Suugaanta

Dardaaran. Gabaygii 12’aad ee Silsilada tahriibka waxa tiriyey Abwaan farxaan Maxamed

farxaan1Odayda Abwaan Xaaji Mubarak Qoorubaxay iyo Abwaan Jama Ogleh iyo Abwaan Mohamed Douglas aad baan idiin salamayaa mar labaad ayaan ku soo celiayya Hal Tix Silsiladii inoo furayd Bag Maxay noqon….hhhhhh

Aduunyada dan waa laysku nacay, daacad iyo khayre
Dad ka waagan nool iyo halkay, daaran tahay maanta
Iyadaan dil kala haysan baa, laysu dudayaaye
Wixii door ahaan jiray kal hore, haatan dacarawye
Halkay maanta dalan doolaysaa, duqu ka sheekayne
Dheglas didibso iyo joog yartuu, daawo kula qaatay
Yartii uu doraad waanada, duuban la hor joogay
Inantu dul iyo hoosba ugu dhigay, debeda xaal keeda
Yartii uu derbiga hooyadaa, daaso kala quustay
Denbi kuma leh aakhiro wixii gaadbay dacas wayne

Yartii uu sida daalimadiisa, ula dardaar maayay
Inantuu tixaha daran dooriga ah, duubka ugu qatay
Inantuu digniintiyo wacdiga, duhur ka siinaayay
Inantuu dabaylaha badiyo, diifta ka hor joogay
Inantuu duleed ka cadawga iyo, duur ka uga yeedhay
Inantuu jidh kiisu u dabcaye, duun ka uga reemay
Denbi kuma leh aakhiro wixii gaadhay cas wayne

Waxaay doon yar soo raacdo, loox is daba jooga
Waxay duulal aanay is fahmayn, deris ahaadaan ba
Dadabtoodi iyo aqal kii dednaa, waw darsanaysaaye
Waxay yaa dib ii soo ceshiyo, duco u ooydaaba
Ma dibjiray miyuu dooxday bahal, jeel malagu dayay
ma la dagay miyuu daaqud helay, dibin ma ruugaysay
Werwer keedu waatuu i degay, laba diraacoode
Waataan lama daahine fariima u diray, daarta liibiya

Warse dareen ki igu kaakacsha, dayrta soo dhacay
Wax duryamaya daad iyo hilaac, daahir igu sii
Dibnuu kuma go’aan jaamac khadar, helay dubaaxdii
Degdeg gabayga uma soo qorine, diirka ka xisaabshay
Daluumaha is qoolqoolayiyo, daab ka ku hagaajay
Inata ila dada ah waw sitaa, hubiyay deel qaaf ka
Dheglas iyo dabuubtiisa culus, dun iyo xeel raacay
Darka oogle iyo qoorubxay, odaya daymooday

Marhadii ilaahbaa daayinee , uu ku nabad doojay
Inanyahay dad kuba eegayay, yurubna daanshootay
Dariiqooyinkaa kuu hadhaan, kuu dul marayaaye
Dusdus baad ku qaabilay wadada, diilintaan dhigo e
Hadii kale dalam baad ku geli, dalawyo shaydaane
Dalalka qaar ban la tegin, deeqna laga waaye
Jarmalkaasi duunyuu ku siin, doolar iyo shaahe
Da’da qar ilaa wa ku nool, doobab gaamuraye
Waa meelaan dalxiis kuu furayn, daawashiyo hees
Gobol dacalki laysuma gudboo, dirad baa sudhan

Ingiriiska duul tegay sulaa, daaradaa wadhan
Dayray la soo taagan yiin, haatan lana daa
Deenmaarik waa meel xunoo, laysu dacaree
Dumarkii ciyaal kii ka furay, diinta loo dhigay

Ana kayga daranyaa dhex taal, degel ka barays
Deeqi hayska joogtee guryaa, derinta loo seexdo
Iga walaanu deeqay ku bixin, wiig yar dabadiiye
Derbi bay rageenu u hoydaan, deyra dhaafyada
Adna kulama doon doonayee, maqal dabuubtayda
Halka ay daruuruhu heleen, dooga yurub laacay
Gootanbeg diyaarado u fuul, waan ku dirayaaye
Iyadu xaajigi kuu doodayay, daafta sare yaale
Hadii kale dibnaha kaa xidhaye, daqaqam aashaada

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top