Suugaanta

Gabayaagii Cabdi Iidaan Faarax (AHUN) iyo gabaygiisii Kiilka Meertada.

Hargeysa (saraarnews) Gabaygan waxaa tiriyey Alle ha u naxariistee  abwaankii waynaa ee Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh), hilaadii sanadku kolkii uu ku beegnaa 1966-kii. Xilligaas oo uu badhasaab ka ahaa magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur).

cabdi iidaan

Waqtigaas Gabayga abwaanku tiriyey oo ku beegneyd waagii la bixiyey hadhuudhkii karmiiciga la’ odhan jirey oo tallada wadankii Soomaaliya uu haystay Aadan Cabdulle Cismaan (cadde).

Gabaygan  wuxuu kaga cabanayaa eex iyo musuqmaasuq, waxaanu soo qaadayaa madaxweynihii mareykanka ee la odhan jirey John F Kennedy ee la dilay, isagoo sababta loo dilay ku tilmaamay in la kaarahay. Gabaygana ujeedadiisu waxay daaraneyd tusaalayn isagoo uga digaayay madaxweyne Aden Cadde iyo madaxdii la midka ahayd in aaney sidaasoo kale ku dhicin.

Waloow uu ka badbaaday madaxweyne Adan Cadde. Waxa sidii  John F Kennedy oo kale loo dilay madaxweynihii ku xigay ee Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Had iyo jeerna humaagyadda suugaanta waxay hal-abuuraddu ku sheeggaana waa la arkaa inta baddan, kol kolla kii loo jeeday mid aan ahayn ayay ka dul dayaantaa sida dhacdadan oo kale, waanna kan gabeygiiye akhristayaal ila miliilica malkadda uu macnihiisu ku biyo shubanaayo, Wuxuu yidhi:

Waayaddanba Kaysoow ma tirin kaafki maansada’e,
Kelyo nimaan lahayniyo dhufaan korana mooyaane,
Waakaa Kilaasoow nin raggi kiiska looshadaye,
Kaftanka iyo runtaba loogu sheeg, oo la kari waaye,
Intaasay kamaandeynayeen, kooxdan leegaduye,
Wallee ama illaahbaw kadaye xabsiga, baqe karuurnaatay,
Wallee ama sidii karinle awr, keenadda u qaadney,
Wallee ama kubaddi waa cishee, koone kaga laadney,
Wallee ama raggaan kaydsaddiyo, Koongo kuma dhaato,
Kambalkiinna daad soo marey, ood kawna uga joogto,
Wax ka kari haddii lagu yidhaa, kurus la geedeeyey,
Keennoo haddana hayla cunin, aniga wey koowe,
Kashkaa laga coloobiyo hiyigga, kali ahaanneedde,
Kor waayeelna waa wada indhiyo, kaashif wada noolle,
Nin waliba qumbulad aan kadibin, keebka soo qabaye,
Wuxuu Kenedi baasku ugu dhacay, waa la kaarahaye,
Kaayaha nin lihi wuu ogyahay, kiilka meertada’e,
Kumaa tahay ninkaan sheegayoow, kaasi waa adiye.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top