Suugaanta

Dhaafyey dabarkii. Gabaygii 8’aad ee silsiladii tahriibka waxa tiriyey Abwaan Farxaan Maxamed

farxaan1Abwaan Farxaan Maxamed ayaa gabay dardartiisii wata ku soo galay oo Abwaan Douglas usoo jeediyey inaanay inantu hadal iyo gabay xumada ku sii kiciya u baahnayne, hiil ay ka sugayso haddii kale uu gabaygiisa ka daysto ileen wuu uga darayaaye.

Dacwad gabay duxdii maansadiyo daribta suugaanta
Waataan dabool adag ku xidhay, taniyo dayrtiiye
Dooday kaltuun dhiibataye, daafta sare gaadhay
Iyadaan u dudin daar nin kale, damacna heeryaynin
Oontana daruuriga u bogay, door ba waxa yaala
Waxa lagu dir soocaa maryaha, dun iyo waa suufe
Iyadaan teeda duuga ah kolaba, dalaw ka laalaynin
Iyadaan dardaar werin siduu, dumar ka qaar yeelo
Waa kii dur baan baass u tumay, doob jeclaa beriye
Waa tay dalxiis qaar ku jiray, dahab hor geeyeene
Waa tay doolar iyo qaar tuseen, duunyo fara wayne
Damiir kay ka mara dhaamiyeen, doqonse maahayne
Markii ay go’aan duubtaye duul mar ku hamootay
Misna ay duruufuhu xidheen, dunidu waa hoose
Dariiqada tahriib-tiyo mar kay, dawga baranaysay
Dur xulkiisi ina qoorubaxay, doonay nolosheeda
Ilaahay ha daayee intuu deris ka waydiiyay
Xogta inanta lama daahinine, deeqsinomo qeexye
Himilada tan dawliil ku galay, ma aha deel qaafe
Docda Maxamed eeg eegayo, bayga degi wayday
Afarataa digtii hore murtida , dayasho waayeel dhe
Mar kalena bal aan dawliskii, daro wadaan tayda
Anigaan tahriibaa dedayn, diifta ka horaysa
Diir kayga weeyee hablaha, dabin u quudhaynin
Dheglas daabaciisi runtana, dacal ka qiimeeyay
Hadal kana mid wada daacadiyo, daawo odhanaaya
Nimanyohow dubaaqayga qoon, dalamal kiniiye
Dul ka joogsi male xaajaduye, dhaaftay dabarkiiye
Darafyadaad ka dhaafdhaafaysaan, doogta la arkaaye
Ama inanta fiise u diroo, duhur ka soo qaada
Ama gabaygu waa uga daree, daaya marintiisa

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top