Suugaanta

Dalanbaabi. Gabaygii 11’aad ee Silsiladii Tahriibka waxaa tiriyey Abwaan Jaamac Ogleh Caana-boodhe

jaamac oogle
Deglesoow inaad daacad tahay waa daliishadaye
Dhaaxaad dardaaran iyo talo ila dul taagneyde
Dhaaxaad dibsoo igu tidhaan diidey waanada e
Dantaa ii run sheegtoo duruuf baa i daba taale
Duni aakhir seben weeye iyo daar la rogayaaye
Durdurada mar baa lagu jabaa damaca qaarkiiye

Beryahaba dekaan baan ku jirey taniyo dayrtiiye
Dusha adari daaraha adiis
Taniyo daaguurta
Daalaadhacaygaan ku maray dawga liibiya e
Dayacii igaga dhacay tiriboli diiqad igu reebye
Dayuus caraba iyo waxa i helay daalin xoogsadaye
Daba qoodhi aan iga naxayn daar la ii geliye
Sidii aan dameer ahay dushay iga garaaceene
Ceebtaan dedaayiyo waxaanan debed ka sheegeynin
Dibindaabyadaan qariyey baa daacadooow badane

Doontii markii aan koree
Mawjadi duqaysey
Eey daanba daan dhigatay
Daayin tuugsadaye
Dalalbaabigii waxan ku galay laama duusaha e
Talyaaniga daryeel lagama helo doolar lacageede
Cuntadoo dareer loo galiyo daasado la qaato
Dewersiguba ceeb buu ahaa degeladeeniiye
Derejeduna caydh may ahayn
Dhinaca daaloode
Doofaarka kii cuni jiraan derin la jiifaaye
Kala durugsan dookhaan watiyo tanaan dul joogaaye
Dadkii aan wareystaa i hodey waqay duloobaane
Dabin baan lugaha kula jiraa daayin bay maqane
Ka dar oo ka doon baan lahaa doolar baad heliye
Xaajigii i doondooni jirey duuliguu xulaye Mubarak Qoorubaxay””””’
Tilifoo tilifoonkii waa iga dansaday dananka waalaaye
Hadal denecsanaantii la waa doodii xiisaha e
Markii ay duruuf igu dhacdee dayacii ii muuqday
Mar daniyey digtaba inaan jaroo dabin ku ceejaaye
Mar daniyey inaan doox qulqula dalaq idhaahdaaye
Mar daniyey inaan dab isku shido diisal iyo gaase
Mar daniyey inaan daaro dheer dabaq ka boodaaye
Mar daniyey sun deebaaqa laac daalku wuu hadhiye
Hadii aanan diintii alliyo daayin ka cabsoonin
Nafta doox is idhi oo wadnaha daabcad ku aroori
Waxba gabaygu yuu ila durkine waxan ku soo duubay
Daalaadhac baay haysta iyo daahir yaa shamse
Qaxootiga dalkee qaabiloo doolar bixinaaya
Denmark iyo jermeny kee tagaa dawakhay shiikhoowe

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top