damacdayee dalal kale u xiistay
Kuwaa badaha lagu daadiyee dulun-dulcaynaaya
Adiguba waxaad daawataa duulalkii jabaye
Da’yartii kula midayd saxarahay duhur ku le’deene
Diibkiyo dugaagii ku mamay kuwii doraad yaacay
Nibiriga dalqada weyn leh baa dowga yurura ee
Adigay diyaar kuu yihiin daalinoo dhamiye
Ragaan digigixoon oo islaam diinta nala sheegta
Doqonada carbeed gabadh u dagan kama danbeeyaane
Ninka dumarka badan qaawiyaa waa dalacayaaye
Derajaa kufsiga lagu helaa dahab la moodaaye
Qaar baaba dabar lagu xidhoo aan dib loo arage
Sidii duunyo xoolaad ayay kala dilaalaane
Doolar baa la kala dhaafsadaa diiday baan jirine
Sidii adhi la soo daabulaa loo dalqamiyaaye
Doc midhkii u leexdana budh baa lagula dalaaye
Intoodii ka soo doogtay baan helin daryeelkiiye
Diifaan hadhayn bay qabaan daayin abidkoode
Dudo reero kale bay baryada kula dulmeeraane
Dad baad moodaysaa oramadaa dhaanta deeqaaye
Doofaar la kariyaa qofkii helay ducaystaaye
Kinisadaa dirayska ku gashoo loo dawarayaye
Waxba yaad taswiir daawan iyo been la daabacaye
Dulmi baa ka buuxiyo xanuun aan doc kale oole
Ka diimoonid dabinada qarsoon daacad wacaneeye
Duli baa qurbaa lagu qabaa how dabaal degine
Ha degdegin dalkaa kaaga wacan debad ku noolowe.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top