Suugaanta

Ha ii dayrin. Gabaygii 2’aad ee Silsilada tahriibka waxaa tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay

mubarak qoorubaxayAbwaan Mubarak Qoorubaxay ayaa ka soo jawaabay gabaygii digniin ee Abwaan Mohamed Douglas, wuxuuna ka dhigayaa in tixda gabayga ah ay inantii fariin ahaan ugu soo dhiibtay, Gabaygan oo la yidhaaho digniin Inantu waxay ku sheegaysaa inay ka mid ahayd hablihii KULMIYE u codeeyey ee laga doorbiday kuwii ay ka codeeyeen, digtoorad bay ahayd shaqo wayday, gabayguna oo soo baxay 24.08.2015 wuxu ku bilowday.

Hadal ay dabayluhu wadaan waa dawanayaaye
Warka daangasluhu soo diree samada duulaayey
Inantii waxay dood ka celin eray  daboolaaye
Waxay tidhi dantayda i tidhi daafta hays dhigine
Ninka gabayga ii soo diree igu dagaalaayey
Warkuu maanta dawdabinayaan dayri leeyahaye
Dabuubtuu i yidhi baan rabaa inaan difaacaaye
Dalkoo nabada dunidoo nimcoo deleb la maalaayo
Waataydun diideen inaad duco ku joogtaane
Waydinkii diyaarado ka koray duhur dharaareede,

Hadbana kiina gelin soo degaa loo diyaafadine
Sida boqor damaashaad ah baa loo dabaaldegiye
Xilalkiina waa loogu daray dawladnimadiiye
Hablihiina waa duufsateen daacada ahaaye
Nimankii dareenkooda qoray doobna wada sheegtay
Wiilasha is deldelay waa gartood inay is dooxaane

Baddu ila degtaa iyo illaah daw i mariyaaba
Doontu ila jabtaa iyo dariiq eebbe bixiyaaba
Anna maanta waxa igu dirqiyey waa dantay tidhiye
Dalandoolka waxa noogu wacan deyro dhaafyada’e
Duruufaha na haystoo dhan baan kuu dulmarayaaye

Haddaan maanta loo diir naxayn duqiyo waayeelka
Dumarkiyo caruuraha haddaan cidi daryeelaynin
Haddii aan dastuurkiyo sharciga lagu dabaalaynin
Haddii daarradii xaafadaa dirirtu joogtowday
Duhurkiyo habeenkii haddii dhaguxu duulaayo
Dooxii Hargeysaad haddii daamo lagu sheegay
Haddii dogobo nool lagu dhex shiday duudi wada tiilay

Degmadeena quusta ah haddaan dacal ka soo raacay
Ma dambaabinee Maxamedoow waar dib hay celine
Kolaad nooli ii soo dirtood lacagta doondoonto
Kolaad ii dacwootiyo kolaad iibka kula daasho,
Dib u laaban maayee haddaan anigu doolaalay
Ma-gefuhu dulqaad ma leh walaan cidi i daynayne
Aduun baa dadkana ii xigoon daawo leenahaye
Ha ii dayrinine doolarkiyo kharashka ii soo dir

KULMIYE u dagaalamay hadduu diirku ii nixiye
Waataan u duubnaa markii odaygu dooraaye
Durbaankayga waa taad ogayd daramalkiisiiye
Dayaankiisa madaxii haduu ila Dakaamaaye
Doogtaan ka qaadaa dhulkuba ila dilaamaaye
Daluumahana waataan ka dhacay dawga socodkiiye
Dumbukhiina anigaysu dhigay Daahir soo ridaye
Nimankii dalbanayaa haddeer cunay dubaaxdiiye
Midaan maalin laan diirin baa doobigii dhamaye
Qaar kalena waw doobyayaan doorkan maanta ahe

Mid dalacay intuu diinar helay kibir la daanshooday
Iyo midaan dabkii looga shidin qurusna daacaamin
Labo dabaqadood bay noqdeen deriska reeruuye
Anigana dukaankaan furtiyo kiciye daaskiiye
Dawaarkiina waa ka iga jabay lagu dul noolaaye.

Degmadeena quusta ah haddaan dacal ka soo raacay
Ma dambaabinee Maxamedoow waar dib hay celine
Kolaad nooli ii soo dirtood lacagta doondoonto
Kolaad ii dacwootiyo kolaad iibka kula daasho,
Dib u laaban maayee haddaan anigu doolaalay
Ma-gefuhu dulqaad ma leh walaan cidi i daynayne
Aduun baa dadkana ii xigoon daawo leenahaye
Ha ii dayrinine doolarkiyo kharashka ii soo dir

Dhaglasoow digniin iigu filan duubigay lumaye
Oramada dalkii buuxisee wada dawaafaysa
Dux haday magaaladu lahayd diirto oo liqa’e
Iyagaaba laga door bidaa hawsha loo diraye
Dusuudii guryaha waxa u xala darayga qaar leege
Deganaanshahay maalin dhow soo dalbanayaane
Doorashadana waw dhow yihiin inay dareeraane
Damalkii Magaalada hadii caaqil lagu duubay
Ama uu Suldaan demesh huwani uga danbaynaayo
Madaxweynahay doonayaan haatan dababdeede
Haddaan talada doorka ah Tashiga la isla daawaysan
Dambabeeradeedii haddaan boqorku soo doojin
Iyagiyo dalkaba waxa u hadhi qolada Daafeede,
Aniguna kuwaa kama duwani shuufay degelkiiye

Degmadeena quusta ah haddaan dacal ka soo raacay
Ma dambaabinee Maxamedoow waar dib hay celine
Kolaad nooli ii soo dirtood lacagta doondoonto
Kolaad ii dacwootiyo kolaad iibka kula daasho,
Dib u laaban maayee haddaan anigu doolaalay
Ma-gefuhu dulqaad ma leh walaan cidi i daynayne
Aduun baa dadkana ii xigoon daawo leenahaye
Ha ii dayrinine doolarkiyo kharashka ii soo dir

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top