Suugaanta

Deelqaaf. Gabaygii 6’aad ee silsilada tahriibka Abwaan Mubarak Qoorubaxay

mubaarag7Abwaan Mubarak Qoorubaxay Gabaygiisan sadexaad wuxuu ka hadlayaa fariintii uu ka siday inantii Maxamed Douglas ku lahaa iska joog ha soo tahriibine, wuxuuna soo baxay isla maalintii 31-08-2015.  Gabayga waxay ku leedahay ninka aad maagayso ee aad xididka noqon doontaan iska daa, waxay kaloo leedahay meesha nimco ayaa taala oo Afgaab Guuleed baa dhowaan ka yimi isagoo lacag walwaalaya, Amina Hussein iyo Faisa Goh iyagana dukaamo waaweyn baa uga furan, illaahay ha u barakeeyee, ee bal ninyohow hadal aan ku qanco igu dheh. Waxaa gabaygii ku bilowday:

Dhaglasoow dagaalkii fogaa labada daamoode
Dabra weerar culus baa ka jirka doorkan say tahaye
Inantii digniintii ma solin dayradaad tidhiye
Weliba dood kalay kaaga celin digashadaadiiye.
Waxay tidhi qof diir kuugu yaal waa damqanayaaye

 

 

 

Gabaygaan dabbaalaye is idhi gocasho wuu daayey
Daandaansigiisii mar kale dacarta nooleeye,
Nin kastaa dabuubtuu i yidhi looxa lagu duugye
Waa dira diraalayn tixdaad daabac leedahaye
Adigoon dariiqana la marin jabad la soo dayrin
Oon darib wadaag xeedhyihii gelin la daacaamin
Doociisa ruuxaanad hayn kuma danbaabteene
Deelqaafka eray kaaga dhacay daanno kugu reebye
Denbi dhaaf illaahii ku sii daayinka ahaaye

Ninka aad ka soo dayrisee dakharka gaadhsiisey
Ina Cali digaaluu qaboo waa nin diin wacane
Deptford Met baa loo sharaxay doorashada dhoowe
Degaankaaba loo soo wadaa waa Duq loo xulaye,
Anigana duntaa laygu xidhay doonan baan ahaye
Waxa dadabta lay goynayaa maalintaan dego’e
Waxba Seedigaa hayska durin waydin deristeene

Dumaashigay Afgaab waa ogyahay doodu say tahaye
Isagaa doraatuun ka yimi debbeda khayraade
Waa kii diraacdii dhoweyd nooga soo degaye
Daaradaha dhowriyo waa kii daarta iibsadaye
Waa tii damaashaad Cigeoow loo durbaan tumaye,

Diinaar wixii uu sitee lacag dudduucaayey
Dadkuba waxay u qaateen inuu Baan dalooshadaye
Dillaalaaba suuqa ugu jira duhurka maantiiye
Dahabshiil hadduu baayacaa dabaqyadiisiiye,

Faysa goox dukaan bawga furan iibsha dahabkuune
Diyaaradaha Amina Hussein Jeer kamay degine
Duraaxada guryaha lagu goglee daabacii ubax leh
Dubai bay ka soo daabushaa Diricyo Dhiijii (DJ)
Allaylehe dulsaar waa heleen dookhna lagu raacye

Odaygii Ducaalena haduu dooni iibsadaye
Adhigaaba lagu daabulaa wananki daylaaye
Haddii aanay degin maalin dhow daalac buu heliye

Suuriyiinta daadka ahi may dulundulceeyeene
Yurub may dilaameen haddaan dani u hoosayne
Adna waad ka soo duubi layd duuda kuu dhaqane
Dalkeeniyo waxaad keeni layd degelki xoodeede
Dayrada anuun baad malaa igu deyaysaaye
London daan-daanshaha Haddaad adigu dayn wayday
Inaan Dooxa waaheen fadhiyo daayin muu qorine

Waxaan duxi ka raacayn cidnaba haygu duurxuline
Daamii Hargeysaba dadkii dhoof la daba taagye
Anuun baaba nool daydayee daw la wada qaadye
Way wada dareereen hablii dayrta soo kacaye

Doodaadu waar Maxamedoow iima daadegine
Wixii dumar rag kaga quusan jiray haygu dawdabine
Bal waxaan maruun kaa dugsado ama i daaweeya
Oo aan yuhuunteena dilin adigu ii soo dir.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top