Wararka

Khilaafka Musharxiinta Madaxtooyada ee Xisbiga UCID

ucidbutton_01Hargeysa(saraarnews) Sida ay sheegayaan wararka laga helay ilo lagu kalsoon yahay, waxa la sheegayaa in habeen kulan fool ka fool ahi  ku dhex maray gurigiisa guddoomiyaha UCID,Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharixiinta Madaxtooyada Xisbiga UCID, Mudane Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo isku dhinac ah oo iyagu guddoomiyaha gurigiisa ku booqday.

Musharxiinta xisbiga oo tuhunsan in gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu heshiis la galay garabkii is bahaysiga musharixiinta KULMIYE iyo Axmed Ismaciil Samatar si ay Xisbiga Musharxiintiisa u noqdaan.

Haddaba waxa la sheegayaa in musharixiintu guddoomiyaha hor dhigeen 3 qodob inuu kala doorto.
1- Inuu Warbaahinta u yeedho oo cadeeyo in Musharixiinta rasmiga ah ee UCID yihiin labadooda oo aanu jirin shir danbe Gollaha dhexe ee UCID ka yeelanaya.
2- In warqad caddayna uu u saxeexo oo ay ku qoran tahay inay musharixiinta xisbiga yihiin
3-  Iyo inay dacwad guddoomiyaha ka dhan ah aroortaba u gudbinayaan Maxkamada sare.

Waxa la sheegay guddoomiyaha xisbiga UCID inuu dhibsaday kana xanaaqay siiqada iyo qaabka hadalka ay ugu dhigeen oo ugu muuqanayey mid qarjajax iyo jujuub ah oo aanay la soconin anshax dublamaasiyadeed.

Haddaba arintaas ayaa keentay inuu ku yidhaaho guddoomiyuhu, “Ordoo waxaad doontaan sameeya oo taga meesha aad isku halaynta ka haysataan.”

Arintaasina ayaa la sheegayaa inay tahay sababta dhalisay inay Musharaxiinta madaxtooyadu Maxkamada u gudbiyaan qoraalka dacwada oo guddoomiyaha ka dhan ah.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top