Articles

Gabayaagii sharafta badnaa ee Dhufayl ee hogaamiyaha u ahaa reer Daws. Qallinkii Axmed Khaliif Maxamed

Maqaal.JPGDhufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa qabiilka uu ka dhashay ee Daws, wuxuuna ahaa nin carabta dhexdeeda ka leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu ahaa deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku quudin jiray masaakiinta aan waxna haysan, sidoo kale wuxuu magangelin jiray dadkii kuwii weydiista magangelyo.

Dhufayl wuxuu ahaa gabyaa dareen sare leh, isla markaasna aad u yaqaana Suugaanta iyo Maansada Carabiga. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhufayl wuxuu ka carraabay magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ee Tihaama, isagoo u sii jeeda magaalada Makka, markaas iyada ahna waxaa magaallada Makka socday loolan dagaal oo dhexmarayay Nebiga (scw) iyo gaallada Qureysh.

Qureysh waxay isku deyday sidii ay ku kasban lahayd Dhufayl. Bal aan Dhufayl u deyno sheekada si uu noogu sii wado sheekada, bal saan u ogaanno wixii uu kala kulmay Madaxdii Qureysh, Dhufayl wuxuu yiri “Waxaan soo galay magaallada Makka, wax yar kaddib maba aan joogin ilaa ay ii yimaadeen madaxdii Qureysh iyagoo doonaya in ay ila kulmaan, si aad u wanaagsan ayay ii soo dhoweeyeen, iyagoo i dejiyay guriga guryaha ugu qiimaha badan. Intaa kaddib waxay igu yiraahdeen Dhufayloow waxaad timi magaalladeenna, waxaa jira nin sheeganaya inuu yahay Nebi, ninkaasi wuxuu fasahaadiyay ama kharribay umuurteena, wuxuu kala daadshay midnimadeena, wuxuu burburiyay midowgeenii, sidaa darteed waxaan ka cabsanaynaa in ay kugu dhacdo adiga iyo tolka aad madaxda u tahay Musiibada nagu dhacday annaga sidaa darteed waxaan kugula talin lahayn in aadan ruuxaa la hadlin oo aadan waxba ka dhageysanin, waayoo ninkaa waxa uu akhrinayaa hadal sixir oo kale ah.

Dhufayl waxa uu yiri “Wallaahi baan ku dhaartaye odayadaasi igama aysan tagin ilaa ay iiga sheekeeyaan Nebiga (scw) wararkiisa kuwa ugu yaabka badan iyagoo igu beeraya cabsi aad u daran, sidaa darteed waxaan go’aansaday in aanan u dhowaan oo aan agtiisa marin meeluu joogo Nebiga, in aanan la hadlin ama aanan waxba ka dhageysan. Maalintii kale markii la gaaray ayaa waxaan aaday Kacbada si aan u soo dhawaafo, isla markaasna aan u barakeysto asanaamta halkaas tiil anigoo labadeyda dhagood soo gashaday suuf si aanan u maqlin hadalka Nebi Muxammad (scw).

Hase ahaatee markaan galay markaan soo galay kacbada waxaan kula kulmay Nebi Muxammad (scw) oo tukanaya, Salaad ka duwan salaadihii aan tukan jirnay, aad ayay ii farax gelisay muuqaalka, waxaana i gilgishay qaabkii uu u cibaadeysanayay, waxaan is arkay naftaydii oo u sii dhowaaneysa xagga Nebiga (scw) ilaa aan noqdo ruux aad ugu dhow, Ilaahna wuxuu ii sahlay inaan maqlo wax ka mid ah wixii uu akhrinayay, wuxuuna ahaa hadal wanaagsan, ileen waa qur’aanka’e.

Wax yar ka dib waxaan is iri waxaad tahay gebyaa caqli badan, waad kala garanaysaa hadalka kiisa wanaagsan iyo kiisa xun, maxaa kuu diidaya inaad maqasho waxa uu akhrinayo Nebi Muxammad (scw), haddii uu wanaagsan yahay waxa uu akhrinayo waan qaadan, hadduu xun yahayna waan ka tagi. Dhufayl wuxuu yiri “waan iska joogay ilaa uu Nebiga (scw) iska baxay, anna waan ka daba tegay anigoo kula kulmay gurigiisa. Waxaan u sheegay in la ii sheeko xumeeyay oo la igu kaa yiri sidaa iyo sidaa ilaa aan go’aan ku gaaray inaan labadeyda dhegood suuf ka soo buuxiyo si aanan u maqlin halalkaaga, balse Alle ayaa taa diiday ilaa uu dhagahayga uu soo gaarsiiyo hadaladaada wuuna wanaagsanaa. Haddaba waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo bandhigto sharaxaad ku saabsan Diinta Islaamka. Markaasna Nebiga (scw) wuxuu ii sharxay diinta Islaamka, isagoo ii akhriyay Suuradda Al-ikhlaas iyo suuradda Al-falaq, Wallaahi ma maqlin hadal ka wanaagsan hadalkaa, mana aanan arkin caddaalad ka fiican tan uu Islaamka dadka ugu yeerayo, intaa ka dib waxaan Nebiga (scw) u fidiyay gacantayda, anoo qiray shahaadad sidaa ayaan ku Islaamay.

ka dib Dhufayl wuxuu negaa oo uu joogay Magaalada Makka, halkaasoo uu ku baranayay Diinta Islaamka, kuna xifdinayay qaar ka mid ah Suuradaha qur’aanka. Markii uu Dhufayl go’aansaday inuu u laabto magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ayaa waxa uu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri ” Rasuulkii Ilaahayow waxaan ahay nin ay tolkiisa maqlaan, sidaa darteed waxaan jeclahay inaan iyaga u laabto si aan ugu yeero Diinta Islaamka, waxaana Ilaah iiga baridaa inuu ii yeelo calaamad iigu kaalmeysa Dacwada Islaamka. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay dalabkiisii, wuuna u duceeyay. Dhufayl wuxuu u safray magaalladii ay tolkiisa deganaayeen, markuu marayo meel sare oo buur ah oo u dhow magaalladii ay deganaayeen tolkiisa, ayaa waxaa labadiisa indhood dhexdooda fuulay Iftiin aad mooddo faynuus.

Dhufayl wuxuu Ilaah ka baryay inuu iftiinkanka yeello meel aan ahayn wejiga, waayo wuxuu ka cabsaday in ay u maleeyaan tolkiisa ciqaab lagu ciqaabayo ka dib markii uu ka tagay Diintii uu haystay markii hore. Iftiinkii wuxuu u wareegay karbaash (jeedal) uu watay madaxiisa. Dhufayl markii uu yimi magaalladii, ruuxii ugu horeeyay ee uu la kulmay wuxuu ahaa aabihiis, wuxuuna ahaa odey waayeel ah. Dhufayl wuxuu ku yiri aabihiis “Isma sheeganno, waayoo waxaan ahay Muslim”. Markaa aabihii ayaa ku yiri wiilkiisa Dhufayl “Wiilkaygayow anniga iyo adigu isku diin baynu nahay, halkaana ayuu aabihii ku soo Islaamay. Dhufayl haddana wuxuu dacwada u bandhigay xaaskiisa iyo qabiilkii uu ka dhashay ee reer Daws. Xaaskiisa iyadoo aan hakad gelin ayey qaadatay Islaamka, inkastoo reerkiisu ay ku madax adeegeen marka laga reebo Abuu Hureyra (rc) oo isagu qaatay islaamka. Dhufayl wax yar kaddib, wuxuu ku soo laabtay Rasuulka (scw), isagoo sharaxaad iyo warbixinno uga bixiyay wixii uu kula kulmay tolkiisa. Dhufayl wuxuu yiri “Waxaan imi magaallada Makka isagoo uu ila socdo Abuu-Hureyra (rc).

Rasuulka (scw) ayaa wuxuu i weydiiyay wixii aan kala kulmay tolkayga, waxaana ugu jawaabay ” Quluub ad-adag iyo gaalnimo daran, waayo reer Daws waxaa ka xoog batay faasiqinimo iyo Alle ku caasin”. Intaa ka dib Rasuulka (scw) wuu is taagay isagoo weysastay haddana wuu tukaday, dabadeedna wuxuu kor u taagay labadiisa gacmood isagoo Ilaah baryaya. Dhufayl wuxuu yiri markaan arkay wixii uu Rasuulka (scw) sameeyay ayaa waxaan u qaatay inuu Rasuulku (scw) habaari doono tolkayga oo markaas la halaagayo. Hase yeeshee Rasuulku (scw) wuxuu guda galay inuu u duceynayo reer Daws oo uu leeyahay “Ilaahoow hanuuni reer Daws”, saddex jeer ayuu ku celceliyay. Intaa kaa dib Rasuulku (scw) wuxuu deymooday Dhufayl, wuxuuna ku yiri “Waxaad u laabataa tolkaaga, una dhimri oo si fudud ugu sheeg diinta Islaamka”.

Wixii intaa ka danbeeyay Dhufayl wuxuu joogay dhulkii Daws, halkaa oo uu ka gudanayay Dacwadii Islaamka ilaa laga soo gaaro wakhtigii uu Rasuulku (scw) u hijrooday Maddiina, ay dhaceyna dagaladii waaweynaa ee Badar, Uxud, Khandaq. Waxaan u soo galay Rasuulka (scw), waxaana ila socotay siddeetan qoys oo reer Daws oo islaamay, weliba islaamkoona wanaagsanaaday. Rasuulku (scw) aad ayuu ugu farxay arrinkaas.

Markii uu Nebiga (scw) geeriyooday ka dib ee khaliifnimadii loo doortay Abuubakar As-sadiiq waxa aan noqday mid adeeco oo naftiisa iyo seeftiisa u dhiibay Abuubakar As-sadiiq, ka dibna waxaa dhacay dagaalkii riddooyinka (dadkii diinta ka noqday), waxaana aan ahaa dadkii ugu horeeyay ee la dagaalama Museylamatul-kadaab, balse marka uu marayo meel u dhow meesha lagu magacaabo Yamaama, ayaa waxa uu arkay riyo, dabadeedna wuxuu asxaabtii uu la socday ku yiri: “waan riyooday, waxaana doonayaa inaad ii fasirtaan riyadaas?!”. Waxay ku yiraahdeen maxaad aragtay?. Dhufayl, ayaa wuxuu yiri: “waa tan koowaade waxaan ku riyooday annigoo madaxa la iga xiiray. Tan labaadna waxaa afkayga ka soo baxay shimbir, tan saddexaadna waxaan arkay haweeneey caloosheeda i gashatay!.

Ugu danbeyntiinna waxaan arkay wiilkayga Camar oo doonaya inuu igu soo ordo oo uu ii yimaado, hase ahaatee ay dad na kala dhex galeen”. Dadkii waxay yiraahdeen oo keliya: “waa kheyr”. Hase ahaatee, Dhufayl ayaa isku dayey inuu fasiro riyadii. Wuxuu yiri, horta madaxa la iga xiiri doono waa iyadoo madaxa la ii dheereyn doono oo la iga jarayo (dagaalka ku shahiidayo), shimbirka ka soo baxay afkaygana waa annigoo shahiidi doona, haweentii caloosha i gashatayna waa dhulka la igu aasi doonno, SIDAA DARTEED WAXAAN RAJEYNAYAA IN AAN DAGAALKA KU SHAHIIDO, wiilkayga Camar ee xaggeyga soo aadeyna waa isagoo doonaya SHAHAADO (inuu dagaalka ku dhinto), taasoo aan annigu u nasiib yeelan doono marka hore haddii Alle idmo, laakiin Camar isagu gadaal danbe ayuu shahaadada ka haleeli doonaa.

Haddaba, markay dhacday dirirtii Yamaama, wuxuu Dhufeyl goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro lagu dayan karo, jeer uu ILAAH ka waafajiyo wixii uu doonayay oo ahayd inuu jidka Alle ku dhinto. Hase yeeshee wiilkiisa Camar, isaga kama noogin kii sii wada dagaalka, ilaa uu ka dhaawacmo, gacantiisa midigna ka go’do. Intaa ka dib, Camar wuxuu ku soo laabtay magaaladii Madiina, halka uu aabihiis Dhufeyl ku dhintay (shahiiday) dagaalkaas.

Xilligii khilaafada Cumar Binu Khadaab (rc) ayaa waxaa maalin Cumar u soo galay Camar Binu Dhufayl, wax yar ka dibna waxaa fadhigii Cumar la keenay cunto. Cumar wuxuu dadkii ugu yeeray inay wax kala cunaan cuntadii, hase ahaatee waxaan aadin xeeradii cuntada Camar oo isagu meel cidla ah iska fariistay. Cumar ayaa weydiiyay inay ugu xishoonayo iyadoo ay ugu wacan tahay gacanta uu la’yahay awgeed iyo in kale?. Camar ayaa ugu jawaabay haa oo waa runtaa amiirkii mu’miniintoow. Cumar Binu Khadaab ayaa ku dhaartay inuu ka qayb qaato cunidda cuntada la keenay, isagoo yiri: “wallaahi nalama fadhiyo ruux qaar ka mid ah jidhkiisu ay jiraan Jannada aan ka ahayn adiga”, wuxuu ka waday gacanta Camar Binu Dhufayl ee dagaalka uga go’day.

Haddaba, ugu danbeyntii Camar isna waxaa u danbeysay inuu helo wixii uu ku yididdiilan jiray in muddo ah, taasoo ahayd inuu ku dhinto jihaadka asagoo difaacaya jidka iyo diinta Alle (sw), wuxuu ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk ee dhacday sannadkii 15-aad ee hijriyada. Ilaah ha u naxariisto Camar, waayo isna shahiid ayuu ahaa, aabihiisna shahiid ayuu ahaa.!!

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top