Suugaanta

Wadar u eedow (gabay) waxa tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay

Qoorubaxay.Sweden(saraarnews) Tixdan gabayga  ee la yidhaaho wadar u eedow, waxay soo baxday 16.08.2015, waxana tiriyey Abwaan Mubarak qoorubaxay. waxayna ku bilaabatay sidan.

Wiyil caratay wayraxa dhul baa laga wareegaaye
Waxbuu adhax wareemaa libaax wiig qadoodiyaye
Ninka ii waraabaynayaa igama waynayne
Nin wilaayadeedii sitoo waafiyaan ahaye

Sida waqalka roob wagagac yidhi waaga berigiisa
Haddaan soo wadaco gabayga waa lay widh-widhiyaaye
Tixda oo wafo ah baan gollaa wacan ku sooryayne
Anigaan waldaysta ula bixin waaxna kala goynin
Weedh qudha ninaan kaga adkay Way ka odhan maayo.

Wuudaa dugaagiyo tukaha selelka waaqleeyey
Shimbiraha wishiiriyey huryada weren weryoonaysa
Xidigaa wareegiyo waqtigu malaha waanwaane

Warkii nebi yacquub maalintay wadartu eedoowday
Waxyigii riyada Yuusuf bay waadax u ahayde
Nimankii wadeecaynayee dilay walaalkoodu
Ee wahanka ceelka ugu riday inaanu sii waarin
Iyagaba hinaasaha waday dhagar ku waabeene
Waaxidkeen ma odhan xaajadii wahabku saaraaye

Ruuxii wajaqay baa caqliga laga warjeefaaye
Waaniyo waxyiga eebbe iyo diin ma waafaqo’e

Xaqa laga wahsaday iyo runtaa laga wayiigaayo
Wallaha tuuggu maray aakhiraa la isku waydiine,

Wacdi baan lahaa dunidan waa layska wadayaaye
Waajibkiyo xajkii baan lahaa wayne kugu beegye
Wacaasheed u sheeg baan lahaa wiishka soo maqane
Waree baan lahaa sheekaday kula wadaagaane

Warac iyo nin geesiyi mar buu talada waayaaye
Wiirsiga tolkii Faaraxii Qarad la waydaarshay
Wisiisiga wax badan buu Salaan waa wareey yidhiye
Allaylehe wax badan buu lahaa waranka dhiigeeye
Isagaba widaay iyo xigaal wiiqyey boqontiiye.

Aniguna wadaad niman u filay dabar wanaagiiye
Isagoo walhanayoo qurbaha wadhi ka soo raacday
Wabiinkaad ogayd ee arlada kabaha waydaarshey
Wiiluu hantiyay baa la yidhi xilo wanjaafkiiye

Aduun baa wiglada boodayoon haysan wehelkeede
Waxaraha nin kale leeyahaad wagar ku raacaysid
Kuumay waraabsheen kuwaad weeye leedahaye,

Wasiirada intay waalifeen qaranki waydeeyey
Waa taad wakiilka u ahayd waylo jaliyaaye
Waa taad u weerayd sidaad waalidkii tahaye

Wadaanyahay biyaha waad qubtaa wadhaqa jiilaale
Walwaal kulama tegi karo adoon wayso celinayne

Anuun baa wayiigaye xumaa laygu kaa wadhaye
Anigoo wan kuu qalay haddaad dacar walaaqayso
Adigoo widaaygaya hadaad noqotay waabeeyo
Sida weedhka oo kale haddaad igu wareegayso

Wax dhaaxay daray heddi wadaa gob isku waabeene
Walanqada habeen loo xishiyo waaxda gudub taali
Wax la yidhi waleecaadku waa weyda kuu qalane
Adigiyo ninkii weris ba waa wabax taraarteene.

Walahood ku raran sheekaday sii wadhfinayaane
Wanjalaada beenta ah hadaan lagala waantoobin
Wuxuush bay noqdeen duulashaad weheshanaysaane
Weesaaqyo qaar baa sitiyo wegerki naagaaye
Walcankoodu gubay wuxuba waa weledu shaydaane.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top