Suugaanta

Dad is baray : (gabay) waxa tiriyey Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas

dhaglas1London(saraarnews)Tixdan gabayga ee halku dhigeedu yahay La is baray waxaa tiriyey abwaan Maxamed xasan  Dhaglis , tixdan gabayga oo uu kula hadlayo sida Dalkii loo halgamay iniba meel isaga sheegatay gaar ahaan Dekedii berbera ee dadka ka dhaxaysay,waxana gabaygu ku bilaabmaya;

Beryahaba aanoo run uga baqay gabay bilowgiisa
Oo idhi bulshada qoon ku taal boogta ha u sheegin
Ayaa hibada lama baajiyee wax i bilaabeene
Balantaan naftayda u galaan haatan baal maraye
Adigaa hurdadi iga ba’shoo soo baraarugaye
Ninka beydhka kula garanayaa loo buseelaye
Mubarak-gii i baaq-baaqayow gabayga ii soo bog.

Barbaruu ahaa uumiyuu belo horteediiye
Nin kastaaba waa baani jiray beri samaadkiiye
La is baray markii meel banaan laysu soo baxaye
Bad iyo webigu waa kala biyiyo baawar iyo xooge
Bakeylaa ma cuno aar haduu baahi weyn qabo’ e
Uma bu’o waxaan biid I gelin bararakh shaydaane

Berberadaa la kala sheegtay baa yaab ka soo baxaye
Binoba kuma lahayn wiilashaa maanta beegsadaye
Benderigii dhulkaa joogi jiray beelba ma aqoone
Tukahaa bunaaxyaynayeen baqasho duulaynin
Haadi beri ku noolaan jirtuu baaqsado raraye
Batalaale ey boqol kunaa boobay xoolihiye
Bisadaha-kan yuuskooda badan baada lagu siiyo
Kuwii cadayga biic geen jiraa looga soo baxaye

Burco budhiyo tooraydi hore badownimow dheere
Rag gadh wada bilaash la’ah tidcoo uurar wada buuran
Bancowl iyo arooriba ragaan beeg u garanaynin
Baytulaahi nimankii u tegay biirka shubistiisa
Oon ceeb ka baqanaynin bay boqor ku sheegaane
Bari iyo galbeed baa tihiin goorti lagu beeray
Dhalintii wax baran layd dan bay uga baqooleene
Caruurtaa badaa jiidhayse biimada u yaacday
Nin bukay dhulkaa uga tageen beena-waas dhabah.

Hargeysadan la baaweynayaa noogu sii ba’ane
Oramiyo jidhiidh lagu badsado beratan weeyaane
Si wanaagsan inay ugu badhxeen waa buruuf dhabahe
Baali xoofto aan meel fog jirin bootado reer xamarta
Weys kuba barteen sheeko ay baayac geliyaane
Belleday qabyaaladi dishoo ba’ayba weeyaane

Boorame rag baa baray cilmiga ay ku badiyeene
Burcay haybsataa tuuladii wada banaanayde
Hadaan nacas la soo bufiyiyo wabar ka beenaynin
Bulshada wowgu wacanyiin hadeer baalihii kale eh

Barbariiqad taladii gashaan lagu badhaadhayne
Buuhoodle waakaa ka hadhay budul hayaankiiye
Baxsay Ina Khaliif goorti uu geliyey buuq weyne
Borfoseerka baaqsaday cidluu bowda ka hayaaye
Hadba reero kale daba baqool baadi-socodkiiye
Baroorteedi nimankii maqlow waa is bi’iseene
Dhigii saado laga bururiyuu biniyo siistaaye
Budland camayga laga biiliyaan biid u soo tarine
Iyagoon cidnaba uga baqayn meesha lagu beeray
Laascaano nimankaa bishay beel wadaagaane
Boocamiyo taleex waa ogyiin beenta reer bariye
Badhan iyo dhahar baan bilaash loogu beeriqine
Dadku kala baxee goorti aan baadhay ciideena
Bulshada reer sanaagoo dh an baan siiyey Buradiiye.

Afartaa banaystaye hadaan meel kale beydho
Basaas lacag la siiyiyo nin xumi buunka how tuma e
Nin u badhaq-nuglaadu dilaa fule beloobaye
Waa waxa aduunyadi bedelay biidhi qaatuhuye
Haddaan bagga la odhan muu hadleen ruux baraadli’ye
Bir magaydadiisu afxumo doqon ku boobaaye
Bud-dhiga aan ku soo xidho midkaan baaqiga u dhigaye
Ifku waa beryoo uunku waa wada baqooltiine
Bacadkiyo qiyaamaha markay baahsan tahay xaajo
Buugaag la qoray baa hadhoow laysu soo bixine
Ilahay ka baqa akhiraan laga bad badayne.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top