Articles

Waa geesigii aan godob lahayn. Qallinkii Muna Casayr

geesigii
Waxaanu ka baxnay caasimada Somaliland ee Hargeysa abaaro 9:00 subaxnimo degmada lagu socday waxay jirtaa qiyaastii 3 ilaa 4 saac, waxanu sii marnay supermarket ka si aanu uga sii qaadano cabitaan iyo macmacaan aanu jidka ku marno oo aanu ku sheekayno, waxanu saaranahay gaadhiga 3aad labada naga horeeyana Madaxdii na hogaaminaysay, dariiqu sidaad ogtihiin ba waa raf laakiin ma dareemayno oo waxa noo baxaya qaboojiye dhinacna sheeko iyo heeso jacayl ah baa la isku qasayaa, hadii laga tagi waayo waxa mar mar na soo garaacaya gudoomiyihii degmada lagu socdo oo leh saaka salaadii hore ayaan diyaariyey dadkiiye soo dheereeya, gudoomiyuhu wuxu dareewalka gaadhiga 3aad u soo garaacayaa wuxu ka xishoonayaa masuuliyiinta oo sidaa darteed ayuu qolada shaqaalaha ah garaacida ugu soo badinayaa.

Waxaanu soo socono ba waanu soo gaadhnay degmadii waxa meel halka dadku joogan u dhow naga soo raacay fardo soo dhawayn ah,gaadhigii ayaanu ka degnay waxanu sidanaa waraaqo Masuuliyiintu noo dhiibtay si aanu cabashada dadka ugu xarxariiqno hadhow na aanu isaga qubno marka saxaafadu nagu sawirto,dhulkaanu cabaar taagnayn waayo siigadii gawaadhida ayaa dadkii meesha joogay qarisay oo caadi uma muuqdaan markii siigadii naga degtay waxa ii muuqday koox haweena oo dharkooda ay siigadu kharibtay, waxaa dhagahayga ku soo dhacay dhawaaq balse waan sixi waayey waan u soo dhawaaday si aan u maqlo dhawaaqaas,wuxu ahaa (WAA GEESIGII AAN GODOB LAHAYN) waxan garawsaday codkaasi inuu yahay cod ka soo baxaya HAWEEN haraad iyo gaajo daciifisay codkooda oo labadii xabo ee laxoox ahaa ee saaka cunto ugu danbaysay iyo bigayskii yaraa oo qoraxdu maanta ba madaxa kaga dhacaysay siigana loogu sii daray waliba ! Hooyooyinkaasi miyey gayaan in 12saac ay cadceed u taagnaadan nin gaadhi qaboojiye ku xidhanyey saaran oo saaka beer ku soo quraacday hadana biyo iyo sharaab ba gaadhiga uga buuxan oo waliba isugu iyaga dan ka leh taas oo ah cod inay siiyaan??? aniga xaxay ila tahay waxay mudanyihiin in guryahooda loogu tago macnihii xaafadahooda xili galin danbe ah waliba oo aan cadceed, laakiin jirin xaq maaha xaqa maaha sidani waana dulmi.

waa dhaqan ay caadaysteen dhamaan siyaasiyiinta dhulka somalidu dagto somaliland ha ugu daraatee dadkan adhi maaha la sii diyaarinayaa qorshahaas waa tacadi ha la badalo.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top