Suugaanta

Dummadiina weeyaan. Gabaygii 10’aad ee Silsilada Tahriibka waxa tiriyey Abwaan maxamed xasan dhaglas

dhaglas1Afaraydani waxay ka mid tahay gabayadii silsilada ahaa ee tahriibta waxana ay so baxday 28/9/2015 waa jawaab gole ka fuula oon kaga jawabayo maansadii sagalaad ee uu so tiriyay abwaan Jama Ogleh ee bal ila eega

hadii araran dugoobin iyo gabay dux reebaayo
sidaan ahay daruuraa cirkaa lay diraar yahayey
murtidaan daahay cilmigaan dejee dunida gaadhsiiyay
dhaxuu sidii dooga roob daaqay admiguye
inantaan daluuntiyo tahriib kala dardaar maayay
hadii aniga layguba daniyay damac kaloo hoose
ruxaan dawada siinayaa qaar ka didayaane
nimankii deeqa igu baylahshee donan kari waayay
markaan idhi dalkaaga iska joog layla wada doodye
daaduunka socod ka ah kuwii dahab uguud saaray
ee doolar so xoogso yidhi yaa daf soo yidhiye
dumar nimadi may dhowrin oo waaba dirayaane
si kalaaba lay donayaa dacada ilaah he
duqii ina dhunkaal ee mar hore diiday dhoof kooda
ee yidhi sabeen lama diraa nooga sii digaye
ilahay janada meel dug soon howga dhigo deeqe
dad hortii wax garad kii dhamaa dunidan ooglowe  (waa abwaan jama ogleh)
daan daansiguu qoorubaxay igula doodayay
markii aad dabuubtii salaan daha kaga qaaday
waadigan hablii igu diroo jebisay deerkiiye
hadii dayin yadhi deyrta dhow waba so degiye
damalkii gar adag iyo intaan degalka gadhaayo
jeraan dariiqa iska xidho hay dardaar werine
hadii aan doc kale uga rogtaye deyay afkaartiina
halkii aan aniga igu so dar iyo sharaf ka donaayay
adiga iyo xajigaa dabinkan xidhay dakhilka u galaye
diyo iyo magbaan daba socdaa maanta daba deede
wax kastoo dahabo so gaadha waa laysu doonyoone
magafuu haduu iga diloo doonidu istaagto
dumadiina weeyee hadhow yaan la dacaroonin

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top