Suugaanta

Dookhayga. Gabaygii 9’aad ee Silsilada tahriibka waxa tiriyey Jaamac oogle Caana-boodhe

jaamac oogleAbwaan Mohamed Douglas waxaan joogaaa wadankii waxaana fariin iigu soo kaa soo dhiibtey gabadhii aad tahriibta ka celin jirtey waxay leedahay odaygu wuxuu meesha iigu celinayaa hunguri baa iga galay

Deglesoow dabuub gabay adaa deeqsi ku ahaaye
Dariiqiisa adigaa marshiyo dawga ku haboone
Deeleydii aad noo furtiyo inanta doodeedii
Daalacan ayey noqotay iyo daad wuxuu sido e
Dadku waa ka shaykeeynayaan doodii maansada e
Deeqana shalaan soo arkiyo dahab la moodiiye

Waxay tidhi anoo dumara baa lay dukaansadaye
Oo gabayo iga daafad weyn laygu doowdabaye
Dubaa maxada laygala dhiciyo dakharo waaweyne
Duca qabihii inaqoorubaxay ee ila dadalaayey
Dawaafkii xajkuu aaday iyo xaramkii dooraaye
Adigana dacwaan kuugu imi daaw islaamnimo e
Doodeyda qaad oo u geey duqii I maagaayey

Dumar iyo ragii aan aqiin dawga qaayibe e
Dadba waa tahriibaayeyoo lama dacweyneyne
Waxa aniga lay daba galee layga daba qeyshe
Ee weliba doqon laygu yidhi baayga degi weydey
Aniguna waxaan dedayey baan daah ka rogayaaye

Raga damacu waa geli jiriyo dookha caashaquye
Hayeeshee dantaa lagama tago daayin abidkaaye
Ruuxii ku diidana af xumo looma soo diro
Awarkii duqoobee wax badan geela daba joogey
Qaalmaha haduu daba ordiyo qaan durdurinaaya
Dacarsiga wuxuu kala kulmaa daal xanuun badane
Doc inuu u baydhaa ka wacan doobta uu lulo e

Dabro oday ma qaayibo haduu dooxanaha rido e
Dabuubtiii salaam bay ahayd doodii berigiiye
Anoo doob arkaayiyo barbaar daribleh oo fiican
Daan ciroole inaan guursadaa waay dabaalnimo e
Dookhayga kuma iibsan karo duunyo lacageede
Moobeyl in laysoo diriyo diricyo liishoo ah
Duf waxaan I gelineyn anaa diiday oo nacaye

Dadba wiilkii aan kala baxee qalbigu doonaayey
Hadii uu daroogada cunoo daasadaha qaado
Dabadana surwaalada ka rido dan iyo xeeshiiye
Dhoofkana ma deynaayo iyo dawga liibiya e
waxba hay dardaar werin nin yohow diidey taladiiye

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top