Suugaanta

Daacad. Gabaygii 3’aad ee silsilada tahriibka waxa tiriyey Abwaan Maxamed xasan dhaglas

dhaglas1
Abwaan Mohamed Douglas ayaa gabaygiisii labaad ku soo noqday  isagoo u jawaabaya inantii soo tahriibaysay ee gabayga Mubarak Qoorubaxay ee HA II DAYRIN ku jirtay, tixan oo soo baxday 25-08-2015 wuxuu ku bilaabay.

Markaan kuu damqaday aan murtida kuugu wada deeqay
Haddaad waanadaan soo diriyo diiday gabaygayga
Waa inaan markale kugu dayaa kugula daalaye
Waayeelku murti duurxuluu duluc ku sheegaaye
Aniguna gondaa uma degee waa dulxaadsadaye

Dhaqankeena duuga ah hadaan dib uga faalloodo
Marka awrta loo diro intay dabarka goynayso
Dushaasaba laga raaci jiray duulalkii hore’e
Dudadooda may dhaafi jirin dumarki fiicnaaye
Adiguna digniintaydi baad mooday deelqaafe
Siduu daayin sheegiyo xaqaa laga danbeeyaaye
Dad islaama baan nee hadaan deyay kitaabkeena
Dummaddaa raga u saarantiin daayin abidkiine

Sidii roob daruuraynayoo dhibicdi soo daadshay
Afar taasi waa daad ki hore dulun-dulcayntiiye
Intaan gebiyo weyn soo dunshoo dogobo soo goosto
Bal aan dooxyo kugu soo rogee dhegaha hay diidin

Sebankaan qurbaha uga durkee debad u soo dhoofay
dulmi baan ka tegay iyo xumii dumiyay soomaale
Digteetar baa na haystoo ma jirin kibir la daanshoode
Markii uu rag iyo dumar simee Aayadaha doorshay
Maalintuu wadaadadi deldelay diiday amarkiisa
Ee uu diyaarada kacshe nagu damashaaday
Ay dunidu wada yaabtay baan doontay fiisaha’e

Durbaan baad ka cabataye wixii daano nagu gaadhay
Duhurkiyo habeen kiiba waa loo ducayn jiraye
Dabargoyn xun baa nalagu waday dahabo Nuuraaye
Kolkii ay dayaantee madfaca nala dabaalsiiyay
Xabashaa dadkuba magangaliyo dowlad jaar ka ahe
Dalkan yaa lahaayaee markay Daacad ololaysay
Dulcad baan ka soo galay anoon digigixoonayne
Iminkaa kuwaan doog ku furay igu danbaabane

Weligeed markay darantahaa lay daweriyaaye
Da’diina soo koraysiyo inan duug u dhaxal reebno
Oo aan dala’si iyo quudhsi kale nalala soo doonan
Waa waxaan duruusta ugu dhigay nacabki daahnaye
Waa waxaan dagaal kii u galay dirirti waagiiye
Duunkaba ma gelin maalintaad calan dusha u saarto
Ayaa xerada laga daadanoo duulal loo tegiye
Magafaaba doqoniimadaa iiga sii darane

Afar taasi waa daadki hore dulun-dulcayntiiye
Intaan gebiyo weyn soo dunshoo dogobo soo goosto
Bal aan dooxyo kugu soo rogee dhegaha hay diidin

Odayga dalkii wada dhisee doorkan loo aayey
Odaygaa dariiqyada furee dunida nooleeyay
Ninkaa derajadii qeybiyee dowladnimo muujay
Wax ka diiday mid damac gaara laho aan danteen wadine
Hanti uu dad leeyahay haduu adiga kuu diido
Dooronaheen waa ogyahay waxan dux reebayne
Maalintii la doortuu qabsaday doori dhaqankiiye
Nimankii daldalan jiray markuu doolar uga dhaartay
Dabatiyo xagxagatadu xumaa kama danbeeyane
Weligayba maal dowladeed kuma ducaysteene
Dunji umalihine yaan iblees dowyo kaaridine

Ninka yurub ka soo doobiyee daramal kuu yeedhshay
Waxba yuu amaan kugu dul furin heeso daabacane
Duqa Qoorubaxay iyo ragaan dalawo geel keenin
Siciidkii riyaha duubayee diiday yarad fiican
Kuwaa daarada boobayiyo daydaygiyo tuuga
Kuwa qaadka uun daalige aan doc kale eegin
Ducuf aan xishoonoo qabiil magaci daaqaaya
Anba kuguma darayee hadii daayinku ajiibo
Inamada dadaalee digrii doorkan wada qaatay
Wiil yaroo da’daada ah ayaan dadabta kuu gayne
Dabo taago dahab kaa fadhiya buurta degelkeena
Dooxadii sarareed hadii dalag laguu beero
Dalkeenaa aduunyada u wacan damal la moodyeye
Duruuf iyo adoon gaajo qabin damaca kuu baaqay
Moobiilka aad donaysiyo qalab kastoo dooran
Adigoon naftaada u dulayn diiqadna u gaysan
Anigaaba ku soo diriye dookha soo sheego.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top