Suugaanta

Geliya Taariikhda; (gabay) Tix gaaban oo uu tiriyey Abwaan Maxamed Xasan dhaglas

DhaglasAbwaan Maxamed Xasan Dhaglis oo Tix Baane ah u soo tiriyey nimanka Abwaanada sheegtay ee reer Facebook, ee tartan suugaaneedka laga sugayo , wuxuuna ku bilaabay;
Hadii gabay tilmaan leeyihiyo taajirnimo raagta
Dhaxaan tiriyey suugaan tayo leh oon ku taagsadaye
Wax badan baa sidii boqor tunkaa taajka lay sudhaye
Wax badan bay dadkuba temaniyeen tayda gaarka ahe
Haduu tanako leeyahay anay igu tilmaamaane
Togba tooxa uu leeyahuu taag rogmanayaaye
Maantana tisbaan goynayaa geliya tariikhda,
Intii aan Togdheer iyo saraar tamashle gooshaayey
Ee aan hadhuub moroh ka tolan togan ku maalaayey
Nina tookha beenta ah xumaan iguma taamayne
Waxaa lay tix gelin jiray sidii turuqlihii Aare
Tooraydi goortaan dhigaa layla tiigsadaye
Talyaaniga markan haybsadee yurub kasoo toosay
Intii aan tahriibaayay bay ii tashanayeene,
Ayaamaydun tiiqtiiqsateen tamari meesheede.
Taxtaxaashis facebook ma jiro toogan dabadeede
Tartan baa dhexdeenii la dhigay nacay tudhaaliiye
Nimankii Is tooxtooyoow way inoo tahay.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top