Wararka

Wadamada ay u dhasheen dadka ku geeriyooday Qaraxii Faransiiska ee la aqoonsaday.

Paris(saraarnews) Dadka  aan u dhalanin wadanka faransiiska ee waxyeeladu ka soo gaadhay ama ku geeriyooday  weeararkii Jimcihii ka dhacay faransiiska ee ilaa haatan la aqoonsaday, ayaa wadamadoodu kala yihiin sidan:

 ALGERIA: Labo  Aljeeriyaan ah gabadh 40 jira iyo nin 29 jira  way ku dhinteen, sida ay ku soo waramayso wakaalada wararka ee APS news oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed.

MOROCCO: Hal qof oo Marooko u dhashay oo dhimasho iyo mid dhaawac ah, sida ay sheegayso safaaradooda Faransiiska ku taali.

TUNISIA: Labo gabdhood oo walaalo ah una dhashay wadanka Tuniisiya oo ku noolaa gobolka Creusot oo Paris u yimi si ay ula dabaaldegaan dhalashada saaxiibadood ayaa lagu dilay, sida ay sheegtay wasaarada Arimaha debeda ee Tuuniisiya.

BELGIUM: Sadex qof oo u dhashay wadanka Biljim oo labo ka mid ahi haystaan dhalashada faransiiska ayaa lagu dilay sida ay sheegayso, wasaaradooda Arimaha debedu.

BRITAIN: Mid u dhashay Ingiriiska ayaa lagu dilay sida uu sheegayo xafiiskooda Arimaha debedu.

CHILE: Nin iyo naag u dhashay wadanka Jili ayaa ka mida dadka dhintay.

  PORTUGAL: Labo ruux, 63 jir  iyo 35 jir u dhashay wadanka boortaqiiska oo ayaa ka mida dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday magaalada Paris.

 ROMANIA: Labo ruux  poo u dhashay wadanka Roomaaniya sida ay sheegayaan wasaarada Arimaha debedu ee wadankaasi.

SPAIN: 29 jir,  Alberto Gonzalez Garrido  oo u dhashay Spain ayaa lagu dilay sida ay sheegayaan masuuliyiinta dalkiisu.

SWEDEN:  Warar aan kala cadayn ayaa sheegay in labo qof oo Sweden u dhashay mid dhintay midna dhaawacmay, warkaas oo xaqiijintiisa aan ilaa imika la cadaynin ee lagu maqan yahay.

UNITED STATES:  Arday  gabadh Maraykana oo ka yimi California ayaa lagu dilay weerarkaas , sida Jaamacadeedu sheegtay.

Muwaadiniin kale oo u dhashay Maraykanka , haweenay Swizerland  u dhalatay, Labo Baraasiil u dhashay ayaa iyaguna la  sheegayaa inay dhaawcyada ka mid yihiin.

Foreign victims of Paris bloodbath include several Arabs | International 
| News | Qatar Day

Sawirka sare ee muujinayaa qaar ka mida dadkii ku  dhintay weerarkii Magaalada paris, (clockwise): Amine Ibnolmobarak, Nick Alexander, Lola Salines, Nohemi Gonzalez, Guillaume B. Decherf, Valentin Ribet, Juan Alberto González Garrido, Thomas Ayed and Elodie Breuil.

 

 

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top