Suugaanta

Daanno culus. Gabaygii 13’aad ee silsilada tahriibka waxa tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay

qoorubaxay1

Douglasoow midii duni ahayd rag isu dayn waaye
Dabro weerar culus baa ka jira duhurka maantiiye
Daandaansi dala’sigu wataa laysku deyayaaye
Hadba meesha dihiniyo duxdaa laysku dilayaaye
Ninka daacadeedii wadaa lagu dulaalaaye
Danni bay is wada haystaa wehesho deelqaafe
Bal aan sheekadeenii dihnayd diirada u qaato,

Inantii dalkeenii ka timi socodna door mooday
Inantii duruufaha ka jiray debed u soo dhooftay
Inantii daraadeed rag badan daanno kala gaadhay
Inantii dunteeduna wacnayd hadal dabbuubeedka
Inantii sidii dahab arlada loo dewerinaayey
Inantii waxay damacsanayd marisay doodeeda
Inantii waxay diidanayd doonay odhan wayday
Inantii La daydayey markay dooxa Herrer dhaaftay
Inantii Darfuur iyo Khartuum duhurka soo jiidhay
Inantii dabaylaha sidood saxarihii duubtay
Inantii Xujaajtii ducada ugu dedaalaysay
Inantii dadkuba siday dihdeen dhaxan ka deyraayey
Inantii dillaaliyo mallaal laga dabaalaayey
Inantii Magafe oo la dilay farax damaashaaday
Inantii dubaaxday lahayd gelina doorsoomin
Inantii sidaan daalba helin Liibiya u dooshay
Inantii mar qudha doonidii Rooma dacal keentay
Inantaan marnaba diif arkine daayinkeen bixiyey

Markay Yurub daf soo tidhi haddaan cidina daacuuman
Haddii faraha laga daayeyoon cidi da’a waydiinin
Oo la yidhi halkaad damacsanayd adigu soo dooro
Iyadoo duunyadii loo hayiyo tigidh diyaareed-ba
Dalmareenki loo diray hadduu damac ku xoogaystay
Oo inuu la dadab galo isagu kaartada u daadshay
Telefoonki baa laga dansaday dawba ma ahayne
In dawaafka xaajiga ku maqan dakharo loo geysto
Oo daanno culus oonu qabin la isku daymeeyo
Waa hadal dibnaa laga yidhoon hoos u daadigine
Waa dabuub nin kale leeyahoo xeeladow degaye.

Niman baan haween tii u dagan daynin abidkoode
Dagaw-dagawda Niman bawla taga maalintaw daran
Niman baa danaystoon marnaba duuga faaqidine
Niman baa dukaamada dafira deyn ku sii qora ‘e

Gabaygaa dhowaan soo dirteen way damqinayaaye
Damiirka iyo jiidhkiina way ila dubaaxsheene
Inantii dabciga quruxsanayd waa la dagayaaye
Mobile-kan u dirayoo yartii boganay doodiiye
Welibana dugaagiyo qaboow wawga sii digaye
Marka ay libdhadu daalacdaan dooniyoo tegiye
Talyaaniga mar dhow baan ka degi Saacad dabadeede

Farxaankani dhowaan buu darkaba deedankii yimiye
Oogloow docdaa aad jirta ugu yar door roone
Isagaa degsiimada baxshaa doorkan lay yidhiye
In Farance-ka loo soo dirood tahay damiinkeeda
Oo uu sharciga dawliga looyarku u doodo
Iyo inuu duqii ina Dhaglaas maro dariiqeeda
Labadaa midaad damacsantiin idinku soo doorta
Haddii kale anaaba u dalbiye daasta hadalkiina.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top