Suugaanta

Fanaan u hiilin waayey Gabadh dartii loo furay oo uu baradeedii biiyey.

nimcaanBorama(saraarnews)Gabadh hees metelaad ah la sameeysay fanaanka Nimcaan Hilaac, ayaa markeey ka soo laabatay fasaxeedii Borama ninkii qabay sadaqdii dalqadood dusha kaga tuuray, arintaas oo ku noqotay uurkutaalo ay qarsan weyday.
Gabadha heesta la jishay Nimcaan Hilaac, oo mudo ka dib markii gurigeedii burburay  la sheegay iney Nimcaan Hilaac la xidhiidhay oo ka codsatay inuu isagu guursado maadama darteed loo furay. Hase yeeshee wuxuu abaalgud uga dhigay inuu telefoonkii ka xirtay sidoo kalena iska saaray Block Facebook.

Gabadha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa murugo ka qaaday kelinimadda ay ehelka u noqotay waxeeyna soo duubtay muuqaal ay bulshadda uga codsaneyso ineysan daawan heestaas burburisay noloshii qoyskeeda.
Heesta Gabadha loo furay ee Nimcaan Hilaac qaado waxaa qaadi jiray Fanaanka Axmed Daljir hase yeeshee waxaa xaday   Abwaan kale kaas oo siiyay Nimcaan Hilaac oo aan waxba ka ogeyn sida la sheegay.
Si kastaba ha ahaatee,waxeey gabadhaan Soomaaliyeed ku sheegtay muuqaalkeeda iney is celin weyday oo go-aansatay iney bulshadda la wadaagto dhibaatadda ka soo gaadhay heestaas.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top