Suugaanta

Wuu ku duufsaday. Gabaygii 5’aad ee silsilada tahriibka Abwaan Maxamed xasan dhaglas

dhaglas1Abwaan Mohamed Douglas Gabaygiisan 3’aad oo uu tiriyey 31-08-2015 wuxuu daba socdaa labadii hore ee uu ugu caqli celinayey inantii doonaysay inay soo tahriibto, isaga oo gabaygii ugu horeeyey tahriibta dhibaatadeeda uga waramay, kii labaadna ugu balan qaaday waxyaabaha ay jeceshay inuu u dirayo, Gabaygana wuxuu ku sheegayaa inuu ogaaday in Wiil qurbaha joogaa inanta ku dhaliyay tahriibtan ay u xadhko xidhan tahay, ninkaasina maanta aanu ahayn ka ay moodayso ee isaga laftiisu qurbaha ku dacdaraysan yahay, tiisiina cuslaysay. Gabaygu wuxuu ku bilaabay:

Gabaygaan ku daaliyo murtidaan kugu dabaalaayay
Inanyay waanadii kama degin daacad hadalkiiye
Waadigan ka sii daray sidaan dilay awoowgaaye
Dallo adag adoon haysan baad duniba maagtaaye
Dacuun kuma dilee goorti aan deyay xanuunkaaga
Digtoor cudurka badhan ahaye daawadaa helaye,

Debadba maad aqoonine ninkaad daba gablaynayso
Hadaan Deeqa-luul kuu waramo derajaduu gaadhay
Duq cad baa hogaan sudhatayoo doorsan ruuxaniye
Eyduu subaxdi soo dajiyaa debada geeyaaye
Markay kaadi soo daadiyaan yuu dushood xaliye
Darka gaaladaa loo daraa duhur dharaareede
Siduu yahay dhurwaa daalan buu dulun dulceyaaye
Surwaal dabo ka dhacay buu gacmaa dib ugu faydaaye
Dayeer siduu yahay ayuu dabada muujaaye
Sankii waa dalooshoo bir weyn dacal ka soo saarye
Dad keena lama hadloo duul kaluu qaatay dabacoode,

Duqii Qoorubaxay maalin uu doonay tii gaadhay
Dalka maad i keenine maxaa ka i daba taagay
Dookhayga madaa xukuma ama dirayskayga
Feedhkuu ku daan danshay iyo dakharku gaadh siiyay
Duruustuu u dhigay odaygi waa daayey magaciiye
Dibna ruux canaan kuma dayiyo dan uga sheekayne
Dacwad uu ka qoray xaajigii waaba loo digaye
Haba darin baa lagu yidhoo waa ka didayaaye
Xitaa gabay inuu kula dul dhaco looga dacar jiidye,

Beriguu dadka ahaa haduu dahabo kuu baaqay
Ama uu sawiro kuu soo diriyo meel la daawanayo
Hadii beenti uu kugu dal dalay doogo kugu reebtay
Waatuu daroogada bartiyo hilibka doofaare
Adigoon naftaada u dulayn ruux dacwadhay haatan
Inamada digriyayee ilaah dib uga yaabaaya
Dalkeenaa wadaad laga helaa diinta kuu dhiga’e
Duniduba ilayn duug maloo la isu dayn waaye
Aad duriyad xalaala dhashide debadba how dhofin

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top