Suugaanta

Kalabaab: (gabay) waxaa tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay

qoorubaxayKALA BAAB
——————-

Gabaygan oo la yidhaaho Kalabaab waxaa Abwaan Mubarak qoorubaxay kaga jawaabayaa gabaygii  uu soo tiriyey Abwaan Mohamed Douglas ee DAD IS BARAY, wuxuuna ku bilaabmay gabayga oo gole ka fuul degdega ahaa:
Dhaglasoow dhambaalkii ku baah oosha badideed
Bushaarona u noqoy uumiyii kuu banaanbaxay
Buug baan ku qoray xaajadii kugu balaadhnaye
ilaah baa bogaygiyo ku dhigay bedenka feedhaaye
inkastoon dambaab uga baqoo doonay inaan baajo
Bismilaahi maantana tixaa waa binayn jiraye

Baliyaa dabaal lagu bartiyo waab baraago leh
Marka ay badweynada tagtaa badawgu oodmaaye
Bilcilkiyo maraagiyo wuxuu galow u baaqbaaqo
Haddii baasaboor biig indho la’ biritish loo dhiibo
Markuu Ayr balayntii ku tago biritain geesteeda
Tuulo joog wax bowsaday inuu buuri kugu saydho
Oo boqoro daandaansadaa waw banaan tahaye
Dibnaha biirka lagu muudsadee belelku uu leefay
Waa waxa Bakoorada ku riday qaar bidaaro lehe.

Biqladhabadka sheekada yaryare la isla booxaayo
Markuu nin isku baaboba kuwaa bawlad lagu siiyo
Bawdada Habraha ee shanshada lagala soo booday
Bakhti ruux ku nool oo nin kale biiliyaan nacaye
Allaylehe barjuhu waysku diray Beello wada yiil.

Bayaan hadalka xaajadu markay tiih ka bixi waydo
Ninka boogta sara ee gartii baac u kala gooya
Iyo kaan wax soo biirinini wayla kala baab.

Garoon laysu soo baxay dadkoo madasha soo buuxshay
Ninka baaqa uu jeediyaa beeshu wada raacdo
Iyo kaa wax booshaaqayaa wayla kala baab.

Marka ay bilaawaha tagtee belladu dhiilooto
Geesiga badheedhiyo Fulaa budulka weyn yeeshay
Ee baydadaayee qadhqadhay wayla kala baab.

Suldaan kaa bukooda iyo boqor cudur ku soo booday
Ninka faalka beentaa dhigee moorada u baadhay
Iyo sheekha Baara u akhriyey wayla kala baab.

Barni inanta quruxda leh hadduu Aabbaheed bixiyo
Buntukhuu sitiyo faras baxdow wada baroorkiiya
Ninka boqol halaad soo tubee baarqabka u raacshay
Iyo kii bakhaylee hagraday wayla kala baab.

Ninka gabayga baydkiyo tixii Ararta buureeyey
Ee yidhi bun layskama dhimee baanayoo mariyey
Iyo kii bugaanbug u tirshaa wayla kala baab.

Boorame Hargeysiyo Berbera gudaha Buuhoodle
Burciyo ceerigaabiyo badweyn bananka oosheena
Laascaanood nimcada buuxisee laysla bahardaado
Nabad lagu bariistaa illaah dhigay barteeniiye
Ninka Xamar baqoolka ugu kacay wayla kala baab.

Bulshada isku nooshee bahnimo kala kaxayn wayday
Ninka yidhi Burco-ba waa anaga wayla kala baab

Diyaarado bamkay tuurayaan ciidu belelayso
Ninka yidhi Budh baan kala hortegay wayla kala baab

Bawd-kaan ka dhacay oo hablaan boqonta taabtaabtay
Bangigii ku xigay baan hadana boobay wixi yiilay
Baabuuraday igu eryeen badiba waan xiijay
Ninka yidhi bilaysna ima xidhin wayla kala baab.

Facebuuga buuxee dadkii boqol malyuun dhaafay
Een ruuxna baahida mid kale bilo ogaanaynin
Ninka yidhi Badraan baan ka ahay wayla kala baab.

Bud-dhigeeda maansada tixdii burada lay siiyey
Ninka yidhi anaa kaa badshana wayla kala baab.

Inan baadidoonkeed ragii qaaday boholyoowga
Biyo dahab la moodoo ilaah bilic u dheereeyey
Iyo buufiskaa laga shakiyey wayla kala baabe

Warku yaanu baahine hadaan badi u soo qaydo
Balaniyo walay wada martoo boocyadaa go’ane
Baalahay kitaabada jartaa dilay bahdeediiye
Ilamaa axdiga ay bursheen dhaarta laga baajo
Qorshe beegsi nololeed ilaa qaran u soo baydho
Weligeed bulaan bay ku jiri beelo kala sheeg.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top