Suugaanta

Tororogtii baahday (gabay) waxa tiriyey Abwaan Mubarak qoorubaxay

qoorubaxay21Tix kooban oo uu Abwaan Mubarak qoorubaxay tiriyey oo badhitaaraysa tixdii gaabnayd ee Abwaan Maxamed Xasan Dhaglis ujeedada laga leeyahayna ahayd in raga gabanaya la qodqodo, Waxay ku bilaabanaysaa tixdu.
 
Todob kuu curtiyo kala mug weyn hogosha tiixdaaye
Dhaglasoow tusaalii la maqal adiga taadiiye
Taariikh laguu geli haduu tayse leeyahaye
Tirtirsiinta Arartii ahayd Toona laga sheegye
Tuhun weyna Facebook ku beer lays tumaatiyey.
 
Haddaanse toogadaydii u baxo tidica suugaanta
Teedkii Murtidu ay lahayd toojo godolkeeda
Inta aan tiskeedii u dhigo ood-rogna u taago
Tunka iyo Laxaadkiyo anoon muujin turuqayga
Gabay aan turxaan lagu ogayn laaxin laga tuuro
Cabdiyoow tabtii aan tiqiin waan u taxayaa.
 
Nin kastaa wuxuu taransaduu tacabki maalaaye
Tuugaysi weedhaha ku yimi Tamarin maayaane
Tuducyada rag leeyahay kuwii shir isla soo taagay
Nimankii tiraab nooga dhigay tix iyo geeraarka
Toban eray kuwii bawsadee rag isku taaraayey
Ee tookha faanka ah mar qudha nooga tudhi waayey
Tartankii markii ay maqleen qaar tawaawaca’e
Iyagoo tarwadhay oo hadana socodka tiicaaya
Tahli waaye xaraf baa la yidhi tawsna lagu sheegye
Sida aan tibaaxdeeda helay waa tukubayaan.
 
Hayeeshee talaa meel ka tiil gabay taseeyaa
Haddii aanay magacii tirintirin tuurta lagu qaatay
Oo aanay Toobaay ka odhan tororogtii baahday
Waa todoba ayaamood waxay teneg ku dhuuntaane
Tiir iyo bir xoog weyn ayaa lagu tigtigayaaye
Sida toojo geel baa nirgaha loogu tolayaaye
Tartarkaaga qabo sheekadoo noo ah talantaali.
Be Sociable, Share!

The Latest

To Top