Suugaanta

Hay dardaar werin. Gabaygii 4’aad ee Silsilada tahriibka waxaa tiriyey Abwaan Mubarak qoorubaxay

qoorubaxayAbwaan Mubarak Qoorubaxay ayaa gabaygiisii labaad ku soo noqday oo ah fariintii inantii soo tahriibaysay uu ka siday, waxayna Jawaab u tahay Gabaygii Daacad ee Abwaan Dhaglas , waxayna soo baxday 26-08-2015. Tixdan oo ay abwaanka ugu xogwaramayso naftirkeedu waxa kale oo ay fariin u diranaysaa Cabdillaahi C. Cige oo la yidhi isagaa dawyada iyo dariiqyada la maro kala yaqaane.
Dhaglasoow dardaarkaad wadee ugu danaynaysay
Inantii dabuubtaad ku tidhi baan ku sii duxine
Maantana dacwiga aad waday deedafee tidhiye

Waxay tidhi duruuftaa i tidhi socodku waa doore
Inanyohow daleel lagama helo Dahabka ceedhiine
Sidii awr duleedada ku xidhan didibso waa yaabe
Maqal kuma durdurinine sideed doohda hay gurine
Iyadaan wixii daayin qoray cidi ka doodaynin
Nasiibkaa i dooyaynayee hay dardaar werinin.

Qurbahaad ku daashaye warkuba kuuma daadegine
Dalkeenii beryahan waxa ka jira doocu kaa maqane
Filimaan kalaad daawataa daaratoo shidane
Muraayadaha doogaa indhaha kuu daraandaraye
Kuwa daaco- goodlaynayee digasho geeraaray
Malaa dabaqaddaa kuu waramay diirtay qarankiiye

Nimanki u dagaalamay badh baa loo dewerayaaye
Wax dariiqa lagu dhaafayaa diricyadeediiye
Cuqubadu malaa way degdegi daaha loo sudhaye
Daaduunka diiftaan qabniyo daalka iyo oonka
Duudkaan ku soo dhaaminaa toban daraan qaade
Dalanbaabigaasaan qabnaa dacasna noo dheere

Dooxyadii Saraareed dhulkii laysu dacareeye
Daaraaba laga jeexayaa dooni waalada’e
Shirkadaa dalooshoo dhirtii diirtayoo jaray’e
Macdan baa la doondoonayaa ooy deweriyaan’e
Xooliina dulin bay gesheen wananki daylaaye.

Gabaygaan dalleeyiyo tixdaan deeqsi ku ahaaye
Afartaa dibaaqaye haddaan weedh ka daba geeyo
Murtidayda daabacan waxaan dacal ka raacsiiyey

Yamantii dagaal ka dhacay la isku dabar gooye
Diinsoor sideedoo kalaa laysku dilayaaye
Dekedaa sidii looma diro dibigi xoolaade
Dusha sare cirkii loo dayoo nooma soo di’in’e
Daruurtaa la hoos roorayaa gu’iyo dayrtiiye
Dalag lagama beertoo dhulkii madhayey doogiiye

Digtooradu aqoontii waxbaba kuma daweeyaan
Kuwa geela daabaqadiyaa daawadaw qora’e
Damaashiir wax laa leeg ayaa la isku diisaaye
Dugsiyada waxa lagu dhigtaa waa dir soocnimo
Ardaydoo damiino ah ayay derejo siiyaane
Dushaa koofi loo wada sudhaa demiski dheeraaye
Waa kuwaa dariiqyada is tuba duhurka maantiiye

Wadaadadu ninkaan doolar sidan uma dedaalaan
Dumarkana dhamaantood Jin baa laga dabiibaaye
Quraankana dersiga lacagtu waa shay diboosida

Daaquud baa jabuuti u fadhiya daalin xoogsadaye
Ganacsade dilaaliina baa lagu danaystaaye
Xabashiduna dayrtoo xadkii vise laga diidye,
Docda xamar colaadaa beryahan loo durbaan tumay
Shankaroon in lagu duulo bay talo ku daysteene

Dulmi muu aqoonine darbaa loogu daw galaye
Duul Awyo aan moodayaa doorshay calankiiye
Haddii aan dacweyn laa kuwaa gabay daryeelkeeda
Wax la yidhi duqeenii beryahan sooma daadegine

Illaahay cidnaba kuma dirqiyo diiqadii culuse
Mobile maan dalbane xaajadaad dalaw ka tuuryayne
Haddii uu docdaada isku dhalay doolarkiyo bown-ku
Dorraad baad cuntaanu u qadnaa Buushe daani lehe
Dabuubtaadu waxay daaran tahay wayga maan dedane
Waa keegag may soo dubtaan duul daqiiq li’iye

Dumarkaydun heensayn jirteen maaha dunidiiye
Digrii baanu sidanaa indhii noo dilaacsama’e
Daliilkiyo xadiis sheekhyadaa laysla deyayaaye
Diintaaba qiil looga helay xaal daruuriyahe
Baqtigana dar baa loo fasaxay gaajo kay diliye

Inaan debeda dhoofka ugu kaco diidnay hay odhane
Doontiyo tahriib inan ka hadho hayga daydayine
Isagaa dar hore caawiyoo qaybay dawyada’e
Cawed baaban doondoonayaa taar in loo diro’e
Dan baan kaaga baxayaa haddaan doorkan soo helo’e

Waxba nimaan naftiisi deberin deyrka hay geline
Haweenkuba dagaal gale markii diriru taagnayde
Waataan dushayda uga furay dahabki saaraaye
Libinuu dad wada leeyahaad doontay keligaaye
Duunyaba ileen naguma hadhin maalin darantiiye

Dugaaliyo dermana kaama rabo dadabna hay gooyne
Oday soo dabayshaday intaan dhabarka duug duugo
Maruu duumo sheegtiyo maruu taaha damin waayo
Isagoo mid hore soo dayacay darib ma siiyeene
Sidii gaadhi duuguun cidlada haysku kala daadin.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top